Home

Furdaamis (1980)

                                                  Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry

  • Fadxi-Laahi kama quusaniyo, farad uu keenaaye

  • Anoo nabi fadligii Eebaheey, noogu fududaynin

  • Waxaan kaaga faaloon hayaa, xeel aan fududayne

  • Intuu finanka ciil iga baxsheen, cadho la faadhyoomay

  • Fakaloolkii igu gaaxday iyo, murugadii faartay

  • Afkii nala fureeyiyo xaqii, waayo laga faagtay

  • Fursad iyo wakhti baa ii dagmiyo, goor fateelin ahe

  • Firaaqiyo rag saan kula falamo, falagu ii keenye

  • Waxay foolataba eega, waa haysku foodhido e

  • Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne

  • Soomaaliya fakaag waan u rabay, loo furfuro buugge

  • Waxay fadhato xidid fiilo dheer, nagu fogeeyaanba

  • Maantaan u fooqfooqyo goyn, oon fujinayaaye

  • Faan iyo bilaash kuma lug go'o, fulayna yeelkiise

  • Dagaal inaan u faytaa maryaha, saaka waa faral e

  • Dadkay naga fidmeeyeena, waa inaan furdaanshaaye

  • Waxaan kaaga faaloonayaa, xeel aan fududayne

  • Amuur sida faleedh iyo dhega, baan haatan faaqidiye

  • Waana laba farqiye, tii horaan kuu fasirayaaye

  • Cadow taladii faahfaahiyoo, fiiro badan yeeshay

  • Oo falaadha iyo tooridiyo, waranba kuu fiiqday

  • Feedhaha markuu kugu dhuftee, faysha kugu gooyo

  • Tumaatida fashliyo widididii, kugu fashaaqaaya

  • Oo farsamaan aqaan oon hadhow, kugu fayoobayn leh

  • Sidaa nacabku faro kii fishaa, soo wax falan ma aha?

  • Faqa soo dhamaaday ee, ogaan loogu fulinaayo

  • Nacas fooraraa yeela, iyo ficilka doofaare

  • Fariid kamaba suurowdo iyo, geesi fool adage

  • Rag fidaa'inimo sheegta, oo meel facshara taagan

  • Runta anoo ka fuuryeeli, waa inaan shir feydaaye

  • Markii aad shacbiga fuuqsatee, dili fariidkaaga

  • Soomaaliyaad faa'iido u tabciyoo, way ku faraxdaaye

  • Garaadiyo fuluus bay dabeed, kuu fasaxayaane

  • Loomaba fadhiyin waa amuur, xaal fashiiste ahe

  • Darajada faduusha ah, waxay fadhato kuu siisay

  • Amay faraqa lacagtaad ku shuban, kuugu fidinayso

  • War soow taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

  • Qofkii beero faagtiyo midkii, xoolo foofsanaya

  • Faruuryahooda waxa kuu diree, dhawr leh fanaxdooda

  • Ee yidhi lacag baan kuu fatihi, ee jara inta u fiican

  • Firxad iyo figtiyo tooxsigiyo, caydh la kala fiijo

  • Markay fudayd dadkaagu u madhaan, eed firkaba goyso

  • Alif weeye waxay kuu fidshaan, eed ka filataaye

  • Fadhato u shaqaysaye, maxaad adigu faa'iiday?

  • War ma facaayilkaa baan, anfaco kugu fadeexaynin

  • Falsafadaadiiba way, kaa fasaqayaane

  • Soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

  • Fanacowdu maxaa taa, inaad fahamto kuu diiday?

  • Faraacida malayn ee, waxbaa Eebe kuu fadaye

  • Kiina feeyigaadaba markay, godad u faadhfaadho

  • Foodanna ka toogta idin tidhi, keena tala fiican

  • War soo taa in laga fiirsadaa, meesha kuma fiicna?

  •  Oo soo fidaa'igaad sheegataa, kaa fashilan ma aha?

  • Fanna cawdu maxaa taa, inaad fahanto kuu diiday?

  • Faataa dhuglayntaa batiyo, Xamar faduusheeda

  • Amarkaa xuneey idin fareen, kiinii fulin waaya

  • Ee foolax-goodiga nacee, diida Reer Filigga

  • Fikrad waajibuu helay, qofkaa faataxaysanuye

  • Waxba nimanka fiidhoon, anoon tooda sii fananin

  • Ragbaa xamar la fuulo u noqdiyo, farasba qeyrkoode

  • Nacabka soo fangalayeey, dhulkii uga fataalaane

  • Faliidh naga dhex duuluu iblays, faagtayoo qorane

  • Filgin buu noqdaa iyo hangool, kuu faraadhyo lehe

  • Fujaasadu markaasay dhacdoo, fool la daray dhiige

  • Siddii falanfalxada dhayda iyo, caano furar yeeshay

  • Wuxuu fiitanayn kaasi waa, fuudkii hooyadiiye

  • Fujaan ehelkii lagu fiiqsadiyo, waa fundhaal cadowe

  • War feenfeeno gacalkaagiibaa, fiicni loo baraye

  • Waxay facalal kheyrka u tusaan, waa fadqalalayne

  • Maansada farshaxan liiliyoo, faarisaa wada e

  • Falkin weeye xaajadu ninkii, fahan wareeroowe

  • Faleedh iyo dheg oo laba farqiya, yaan mid faaqidaye

  • Ilasoco fannigii soo hadhaan, kuu fasirayaaye

  • Dameer laba qof wada fuushan tahay, ii fansaar ma lehe

  • Soomaaliya fakhriga haysta, iyo fadha-madhnaanteeda

  • Dhulkeedoo fush iyo xaaluf iyo, faaruq iyo xeeba

  • Falaadkoodii waa waxa ka dhigay, kii falaagada e

  • Eey dunida sidii ruux fanto leh, uga faquuqmeene

  • Amay qoloba fay ugu xidhaan, fiidba waa dhinace

  • Markay dawlad shalay faaniyeen, maalmo furin siisay

  • Fujuq laga xanaaqiyo intay, cay ku foorariso

  • Fagaarihii la joogaba af-xummo, tay ku figix siiso

  • Iskagama filaatee barreey, faragad weydiine!

  • Wadan talin fadaro maamuloo, dani fadeexaysay

  • Doqon baw faxaaxsada waxbay, kuu faraqayaane

  • Waa xukaamad fidhiqowday oo, loo fongoray ceebe

  • Madaxdaa adduunkii fajacay, faasuqnimadooda

  • Falxad iyo rasuulnimo kuwaa, sidii Fircoon sheegtay

  • Fasahaad intay nagu rideen, oon fiinbabaa noqonay

  • Ooy firinbi noo yeedhisay, bay firiq na siiyeene

  • Fadhfadhle iyo tuug kama cabsado, duul fakarayaaye

  • Run faseexad lagu dheehay, baan aad u falanqayne

  • War foocaaligaa beenta ah, iyo Xamartan fawfaw leh

  • Faanoole sheegiyo waxbaan, soo fatihidooda

  • Fujur iyo fashlaha wiiq leh, iyo gabadha fiidmeera

  • Fatatooshka iyo heesahay, faashle ku amaani

  • Afar fooq ha joogtee wax kale, uguma feestayne

  • War fuuf fuuf cidla ah bay waddaa, fookanays badane

  • Firdhin iyo balaayiyo intay, weerar nagu foogtay

  • Markay fidhadu duushay ee, shacbigii gees walba u fiigay

  • Kuwaa fiitamiin naga dhigtiyo, faanto la cabaayo

  • Ee shacabkanagii faasexdee, nooga dhigi feefar

  • Fulaan fulaanto waa magacyaday, nagu fideeyaane

  • Soomaaliya faceedaa yaroo, looma fiirsado e

  • Fallise oo gumaysiba ka weyn, aafaday faliye

  • Muqdishuu fadhoociba degiyo, tuug fadlinayaaye

  • Falkin maayo hadal faasidoo, layska faanbiyo e

  • Aadna waaban uga fiirsadaa, faaladaan jirine

  • Intii ila fahmaysiyo ra'yigan, wixii ku faayoowba

  • Markhaati baad sidaa iigu furi, fulayna yeelkiisa

  • Sidaa maragga waad iigu furi, fulayna yelkiisa.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.