Home

Dalxiis Geyn

                                                                              Dhoodaan

 

 

 
Gabaygan Dalxiis, abwaanku wuxuu kaga hadlayaa hodanimada iyo qaninimada dhulka loo yaqaano
Ogaadeenya ama Soomaali Galbeed.  Wuxuu gabaygu ka mid yahay gabayada naadir ka ah ee Dhoodaan.
 
Wuxuu yidhi:
 
1.      Dalkayaga dabeecooyinkii, Eebe ugu deeqay 
2.      Dulwareejis guud baan tilmaan, kugu dawaafsiine
3.      Ila daawo gabaygaygan waan, kugu dalxiis gayne
 
4.      Hanfi dab iyo duufaano maleh, ama diraac dheere
5.      Madaayaan daruurtiyo cirkuba, waana di-i-taane
6.     Daafyahaa saraa noogu badan, karan darroorteed e
 
7.      Umana doollin doog iyo xareed, wali dadkiisuye
8.      Mana doosho duunyadu dhul kale, sidan daraadeede
9.      Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
10.  Ee daan Galbeed iyo kor baan, kuu dalaandalinne
 
11.  Waana dul iyo diillaha dhixiyo, duudo iyo buure
12.  Durdur iyo dad haro uu qotiyo, kali dafoo buuxa
13.  Tog durraaba laagaha dixdiyo, wabi kasoo daaca 
14.  Biyaha daadku dooxiyo hundaba, way dindimayaane
15.  Markaasuu qofkii doonayaa, dalaga beertaaye
 
16.  Ma dardugin farsamaday shacbigu, tacab ku doontaane 
17.  Harqoodkii dushiyo kootar adag, dacal u saaraane 
18.  Jiqirtidaan dabcayn Nugi durtiyo, kooshi loo dadabye
19.  Minaaq daloolay baa marashadii, loo dusinayaane
 
20.  Digiraday dafsiin iyo irfidaa, la isku daabtaaye
22.  Xadhko dunniyo suun iyo qoryihii, laysku wada duubye 
23.  Sango dacayan dagal kaw sudhoo, lagu dabaabeeye
 
24.  Markaasay dullaha qaadannooy, daba istaagaane
25.  Alaabtaa carada dooxi bay, dibidu jiidaaye
26.  Ciid abuurkii lagu daadinbay, kala dilaacshaane
 
27.  Dhulkuna daahimaayee sidii, lagu dareemaayey
28.  Durba midhihii oo doog noqday buu, soo dalacayaaye
29.  Dheelidaa dabayluhu lulaaan, maalmo dabadeede
30.  Hadana way ka dabargoyn ristiyo, caws dugsiin kara e 
31.  Doc katuure laamuhu sabuul, firi dahaadhnayde  
32.  Waliba shay darxumo keeni baa, laga duwaayaaye
33.  Waxay ugu dikeeyaan sariir, daakhilkeeda ahe
34.  Doofaarraday kaga ceshaan, amase daanyeere
35.  Wadhaf bay ku daafici shinbiro, duulayaa jira e
 
36.  Mudday laydh dabaalane kolkay, diir-cadaad noqoto 
37.  Qof dibjiray haduu soomariyo, socoto diifaysan
38.  Looguma darree beerta waa, laga daryeelaaye
39.  Wixii deeqi karay baa martida, looga sii dubiye
40.  Qofkii oon degmada gaadhin bay, sii dibiriyaane
 
41.  Qodaal darisa waa lagu ogaa, daawo iyo xeere
42.  Way ugula dillaamaan mandado, kii dalbada guuse
43.  Bakaar duugte xero oodan dayr, oo karoor dade 
44.  Qofba wixii dorraad kayd u yiil, wuu diqdiqayaaye
 
45.  Dhulkani deeq Allaalehe intuu, naga durduursiiyay
46.  Wixii Daa'in naga dheefshay iyo, qaar ku sii dihinba
47.  Dibno kuma idlayn karo sadkuu, noogu daabacaye
48.  Duuduub ahaan saricii waan, kuu dulleed maraye
49.  Dabrocelinta hoos iyo Bari baan, kuula daadagiye
50.  Tanna ila day waa daaqsintiyo, geestii duunyada e
 
51.  Inkastoo darraanshihii batay iyo, dacatigii maalku
52.  qof daman oo kuwiisii dacniyay, ama darbaynaaya
53.  Isba caydh dagaagtiyo fakhribay, dani u gaysaaye
54.  Dango malaha duunyadu hadaan, layska daayicine
55.  Ma darsaan damiin jaahil iyo, doqontu waa mooge
 
56.  Iga daase hadalkaan damcay, tani duwaysaaye 
57.  Maansada dariiqii horaan, kuugu daadihine
58.  Gu iyo dayr dabaylood xagaa, ama diraac goodle
59.  Afarta xilli dacalka Bari, waa isdabajooge 
60.  Dagmadiyo siday ugu dhaqmaan, ceel-shubkiyo doogga
61.  Durdur iyo magaalaba anaa, kugu dalxiis gayne
 
62.  Sheekada aan lagu daalin baa, daawo miidhan ahe
63.  Waxba yaanan kuu sii daldalin, sheeko dabadheere
64.  Ma daynine dulkaasaan hadhow, daadah kaa odhane 
65.  Maantana halkaa noogu daa, haysku sii diline
66.  Diyaar noqo hadana saadanbaan, daqaqamaynaaye
 
Cabdi Xiis ayaa gabayga ka qoray cajaladdii uu ku duubnaa. Mahadsanid saaxiib.
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.