Home

Wacdi

                                                 Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Maxamed  Cumar munaasabado badan oo kala duwan ayuu ka gabyey. Gabaygan hoos ku qoran wuxuu ku saabsan yahay majaal hor leh oo  inta badan dadka gabyaa aysan iskuba mashquulin, Maxamed Cumar se  in badan oo gabayadiisa kamid ah ayaa ku saabsan majaalkaas asaga ah. Wuxuu majaalkaasi yahay wacdi iyo Alle xusuusin.  Wuxuu yidhi isagoo Muslimiinta wacdinaya:

  • Nimanyahow adoomaha badhkood, male aqoon wayne

  • Kolba waxay arkaayaana waa, ku arin qataane

  • Mana oga amuuraha Ilaah, inay ahaadaane

  • Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo, aayadiyo diinka

  • Kutubaha war lagu soo ebyee, uunka wada gaadhay

  • Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe

  • Aadaanka gabay waanigii, aaladayn jiraye

  • In dhawayd ma uugaaminin, or iyo geeraare

  • Ogaadaay anaa iska edbiyee, igama oodnayne

  • Maral lagu arkaayiyo ninkii, cuduri naafeeyay

  • Kol haddaan asiib looga dhigin, aramidaa haysa

  • Oon lagu ayimin iilku waa, lagama oolaane

  • Ogaadaay mar unbuu caafimaad, ku istareexaaye

  • Haddaad aragto aadmiga nimaan, ubad u ciidmaynin

  • Oon aduunyo u godlayn, adhiyo geel toona

  • Ogaadaay mar unbaa irsaaq loo furaa, bari ka aasnayde

  • Ogaadaay adoomaha marbuu, ugu il roonaane

  • Aabiga libaaxuba wuxuu, ayda sarre maaxo

  • Ugaadh iyo aduunyaba hadduu, waayo ka abaado

  • Arsaquu lahaan jiray marbuu, amarkii siiyaaye

  • Ogaadaay abeer lala damcuu, adhaxda gooyaaye

  • Axad waabari toomantoo, dunidu aafowday

  • Olal kacay arlaa’iga dhulkoo, laga amaan waayey

  • Kol unbaa sabaan aarantaa, ararta doogayne

  • Ogaadaay alaaliga baxdaan, ku intifaacnaaye

  • Jilaal abaaraad hadduu, adhigu kaa liico

  • Ama khoof diraaceed haddii, lagugu aaheeyo

  • Ogaadaay ayaamaha gu’ baa la irkan doonaaye.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.