Home

Gardaro

                                                 Macallin Dhoodaan

 

 

 

Gabayagni wuxuu ka mid yahay gabayada uu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey horraantii 1972kii, waxa uuna ku sifeeyey gardarada iyo dhibaatooyinka ba'an ee ay dadka u gaysato.  Waa gabay sheekada uu gardaro ka sheekaynayo ay u dheer tahay wadaniyad iyo kicin guud oo uu Soomaalida ku kicinayo.  Ujeedada gabayga ayaad ka famaysaaye, wuxuu yidhi:  

  • Gardarooy waxbaad geysataa, goor iyo ayaan e

  • Gafkii aad samaysaa batiyo, godobahaagiiye

  • Gashi aan yarayn baad qabtaa, jeer lagaa gudo e

  • Waxaad goyso moyee lawaa, nimaad gargaartaaye

  • Gurigii barwaaqaysan baad, gubi taqaanaaye

  • Oo ruuxaad gadhqaadaa wallee, guul ma xoogsade e

  • Adiga iyo geeridu dadkii, waad gablamiseene

  • Adigoon gadaal uga hadhayn, mid iska kaa giijay

  • Qofkii tabartii gees kaa mareey, wax u gaboobaane

  • Gaag baa uso hadha kollay, ruuxii kaa gudo e

  • Adoo gabi ka tuuruu arkaa, kii garaad xumiye

  • Adaa gaanbiyaay howl yaraan, soo galaangala e

  • Adigaa dhibaato u gasba oo, reer gadaafo ahee

  • Adaa garab ku taaglee yidhaa, geesi baad tahaye

  • Gaasaar nin kale beertay baad, guro tidhaahdaaye

  • Markaasuu garbada kii lahaa, gama'a diidaaye

  •  Anaa gaafidan lahee iiga guur, golal markuu sheegto

  • Anaa galabta jooguu yidhaa, gocondho shaydaane

  • Gogoshaana laysugu dhigtaa, goobayoow badane

  • Mid waliba gafuurkiyo wuxuu, ganafka taagaaba

  • Guddi loo xilsaariyo waxay, guurti bixiyaanba

  • Xeerbeegti guushaa waxay, hadal gudoonshaanba

  • Gabogabo dhigoodii markii, lays af garan waayo

  • Eey taladu soo giirateey, gowda la istaago

  • Guracanihii gowdhaafayey baa, aad u goodiya e

  • Garaarteey dabeed kaga dhegtaa, kii la gaabsadaye

  • Inuu golol cadhoodaana waa, ficil gadiisiiye

  • Isagooy guduuteen indhuhu, oo gilgilanaaya

  • Guushii iyo geeridii oo markaa, is garab yaala

  • Labadaa midood inuu galuu, goosan dabadeede

  • Guntashada xigtaa waa dagaal, ha u gardaadsado e

  • Nin gabadayse cadhaan guurta hayn, ama gurguurtaaye

  • Gurxanka iyo goohaba intuu, gununuco oo reemo

  • Ways kula ganaa waa ninuu, ciil ku gaaxsamaye

  • Goorada intuu kaga dhaco oos, guudka kaga boodo

  • Oo gadh iyo laba daan qabtoo, gudub usoo tuuro

  • Markuu aad u galalaatiyo ees, dibir gawaan raacsho

  • Lafihiisii waa inay gotaan, giigtirnaan jiraye

  • Oo uu guuxa weyntiyo ka jabo, gulibidaa dheere

  • Oos war i gunaanada yidhaa, gaal kastuu yahaye!

  • Guubaabadaadii wataa, say ku gorortaaye

  • Kuway gibishu kuu saaran tahay, waa gaday mudane

  • Caqligaad gamuun kala heshiyo, gudumodaadiiye

  • Indhahana go' baad kaga xidhaa, ood ku gunudaaye

  • Dhagahana gufaad kaga jartaa, kuna gamuurtaaye

  • Halkaad gaysanaysaaba waa, god iyo booraan e

  • Waa kaad gandaalka u sidaa, ood u godoshaaye

  • Waa kaad goofaadhidaa, eed gagabisaaye

  • Waa kaad gafsiisaa ra'yiga, eed ka gudhisaaye

  • Gallad inuu qabuu moodayaa, waase ruux gab ahee

  • Adaaba guuldaro usoo sidee, wuunan garanayne

  • God aan laga baxayn iyo waxaad, goof u qarisaaba

  • Gabal dhiciyo saad dooni waa, meel gudcur ah keene 

  • Garab bay lahayd daadah iyo, maliyo gaadaane

  • Nabsi qabaha guubaabiyaay, saa adoow galiye

  • Biyo gororay goortay dagaan, waa halkii godane

  • Kibir bay guntaadii dhanayd, gow kusoo tidhiye

  • Oo geedada waxaad kaga jirtaa, kii gumaysta ahee

  • Gobonimo qofkii doonayaad, garab-wagliishaaye

  • Iyadoon barwaaqadu gudhayn, gu' iyi jiilaalba

  • Oo gayiga Soomaaliyeed, Gureey u baaqaayo

  • Gayigaanu joognaba wixii, soo gashaad tahaye

  • Gamuunkoo mariidliyo intuu, waran ku googooyey

  • Gaashaanka tii lagu dhuftayee, gowda laga saaray

  • Ee guutadii qaabishiyo, gabaska hayn weyday

  • Ee jeeray gacmaha hoorsadeen, gaasku daba joogay

  • Ee ay waraabaha u gogleen, gudurideey loogtay

  • Ee uu gabaabsiyey qabkii, meesha daran geeyay

  • Gugumana codkiisaad ahayd, geedo qaaqla ahee

  • Muddo gaaban gaar iyo intaad, gooni naga joogtay

  • Gashin kale adoo muujiyey oo, galab caraabaaya

  • Gadmataye haddana goor dambaad, noola timid guuxe

  • Subaxdaana geesh dhaartayoo, gaydh u diriraaya

  • Oo Maxamed guubaabiyoo, gabayada u sheegay

  • Gamaankiina soo fuulayoo, dhab u gadoodaaya

  • Iyo gobol Daraawiish ahoo, geeddanaa yimide

  • Wuxuu galalafkeenii batoo, la is garaacaaba

  • Markii gulufkii Soomaaliyeed, libin ku geeraaray

  • Isticmaarkii noo soo gudbay baa, goob xun joogsadaye

  • Ganba dumarta waa tay xidheen, Reer Galbeedyaduye

  • Ninse gataati dhacay waa inuu, gadangadeeyaaye

  • Muddo gaban ah shaale intaan, gowle tumanaynay

  • Waxaad soo gadiday baa ahaa, gooshi xeel sida e

  • Waase god aan ilduufnoo kale iyo, leylo goboleeye

  • Mar aan gama' sanayn iyo mar aan, gole ka doodnaaba

  • Siddii dhays lo' gugeed buuxsamiyo, ama shinkeed gaadhay

  • Geed qariya saakaan lahayn, ciil gadhoodhsamaye

  •  

  • Gumiciyo bilaawaha naftii, lagala giigaayey

  • Gaaguun tirkeed wakaa, loo gudoonsadaye

  • Is gaacoodinaysaa danbuu, gaaruf kuu imane

  • Galaayuuska xiimiyo intaan, gaylab kugu heesin

  • Gurmo-go'anba waxaa kaa samayn, goodirada howde

  • Murugada guraabaastay baa, kugu galaydhyeyne

  • Goorahana saadaashu way, kugu gandoodaaye

  • In aad kaalintaa gabtay buu, galowgu sheegaaye

  • Guuguulihii faaliyee, baalasha is gooyey

  • Isba gamashigaaguu arkiyo, gaajo kuu imane

  • Sababtaadii oo gaamurtiyo, gabawar kuu baaqye

  • Garuun wadkaa sitaa, guul fadhiisiya ahe

  • Boolidu goggay naaxisay buu, golongol haystaaye

  • Gamboor weeye geedkuu cuniye, haw malayn Godore

  • Galaxsigiyo kaa waw bilaash, gaawe buuxsiguye

  • Waxa lagu ganbiyayaaba waa, gorofti caydheede

  • Gasac iyo geraax diiday oo, dhimatay googaaye

  • Goonkiyo guxuusaagii aad, kala gunaynaysay

  • Guulaamadaa muuqataa, soo gabaanadiye

  • Oo daadkaa gufaacada wataa, kaga gariirsiine

  • Ganbiiraashkii aad soo bartiyo, gool cunkaa hodaye

  • Dhaaxuu libin ku geeraarayee, goojaduu barane

  • Is gundhin iyo guul guul haddii, laga gayoon waayo

  • Gabgablayni kuma caawisiyo, faan gobshaysiguye

  • Nabadii garoobaysay ee, loo gayaxa duubay

  • Kol haddaan gidiba loo helayn, amay is guunguuntay

  • Ninkay godobsanaysaa intuu, laad usala gaabsho

  • Waa in uu gadaamada jaraa, ooy galgalataaye

  • Markii laga gilgilo baydidaa, kii gunada haystay

  • Goros iyo is gaylamaan iyo, gadhadhac mooyaane

  • Inuu giriftamaa waa waxaan, goorna la arkayne

  • Waase gogosha doonkii intaa, kaad galaafanuye

  • Gardarooy ninkaagii adaa, gowracaa badiyee

  • Gardarooy ninkaagii adunbaa gowracaa badiye

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.