Home

Aaweeti

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 

 

 

  • Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
  • Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne
  • Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline
  • Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne
  • Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine
  • Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e

 

  • Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne

  • Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e
  • Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere
  • Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah
  • Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e
  • Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida
  • Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda
  • Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh
  • Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga
  • Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran
  • Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin
  • Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya
  • Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha
  • Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba
  • Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha
  • Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan
  • Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin
  • Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda
  • Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane
  • Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye
  • Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe
  • Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
  • Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican
  • Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e
  • Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye
  • Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule
  • Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye
  • Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye
  • Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e
  • Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye
  • Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye
  • Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye
  • Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane
  • Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
 
  • Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo
  • Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e
  • Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw)
  • Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
  • Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo
  • Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e
  • Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e
  • Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
  • Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye
 

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.