Home

Halgaad (1979)

                                                                                  Dhoodaan

 

 

 

Ciidamadii Soomaaliya markii ay kasoo baxeen gobolkii Soomaali Galbeed ama Ogaadeenya ee ay sida orodka ah uga qabsadeen, waxay si aan qorshe iyo aabayeel lahayn meelo badan kaga carareen askar badan oo dhaawac ahayd oo u gacangalay ciidamadii cadowga.  Ragga dhaawaca ah wixii ka badbaada cartanka iyo cadhadii Itoobiyaanka jiidda hore waxaa loo dhaadhicin jiray magaalooyinka waa weyn oo daryeel caafimaad ay ka heli jireen.

 

Dabayaaqadii 1979kii ayaa Macallinka oo fadhiya hoteel la odhan jiray Hotel Harar oo ku yaalay magaalada Addis Ababa waxaa u yimid Dhamme Xuseen Jaamac.  Xuseen wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku qabtay iyaga oo dhaawac ah dabadeed isaga oo dhaawicii ka bogsaday ayuu si caadi ah ugu noolaa Addis Ababa.  Sheekaysi gaaban ka dib, Macallin Dhoodaan isaga oo ka xun dhammeha iyo raggii la midka ahaa wixii qabsaday, dhulkii markii horre dhubuqdhubuqda iyo siyaasad xumada lagu soo galay, markii dambena sida baraqnuglaanta ah looga baxay, shacabkii degaanka waxyeelooyinkii loo geystay, iyo kala-dhantaalkii ciidamadii Soomaaliyeed gaadhay ayuu Halgaad tiriyey.  Wuxuu yidhi: 

 

  • Rag hawaystay qaar kale hantidood, oo habaabinayey

  • Hindisay wateen lagu hirgalin, himiladoodaase
  • Wax la yidhi habeen niman dhac iyo, bowdfur ku heshiiyey
  • Hayin reer intay xadahayeen, ama horweynkooda
  • Hablahoodii qaarbaa hurwiyo, heello sii tumaye
 
  • Hadda waxaa hilaadii ku yimid, ama hannaankii leh
  • Soomaaliya intay ku hamiyeen, say u hano qaado
  • Iyagoo markaa nala hubsaday, dawladii hurudday
  • Xafiis iyo hareertana ma garan, hogagii xeeleede
  • Markay horror kasoo hoyo tidhiye, haasta nagu qaaday
  • Hoboow heeda waagay tuntaye, nagu hilaabowday
  • Hiyi kaca danaysiga aheey, nagu hanqaaraysay
  • Hal-jir iyo nin harag dhoofsadiyo, beer ku haramaysta
  • Habarwacashadoodii intaan, laba ka haasaawin
  • Hawhawdii Xamar ee sidaa, noo hawadinaysay
  • Hantaqa waa markaan ugu dhacniyo, goof hadoodilane
  • Huf iyo been hadh kaga saar ah bay, nagu hungeeyeene
  • Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne
 
  • Dadkeenii hayaamayee xaggaa, loo habqaminaayey
  • Waa isaga hanbaabicin jiree, waxa u hooseeyay
  • Hanbooriba inay nagu wadaan, oo hurgumo jiifto
  • Oo halaag Soomaaliya tihiyo, halis inoo baaqday
  • Lama hadin hubsada ee aayar baa, loo hogaansamaye
  • Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne
 
  • Halligaad inay nala damceen, had iyo goor taagan
  • Hingalahay dadkeenna u xidheen, haatan ood aragtay
  • Wali hanuunsigiyo beentii bay, daba hublayn qaare
  • Rag haydaartadeenuba u tahay, halabadii guusha
  • Hamhamtiyo warkoodii aan jirin, kama hadhaysaane
  • Hoheey waxaad habheebta u gasheen, waa isku halayne
 
  • Keenaa hulaaban baydin hodoon, hiiqin waligiise
  • Markaasaad hadhuub caano iyo, hilibba siisaane
  • Hararkiyo darmana loo goglaa, hadhacaad waabtaane
  • Hadhuudh iyo qaxwana loo karshey, habacsan dhay geele
  • Ragna hebadka waxa nooga dhigi, waa hangoolada e
 
  • Hubkaad sidato badow haysta iyo, hoorri kugu dheelye
  • Isagoon hallaba kuu ogayn, jaahil ku halleeyay
  • Oo idiin hanjabayaad waqiin, u habranaysaane
  • Hus baad odhan lahaydeene, waa leys hagranayaaye
  • Hadhowto iyo Soomaaliyaad, haybadda u siine
  • Hiiraan iyo Hargaysiyo asgari, dhaafay hilinkooda
  • Oo haadkaagii soo galay markaad, hiil u daydayato
  • Halladaad haday nagu tumeen, hubanti waad siine
  • Hobyo iyo hadday tuugga Xamar, idin halaakaysan
  • Halkana qaaqlihiinii ka tagay, lagu hagaagaynin
  • Ummad hoogi baad ila tihiin, huuti yahay baase
 
  • Garashiyo haddaad hadur ka tahay, maamul heer sareba
  • Gobonimadaad haabhaabanee, lagu hadaaqaayey
  • Haddaan hororba laga waabiyeen, kugu haliilaaya
  • Maba hanan karayside maxaa, taana laga haybsan?
 
  • Hayeeshee haddaad ku hammidaan, hodonso ciidaada
  • Halyeynimana lays bidahayood, haysan kari doonto
  • Hanti waaba lagu leeyahiyo, hoo adays ka lehe
  • War heelada iblayskaa mindhaa, idin halmaansiine
 
  • Muqdishadii habeediyo qalbiga, haarufta u yeeshay
  • Hanbaggiyo war ay kugu qubtaad, hooy u leedahaye
  • Haloosiga Af-weyniyo jinbaad, la hidiwaasteene
  • Wixii idin haboowshaa badhkiin, sii hiigsanayaane
 
  • Hagaga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso
  • Xukuumadaa haraadka u bakhtiday, way hantaaticiye
  • War hawl yari dhulkay maaganayd, inay ku haaneedo
  • Ee habeenno shicibkii lahaa, lagu hor maalaayey
  • Inkastoo dad yari hawd galayoo, taagii hudinaayey
  • Halaqiyo hangaralahuu dirtiyo, haramacadkii waashay
  • Humaajooyin way nagu dhufteen, haayirka i boobay
  • Hollin ma aha koobaade, way nagu halaaqeene
 
  • Annagoo habsoow nagu dhacayoo, hiil isaga baahan
  • Hanadadii Ogaadeenya oon, iskuba hawlin
  • Horusocodkay noo soo dirtoo, haaligaa yimide
  • Horimada malaysiyada iyo, wiilashii hudmaayey
  • Hakin mayso fadhatee raggaa, oo hamuun qaba e

  • Halhaleel cadaab ugu shidiyo, haawiyoo kale e 

  • Dadkay naga habawsheen walow, qaar hufadu jiidhay

  • Ammase uu hareeraha gubayoo, heera badan laayey

  • Haakaale waan rabey inay, fadhato hoogtaaye

 

  • Madfac higliyo taangigaad, roob hanqadhi moodo

  • Iyo holac dayuuraddu riddiyo, hawsar lagu boobye

  • Kolkuu miig hadhkii aad u tumay, ammuu habeen laayey

  • Ee taangina hawada baarashuud, kagala soo hoobtay

  • Higtaa lagaga saaraye kolkay, hamugtu yeedhaysay  

  • Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, hoobatee oloshay

  • Haaheey dharkaa la huwadiyo, hub iyo gaadiidba

  • Waxay heeladkaba soo dhigtee, ciidanna u haysay

  • Shayna kalamay hoyan meeshanay, kaga hulleeleene

  • Hiddina waayeen qalabkay, ka hanfariireene

  • Hudh-hudhii badnayd iyo wixii, lays hiddiginaayey

  • Himbiriirsi oybaa xigiyo, dib u hashlayntiiye 

  • Iyagoo hagoog foolxunoo, hayla jiidanaya

  • Oo heema duufliyo ilmadu, hibitiqlaynayso

  • Oo heedadaabayoo dagaal, hoorin kari waayey

  • Kornaylkii habraha boobi jiray, dib u humbaalleeye

 

  • Saraakiil huruur xumi iyadoo, Janan habaarayso

  • Halkaa dhaawacay kaga tageen, Saajimmada hiifay

  • Fadhatadii gacmaha hoorsatayee, dan u haraayowday

  • Waatii halbawluhu go’ay, sii hundhudhayeene 

  • Dhir hoosteed shalay kaga tageen, hebelladoodiiye

  • Wiilal heetinaayoo dugaag, loo huraa badane

  • Hilibka askartoodaba intay, haadda uga yaacday

  • Raggii laga hayaamaa badhkood, nala hadaaqaaye

  • Hoggii lagaga yaacay xusuus, wada hunqaacaane

 

  • Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso

  • Dagaal waxay ku haybsanee, haybad iyo xoog ah

  • War heeg dheertii may kaga gurtaan, bahalku hiigaayey

  •  

  • Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene

  • Dhulkii ay hankaaggiyo dorraad, hoogga kala luudday

  • Hadday haatan leedahay berri baan, dirir ku hoomaayi

  • Hurduf iyo harraatida raggii, shalay ku haylhaylay

  • Ee halacsadee caydhiyee, hoorka kaga yaacshay

  • Oo heegan maantana ah baa, jooga hilinkiiye

 

  • Kuwaas oon heshiinnay oon, annagu uga horreynaynno

  • Dadka heemin doonaan nahayoo, hiija weyn qaba e

  • Hurduf inaan la gaadhniyo mar kale, laad aan ku harjaasno

  • Nasiib iyo hibay noqon lahayd, taa haddaan heliye

 

  • Haghagga looma baahnee haddaad, hubanti doonayso

  • Soomaaliya nafteeday hafriyoo, kugu habtaa beene

 

  • Shuftada aad sidii bahal higliyo, habas xun moodayso

  • Hurdo dakharta gurigiinna kaa, soo huluulanaya

  • Kaa idin huruufiyee cidlada, idin horeynaaya

  • Haleeladana kaa gawracee, heegga kugu jiida

  • Ka dirqiya hablihii aad dhasheen, amma haweenkiinna

  • Jabhadnimo habkeed iyo xorriyad, loo halgami tuure

  • Wuxuu kugu hagaa hilay baasiyo, hadaf la’aan taase

 

  • Gobonnimaan u heegnahay ka lehee, hawdadka ordaaya

  • Halkan imaadda dhaha haddeer, waaba la hayaaye

  • Hadalkiyo haddaan waanadaa, Eebbe ku hagaynin

  • Hargab cudura kaasaa noqdee, huriya ruuxiisa

  • Hud-hud iyo Afweynaa dirtaye, beerka ka halgaada

Taariikhda gabayga si aan u saxo waxaan eegay buugga Garnaqdi ee uu Maxamed C. Gurxan ka qoray maaso halgameedkii Cabdullaahi Dhoodaan.  Gurxan iyo ciddii uruurinta suugaanta qaaliga ah ee Macallin Dhoodaan waqti galisaba aad ayaan ugu mahad celinaynaa.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 2009,  Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.