Home

Duraaqsi

                                                  Dhoodaan

   
 1982 markii ay ururo badan oo mucaarad ahi ku kaceen dowladii Maxamed Siyaad, jabhadihii gobonimo doonka ahaa ee
 Soomaali Galbeedna ay amarkiisii diideen, arintuna ay ku ciirtay ayuu wuxuu is tusay in sidda kaliya ee ay dawladiisu ku
 badbaadi karto ay tahay in uu Soomaalida iska horkeeno oo uu qolo qolo iyo qoys qoys u qeybiyo iskuna dirro. Wuxuu
 haddaba abaabulay dicaayad ah in dowladu Daarood tahay dadka ku kacsanina ay yihiin Isaaq iyo Hawiye. Wuxuu
 Daaroodkii ugu dacwooday in laysku dirayo, in la falay, in la asmeeyey, iyo in uun iyaga duulaan lagu yahay oo la baabi'in 
 doono.   
 
Wuxuu haddaba isugu yeedhay niman badan oo gabya, xaafado ayuu goglay oo lagu hilbo qashay wuxuu amray nimankii gabyi
jiray inay gabayo tiriyaan kuna raad goobaan midnimada Daarood.  Waa kaligii taliye iyo gadiisiiye, wuxuu damcay inuu sharciga
Soomaaliyeed isku mashquuliyo oo uu dabadeed isagu dhex ku bari noqdo.  Waa madax weyne oo runbuu sheegayaa bay is
yidhaahdeen oo sidii uu faray ayey yeeleen.  
 
Gabayo badan ayey tiriyeen.  Waxaa kamid ahaa kuwo ay ugu yeedheen Deyro Abwaan, Dood Nin Leh, Durbaan Dhiilo iyo 
mid kale.   Gabayadii waxay ugu wada yeedheen Ergo Daarood.  Cajalad ayey ku duubeen oo dabadeed mashriq iyo maqribba
u duuflaaliyeen.  Cabdullaahi Macallin Dhoodaan oo mudo dheerba ku kacsanaa mucaaradna ku ahaa dowladda gabayo badan
oo cambaarayn ahna ooda kaga soo qaaday ayaa cajaladii loo geeyey isagoo joogo magaalada Diri Dhabo. Kadib markuu
dhagaystay cajaladii ayuu jawaab halkaa kasoo diray oo intuu cajalad kusoo duubay usoo dhiibay safaro Xamar usoo jeeday.  
Gabaygii jawaabta ahaa ee uu Dhoodaan tiriyey wuxuu u bixiyey Duraaqsi oo uu ula jeedo in aysan dhibaato kale Soomaaliya 
ka jirin ee ay tahay uun xukunkii Maxamed Siyaad oo cantatabay dhinac uu u ciirsadana la'a,  Soomaalidana inuu isku habaabiyo
oo uu Irir iyo Daarood, Isaaq iyo Daarood iyo wax noocaas ah u qaybiya rabba.
 
Ergo Daarood iyadoo dhan ayaan ku haynaa sanduuq kaydka ee doollo.com, laakiin nasiib daro siiqada uu ku qaadayo ninka
duubay daraadeed way adag tahay in wax badan laga fahmo.  Bogga dhagaysiga ka eeg Ergo Daarood oo dhan. Haddiise aan
halal kooban kuusoo qaadno waxaa ka mid ahaa Ergo Daarood:
  • Daarood Ismaaciil sidii, deero kala yaacye
  • Mare lagu dareershiyo falbaa, deegta loo sudhaye
  • Waryaa Daarood Ismaaciil aheey, durugtay ceebtiiye
  • Falastiin halkii lagu dagaan, daaqad ka arkaaye
  • Iyaguba darxumaday qabaan, dar Alla ma ahayn
  • Dukaamadiyo beertii kolkii, daarti laga iibshay
  • Ee dalkiiba laga saaray bay, dibad u yaaceene
  • Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
  • Raggaa faraska doolaal ah iyo, goolkiibaa dagan leh
  • Sharafteenii bay doonayaan, inay dumaalaane
  • Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
  • Darajada walaalkeen sitaa, waa mid noo dan ahe
  • Waxba yuusan deeq badan kusiin, ama duubaax hooye
  • Hadduu kuu daraadana nin kale, kaaga...................
  • Shisheeyuhu kol uu kaaga dido, duubkuu kuu xidhane
  • Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
  • Haku darina diraceena go'ay, kaa dudada taagan
  • Intii laysku kiin diri lahaa, idinku daaweysta
  • Dubaaxdaad shisheeye u kadeen, siiya doqonkiina
  • Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
  • Qofka duday waxuu ka duday, doona xididkeeda
  • Nin rag ahi dudii kalama hadho, geel hadduu dido e
  • Anna dooda maansada tolkay, baan ku dumayaaye
  • Inuu daawo yeeshaan rabaa, ubadka Daarood e
  • Yaa Daarood Ismaaciil aheey, duruqtay ceebtiiye
Gabayo sidaa u socda ayey ahaayeen Ergo Darood.   Jawaabtii Dhoodaan waxay ahayd sidan Hoose, isagoo abwaanku su'aalo
u badiyey gabaygiisii.  Wuxuu yidhi Dhoodaan:
 
1.    Muqdishiyo docdaa gabay dhawaan, igaga soo duulay
2.    Gabay daallan aadna u dalfaday, oo durqumi taan leh
3.    Gabay dood abwaan loola baxay, ama durbaan dhiilo
4.    Oon kuba dareerayn xilliga, doorku yahay maanta
5.    Oo doola bay soo dardaray, waanan daawadaye
 
6.    Soomaaliya intaynaan u dagin, teedi daakhiliga
7.    Nimankiina darandooriyee, gabayga soo duubay
8.    Falastiin gumasigi dafaad, uga daraateene
 
9.    Dalkan Yurub Israa'iil dajine, xoog duldhige Naato
10.  Uma dixan-dixaysaan agow, waad ku digateene
11.  War xoolaha damaankiyo, sidii qalab dukaan yaala
12.  Danbiil lacaga, doolar iyo dahab, ma gooyaane
13.  Dhulkuna ma aha daaqada dhariyo, daas qof leeyahaye
14.  Umadaa cayda loo diiqayaa, ma aha dawgoode
15.  Ha iskana dulqaateen anaa, xaal dagdaga siine
 
16.  Soomaaliya ku soo durug, bal aan dayno Falastiine
17.  Dagmo, balad, in dallag beeratiyo, daaqsatada guurta
18.  Shacbigaan danqaabiyo dhex ool, dira-diraa toona 
19.  Shacbiga isu deexdee kalgacal, wada dalxaynaaya
20.  Umadaa wadaniyiinta eed, dooni sharaf tooda
21.  Walaalahan isdaaraynin ee, ooda wada dayrta
22.  Maxaa loogu doolaabayaa, duhur in lays boobo?
 
23.  Kuwase qaar falbay nagu dabreen, cid u dareensiiyay
24.  Waxna furdaamis bay dooni yidhi, sixir la daandaamay
25.  Danbigooda lama dhaafayaal, waysku dilayaane
26.  Soomaalina danteed kama hadline, waa dariiq lumise
 
27.  Kaa dunuunucaayow adoon, duulal kale caayin
28.  Adoon daala dhaaf iyo af xumo, qaar dacaayadinin
29.  Soomaalida dalka u siman adigoon, kala dambaysiinin 
30.  War duuf iyo dhaleeciyo adoon, ceeb dusha u saarin
31.  Danbas aad ku saydhiyo adoon, deeb marmarinaynin
32.  Kaad durraamanaysiyo intuu, deeqi hadal kaagu 
33.  Eed Daarood kusheegayso maad, aayar daydayatid?
34.  Dafdaftiyo maxaa meel kadhaca, idin dabaalsiiyey?
 
35.  Kuwiinaa dardaarmiye lahaa, aafadii darartay 
36.  Ee Daarood sidii sheekh digriyi, ugu garaar daayay
37.  Ma tu laydin dirayaa dirqigu, waa ba dooc kale?
38.  Mise waa dubaaq iyo waxay, damacday laabtiinu?
 
39.  Xukunkii dakhaakhulay uunbaa, show duraaqsadaye!
40.  Ragga gabayga dirayow hadaad, nabad ku doonayso
41.  Ood xumaha diidoo samaan, ugu dacwoonayso
42.  Soomaalida maxaad uga duwdeen, idinba Daaroodka?
 
43.  Dacdariyo dareenbey ogtahay, dhiilo danantaaye
44.  War qaylada dannaaniday, anoon daalacba u raacin 
45.  Dad Soomaliyaa wada lahaa, calanka doogaayee
46.  Maxaa keenay Daarood haday, dowladnimo joogtay?
 
47.  Hadiise dacayda loofuray qabiil, sidanna loo daaco
48.  Duntiyo kay wadaageen jinsiga, ama degaankoo dhan
49.  Soomaalidii aan Daarood ahayn, dibad miyey aaday?
50.  Mise roobab duufaanle baa, daad iyaga qaatay?
51.  Dadyowgii kalee Dir u badnaa, tolow damiin yow ah
52.  Kolkaanse baaqa loo dirin ayaga, maw dardaarwarisay!
 
53.  Soomaliyi makala daah adkayn, dayro iyo deeqe
54.  Diif hadduu badh qabo reer majiro, daranyo beelaaye
55.  Dacatigiyo waa loo sinaa, deexsi nololeede 
56.  Inta qaar ladaayacay miyaa, gobol la baar daajay?
 
57.  Dubbayn uga ma jeediyo macnaha, sii dacaayadiye
58.  Dabroo celi su'aalihii madayn, ii dihnaa waliye
59.  Dhulka waad kasoo dayriseen, daakhil kiina ahe
60.  Dildilaacintoodaan rabnaa, wararka dihimoonee
61.  Dakaniyo haday timid colaad, lays ku wada dooxday 
62.  Dabbow duur gub hoosaa jirtiyo, ollol dareemooye
63.  War duumiyo, dabayl cudur ah iyo, durrayga yaa beeray?
64.  S-du haday dabbuur tahay, D-dana eega lagu doorsan 
65.  Soomaaliya dabeed lagu badalo, magacan Daarooda
66.  Ma qabyaalad baa dami kolkaa, sow dallici mayso?
 
67.  Dayaxa Afrikaad baan nihiyo, Xamar qabiil duugtay
68.  Maba durugsanayn taa kolkay, soo daldalayeene
69.  Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo?
 
70.  Is durraamad kiinaa bixiyo, dhawr dublaa jirada 
71.  Ku darsoo iblays darajaliyo, doofillaa wadaye 
72.  Dhibaatada daryaantee sidii, danab u yeedhaysa
73.  Balaayada markii lala dardhaday, dakharka yaa gaystay?
 
74.  Ragiise loo dabaaldagi jiree, Xamar ka doobyaaya
75.  Inay nabada daanyo u noqdaan, ma isku dayi waayay? 
76.  Badhkiin eray duxluu noogu daray, tii uu daabacaye
77.  Waxaana maansadiina u da' wayn, doona xididkii e
78.  Qofka dudaya duulbaw gafaye, sheeg ninkii didiyay?
 
79.  Dallanbaabigiyo oohintiyo, ciil la dabandeebka
80.  Sida lagaga duudsado hadaad, wax u dabiibayso
81.  Horta dibada maad soo dhigtaan, kii danbiga gaystay?
 
82.  Doxor iyo danaystaa ku jira, dayrka reeraha e
83.  Taliskii dakhaakhulay unbaa, show duraaqsadaye
84.  Idinkaa duliga sheegayiyo, dacarta kii qooshay 
85.  War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay? 
 
86.  Hadiise maamul daadihinayaa, dulin abuuraayo
87.  Daalimiinta iyo daacadii, ha isku duubina e
88.  Kuwa idin dakhaakhullahayee, ruuxba ruux dubo leh
89.  Ee dhaardusmayn jiray miyaa, idin leh Daarood dheh?
 
90.  Dibindaabyadii laga cawdiyo, dawgalkiyo eeda
91.  Markaan dayay ujeedada ku dahan, tiina dulucdeeda
92.  Saw malihid Irrir baa isku dira, qoladan Daarooda?
93.  Hadalka qaar diciif kaa dhigiyo, dawdar baa jira e!
 
94.  Tol baan dumida aad leedihiyo, daawo maan xidhano
95.  Haday malab dibnaha kuugu tahay, qaarna wow dacare
96.  Ma dalliil cadeeyaad i siin, taa in lagu diirsan? 
97.  Mise doobabkay badin, inay dacawada u loogto?  
 
98.  Daleel madhan ciyaar looma digin, kaydun deydeyi e
99.  Markuu didayo Daarood sidii, deeradiyo cawsha
100.     Dhaqankiyo dabeecadu ma ridin, dayradaa culuse
101.     Waxaan daayinkood horay u dhalan, yaa dorraad curiyay?
102.     Diilintiyo maxaa gubadka dhigay, dagaladii beesha? 
 
103.     Xeradii dugsiya een lahayn, diga xajiimaysa
104.     Ardaagood dab weyn ugu shiddiyo, dogob la soo jiiday
105.     Haddaan neef libaax kaga dhex dilin, amaan col duubaynin 
106.     Sidee nimanka deydey lahow, geelba uga daatay?
107.     Kolse haduu dilaamihii kacayo, sii dardaro bowdka  
108.     War geelii dudada jeexayee, dibadaha u yaaca
109.     Ninka soo dabaal yidhi miyaa, saamo dabo jiiday?
 
110.     Haddaan waliba doocdoociyeen, tiina uba daayo 
111.     Dayac tiridba how dacal ordiyo, damici shaaleeye
112.     Ma daryeela wawga dari, dhay madaacuhuye?
 
113.     Dumar iyo da’ waayeeshay iyo, diliq caruureedba
114.     Durduriyo bilaash kuma neceen, dagalladoodiiye
115.     Maba daqaqamaynine shacbiga, yaa dagaajinaya?
 
116.     Xagiinaba kuwii faras dalbaday, ama dorraad fuulay
117.     Iyaba way kusoo daba socdeen, kuguma diimayne 
118.     Waase daabad loo wada sinaa, nin iyo doorkiise
119.     Ragga calanka doolaab ah iyo, goolkii baa dagan leh
120.     Haduu iguday yidhi waaba daw, inaad u daysaaye
121.     Xil uu daadahayn karo maxaad, kowdii ugu diiday?
 
122.     Xoriyad doomanaysneyd intaad, dawliska u ridato 
123.     Shubaal lagu daliiqiyo adoo, maaxdii dawdabaya
124.     Kolkaad doqonka Daarood tidhaah, wada dibaax siiya
125.     Soomaalidii kalaa dulmanoo, daris ahaydeene
126.     Miyaan diric kaleetiyo wadani, daacad ihi joogin?
 
127.     Duunyaba halkii lagu darbayn, waa ka durugtaaye
128.     Gardaro iyo daandaansi ba'an, qoomkii lagu doontay 
129.     Hayeeshee dulqaataye idaa, maanta dabadeed leh
130.     Raggii dilay darbadahaa kolkuu, waana daminwaayo
131.     Ficil lala dirganayaa jiroo, way digiigaxane
132.     Ku danqaaday mid kibir diidsanaa, waa la diriraaye
133.     War Daarood maxaad uga dhigteen, boqor dumaal yeeshay?
 
134.     Daarood qudha maxaa wacay, inuu kaligii daaduumo
135.     Duq dhixiyo hadaad daanyo, tahay ood dacwadi qaado 
136.     Dar Allaaban kugu dhaarin iyo, diinta Eebahaye
137.     Dahaadh maleh cadaaladi gartee, labada kee dow leh?
138.     Dagaal waajib ma u yahay kuwii, dhiiga laga daadshay?
139.     Mise dabar go'ooday sugaan, jeerkii laga daalo?
140.     Oo way dagdagi baad odhan, la isma daafoco e?
 
141.     Dabci jaahil baan sii daniyi, meeluhuu duriyee
142.     Diyaar siduu difaac ugu yahee, duurxul uga yaabi
143.     Dulalaati buu dalaq odhan, waa ma laydagiye
144.     Kuwaa gabayga daranyayn jiree, deelka fiirsadayna
145.     Xigmadaan durduursiini waa, kaga digtoonow e
146.     Taliskii dakhaakhulay wakaa, sii duraaqsadaye
147.     Ka diidanee ku daran jiidhayoow, dan iyo yeelkaaga
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.