Home

Alla-tuug (1974)

                                                  Macallin Dhoodaan

 

 

 

1974kii Cabdullaahi Dhoodaan markii uu eegay xaalka Soomaalidu sida uu yahay: dhulkii Soomaaliyeed oo qaar gumayste gacantii wali ku dambeeya, dadkii la rabay inay raacdeeyaan oon usoo jeedin, dhalinyaradii oo si xun u wada ilbaxday oo sigaar, turub, iyo qaad la ruugo door biday, dumarkii oo asturaadii iyo xishoodkii ka xuubsiibtay, sakadii oo la bixin diiday, culumadii oo la istikhfaafsaday, ayuu wuxuu dacwadiisa u bandhigay Ilaahay oos waydiistay inuu ummadda soo hadeeyo, kheyrka iyo wanaagana kusoo dabaalo.  Wuxuu yidhi:

  • Boqoroow Allahayoow adaa, baaqiyoo jira e

  • Bari iyo adigaanay Galbeed, kula balaadhnayne

  • Sawaariikhda adigaan ka baqin, oo iska soo baxa e

  • Adaanay bir orod dheer ku helin, amase baabuure

  • Baylood  cirkaa mari adaan, buur ka hoos galine

  • Adigaa wixii aad burburin, berina joogayne

  • Baryadayda ii yeel adaan, kuu bandhigayaaye

  • Barashada cilmiga diinta yaan, baafiyaa waliye

  • Masaladii la baadhoo dhan baan, baal ka taagnahaye

  • In aad diinta ii badisid baan, kaa baryahayaaye

  • Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye

  • Baradaydii gaal baa fadhiya, buuran tabartaye

  • Mana badheedhi karoo ninkaa, baaqsadaan ahaye

  • Inaad iga bixisaan rabaa, oon kaa baryahayaaye

  • Boqollaal rag oo wada fadhiya, badhaha suugyaasha

  • Oo turubka baandhayn hayoo, adigu ii baaq leh

  • Oon baabka waysiyo salaad, boqonta maydhaynin

  • Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye

  • Umad baylahda u diid yaan, kaa baryahayaaye??

  • Bangi lacag ah geel badan rag loo, adhigu uu buuxo

  • Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii, bowdka miranayso

  • Oon bakhaylnimo sakada, barina dhiibaynin

  • Bogga naar inay dhigahayaan, baabka lagu sheegye

  • Ummad bixisa oon diidin baan, kaa baryahayaaye

  • Xeroow aan bilowgii cilmiga, baran kitaabkiisa

  • Oo imaamyadii wada billaa, balah u sheegeeya

  • Isaguna inuu baastar yahay, baabka lagu sheegye

  • Barqankaa inaad bi'isid baan, kaa baryahayaaye

  • Barbaar aan cibaada Alliyo, Boqor adeecaynin

  • Oo baarka siinaay kalkii, bal u budlinaaya??

  • Oo buuri nuugoo ilkaha, dabarku uu buuxshay

  • Inay bohosha naar galahayaan, baabka lagu sheegye

  • Dhallin aan ibliis bi'inin baan, kaa baryahayaaye

  • Bogga kale haweenkiyo haddaan, baal kale u leexdo

  • Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo, ku buuraanin

  • Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene

  • Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye

  • Boggaa qaawan bowdada cad iyo, naaska badhidiisa

  • Barta xaluska kaga taala iyo, bari dabkii gaadhay

  • Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye

  • Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye

  • Beeshii haddii aan wada marayoon, baal walba u eegay

  • Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil, baalka mariyaaba

  • In halaag kusoo beegan yahay, baabka lagu sheegye

  • Bulsho kheyrka wada raadisaan, kaa baryahayaaye

Amiin

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.