Home

Isweydiin

                                                  Dhoodaan

 

 

 

Dabayaaqadii 1973kii ayuu Cabdullaahi Dhoodaan tiriyey gabaygan la magacbaxay Isweydiin.  Gabayga waxaa ku jira ugu yaraan 62 su'aalood oo uu abwaanku weydiinayo ummadda Soomaliyeed, doonayana inay jawaabaha su'aalahaas raadiyaan si xalka dhibaatadii xukunkii kaligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad madaxda u ahaa loo helo.  Maadaama oo uu gabaygu gabay naqdi ah yahay, waxaa la yidhi Maxamed Siyaad iyo dawladiisiiba gabaygan ayey ugu nebcaayeen dhammaan gabayada Cabdullaahi Dhoodaan. 

Waxaan filaynaa in gabayga qaar maqan yahay, laakiin inta aanu hadda hayno wuxuu yidhi: 

  • Kolba gabay warshadahaygii oo, waayo horre sheegay

  • Oo waayihii dhacay i iloowshaa, waaba qaar heliye

  • Kol haddaan shalay wuxuu ku yimid, milaygu waydaaran

  • Waldhan kabina waa u yaal, haddaan waayo qaarkiine

  • Waa tanee sidaa aawadeed, maqal is weydiiya

  • Sidii calanka wilicdaa ahaa, wacanba loo taagay

  • Wiil iyo haweeneey dushaa, lagaga weeraaye

  • Waligiinba Soomaliyeey, wadar ahaantiinna

  • Wacdi iyo waxsheeg baad waddiyo, waana abidkiine

  • Hadal lagu wardinayaan intaa, weeye leenahaye

  • Qof kastaba wanaag bay u taal, weedha uu yidhiye

  • Erayadii wacnaa dhagaha waa, laga waraabshaaye

  • Waddan iyo wax qabadkii, markaan dib isu weydiino

  • Waxoogaa intaan fiiriniyo, suu wakhtigu yeelay

  • Wixii laysku wada waafaqiyo, wixii is weydaarsan

  • Waa in lays waraystaa sidduu, waajibkii yahaye

  • Walow laga wahsado howshiiyoo, been la warinaayo

  • Wanlaweyn wayiig haba dhex galo, reer Waqooyiga e

  • Wid dee ha is yidhaahdeen illaa, woodkii berigiiye

  • Siimaba wafaysnayn haddana, waajilaadduba e

  • Is waabwaabin fudud bay ahayd, oo walaalnimo e

  • Waliba way wateen doodo gobol, oo iswaansi ahe

  • Ha yeeshee waldaafyeynta guud, la isma waayayne

  • Iyagoon wad kala eersan iyo, weerar dibadeedna

  • Labadaba ku waydhooqsaday oo, wiifsadaa helaye

  • Iswaaciidsi meeshay rabtaye, horu-wadka ujeedday

  • Wantatacoowba lama waayin iyo, waytabaaqsaniye

  • Ballantoodii waafiga ahayd, yaa u rogay weyda?

  • Arrimihii rag horre waa baxsheen, yaa wanjeecinaya?

  •  Yididiilo way waakataye, yaa wajaaf mariyey?

  • Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?

  • Nolosha dooni inay waarto, yaa waasac uga dhaartay?

  • Nafta sii waraaq wiigag jecel, yaa udardaar-wariyey? 

  • Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?

  • Waddo horumarlay sheegataye, yaa iska weecday?

  • Dadkan woohabaynahayiyo, shacabkii yaa wiiqay?

  • Shaqaalahan wasiisigu ku dhacay, yaa ka weyrixiyey?

  • Waraar hoose yaa qodahayoo, geedo sare waabay?

  • Yaa intuu wadaagii qawaday, keligii weel miistay?

  • Wiyeel ceel waddaniyiin lahayd, yaa wir dhaansada leh?

  • Yaa irmaan waraabsiga tabcayoo, kiisu wagab yeeshay?

  • Wadaamihii aroor kale sitana, wabaxa yaw diidday?

  • Soomaliya wayaakadii u tiil, wagare yaa boobay?

  • Waxoogaayadii baanankiyo, weelkii yaa madhiyey?

  • Qabiil uu ka waantooba yidhi, yaa ku waliimaystay?

  • Waabeeyo shiil baa jiree, wadhidan yaa geystay?

  • Kumaa walam xafiis weyn yidhiyoo, boqol u wiidaystay?

  • Wanbarkuu fadhiyey eexo, yaa kula wareegaystay?

  • Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widwid ah rooray?

  • Walaa-xawla iimaan la'aan, yaa u wehel yeelay?

  • Waxyi been ah yaa soo maqlay, oo wahab u sheekeeyay?

  • Intuu warar ibliis qaato, yaa gees wiyila fiiqday?

  • Wadaad sharaf lahaayoo dhan, yaa weylo koriseeyay?

  • Cadaaladdan wafaaqaysa yaa, wagaradka u siibay?

  • Waalidkii xurmada loo ogaa, woodhaq yaw bixiyey?

  • Ummad aan walaac badan lahayn, yaa wareer galiyey?

  • Qalbi wabadar kuma fiicanee, yaa waswaasinaya?

  • Walbahaarka laga soo cawdiyo, wahanka yaa beeray?

  • Weedhii Alliyo diinta yaa, naga wadeeceeyay?

  • Wahaabigu run kuma dhaaranine, yaa wallaha jiidhay?

  • Soomaalida widhiidhigu dhexgalay, weercad yaw xidhaya?

  • Walaalooba waa taan maqlaye, wadajir yaw diiday?

  • Sheydaan walhinayaa jiree, walafka yaa oogay?

  • Wakiil madaxa yaa isaga dhigayoo, reero wadhaf tuuray?

  • War qaylaa willane yaa dadkii, waydan kaga yeedhshay?

  • Siddii waylo baadi ah maxaa, kaga wadhaac siiyay?

  • Waraabaha qarsoon yaa noqdayoon, ruux wajiga moodnay?

  • Dadkoo wii leh gaajana witigay, walanqo yaa ruugay?

  • Waageeni badi yaa ka dhigay, oo walleedh koriya?

  • In yar baa kuwada wiirsatee, yawgu wacan beesha?

  • Waadi hadhac ah yaa laga fishoo, bacad ku weeteeyay

  • Wabi malab ah yaa laga fishoo, sun u walaaqaaya?

  • Wanaag iyo xorriyad waa dadkuye, walaxdii yaa qaatay?

  • Wareegto iyo durbaan yaa tun yidhiyoo, walasaqo u dheelay?

  • Intii ay wilwilo boodayeen, wiishka yaa sudhayey?

  • Waleecaadka yaa u laba rogayoo, weehataye laalay?

  • Wasakh laabta yaa kaga shubayoo, waa baryaba ciilay?

  • Waddan caasi lama doonayee, wacadfur yaa keenay?

  • Wirigwaarigtii xeesha Yurub, waligii yaan daynin?

  • Garasyaani wiil yaa u noqdiyo, wariyihiisiiba?

  • Fariid waraca hoos yaa u dilay, ama wareenteeyay?

  • Waqii siddii Kamaaludiinna, yaa wadaraha u laayey?

  • Ma waayeelo jaajuuse, yaa wiifin jiray Leego?

  • Wecelkii gumaysiga ahaa, waliga yaa mooday?

  • Inaan waran la gaadnaan rabnayee, wananka yaw loogay?

  • Sirta niman walwaalaa jiree, yaa warqado dhiibay?

  • Wakhti horre waxyeeladu ma tagin, heerkan waligeede

  • Wigta qonofka dibirtuu rag waday, wagagacdaa yeedhay

  • Wax la is weheshan iilama ekee, ways waddacitaane

  • Haddaan madax wakaaladi samayn, amaan wasiir yeelin

  • Narsaallida wagdaha laa og iyo, xuur wijiirida e

  • Dusha muxuu ka waandhooliyaa, wuu wajaqiyaaye

  • Runtii inaad wadnaha taabataan, kuu sakaar wadhiye

  • Wadhafkiyo huluumbaha sidaa, wax u warjeefaaya

  • Arrin lagaga soo waaqsan karo, bal aan isweydiinno

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.