Home

 

Bas uun iga Dheh

                                                            Deyl Yogol    

 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

Deyl Yogol ayaa tiriyey gabay aan hadda ka hayno tixahan hoose ee kooban.  
Gabaygani wuxuu ka mid ahaa gabayo badan oo laga tiriyey dagaalkii 
Dhurwaale ee Isaaq ku jabay.  Deyl dagaalka wuu ka maqnaa sida aad 
gabaygaba ka arki doonto oo wuxuu jiray dhinaca Jigjiga iyo Bartire.  
Dagaalku maalintuu dhacay maalintii ka dambaysay ayuu goobtii yimid 
iyadoo Ogadeen intii goobtaa joogtay libin ku geeraarayaan.  Wuxuu haddaba 
tiriyey gabay ay midhihiisa ka mid ahaayeen:  
 
·        Dhulku wuxu balaadhnaa kuwii baalna laga siine?
·        Ee Bulaale noogu yimid, baahi uma hayne
·        Bunduqa iyo bilaawaha afkale, waran la soo boodye
·        Bacdigeed waxa laysku helay, meel banaan subaxe
 
·        Inaan fulay sidiis baygago aan, bilifta weydaarto
·        Ama nin weyn buqun jaro, qori ka baal qaado
·        Ama aan baaqigii lumay ku jiray, geeri loo badaye
 
·        Seddexdaas miduun baan bogon lahaa, baasihii shalaye
·        Waatay Bartire ii direen, boho shidaameede
·        Bas uun iga dhe hadii Reer Suldaan, baabah laga yeelay
.....
Soo dhamaystir.  Waxaan intan ka helnay Cali Gaaxnuug.
 
 
 
 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.