Home

Dhugasho (1972)

                                                    Macallin Dhoodaan

 

 

 

 

1.      Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey

2.      Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey

3.      Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

4.      Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

5.      Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey

 

6.      Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

7.      Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

8.      Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

9.      Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

 

10.  Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye

11.  Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey

12.  Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee

 

13.  Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye

14.  Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

15.  Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

16.  Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya

17.  Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya

18.  Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo

19.  Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

20.  Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e

 

21.  Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

22.  Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e

23.  Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade

 

24.  Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

25.  Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane

26.  Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto

27.  Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin

 

28.  Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey

29.  Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine

30.  Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

31.  Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye

32.  Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

33.  Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

34.  Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay

 

35.  Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

36.  Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

37.  Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

38.  Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

39.  Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye

 

40.  Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

41.  Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

42.  Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

 

43.  Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

44.  Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

45.  Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

 

46.  Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

47.  Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

48.  Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

49.  Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

50.  Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

51.  Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

52.  Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne

 

53.  Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye

54.  Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

55.  Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine

56.  Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine

57.  Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo

58.  Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa

59.  Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

60.  Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga

61.  Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

62.  Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e

 

63.  Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno

64.  Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

65.  Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho

66.  Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

67.  Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho

68.  Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

69.  Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

70.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

71.  Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

72.  Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

73.  Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

74.  Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

75.  Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo

76.  Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho

77.  Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

78.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

79.  Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo

80.  Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

81.  Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

82.  Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

83.  War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

84.  Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho

85.  Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno

86.  Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo

87.  Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

88.  Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey

89.  Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo

90.  Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye

91.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

92.  Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

93.  Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

94.  Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

95.  Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.