Home

Jag iyo Luuf

                                                              Cabdullaahi Dhoodaan

 

 

 
Laamlaydan taariikhdeeda haddii aad hayso fadlan nasoo gaadhsii.  Wuxuu yidhi:
  • Dhallaan jagiyo luuf dheelayaa amase leylaystay

  • Mid la yidhiye waxay looli waa laba ciyaaroode

  • Dhir bay labi galool wada yihiin kalase liil roone

  • Lammadaadi ilig sooh ah iyo jaro shan laagood leh

  • Isku ladhay leg iyo caynka oon liig madow sudhiye

  • Afka xadhigle way kala nuglaan luuntu waligeede

  • Gabayguna lud iyo dhuuxba waday laaxina u dheere

  • Isba ma laha waxaad leedihiyo laabatiyo seede

  • Kala liiday waana isku magac eraygu laakiine

  • Anna kuma laclaafee haddaan tuduc laqmaynaayo

  • Kuma daro naxwaha laangadhiyo weedh laleemo lehe

  • Waxse aan laba lagdeeyoo naxwadi igu liqdaaraydba

  • Kanay lahashadiisii soo riddiyo laafa lugudkiiye

  • Lahjaddiyo lisaankiyo codkay laabtu garanayso

  • Reedhyoowga soo lalinhayiyo laaqda iyo heesta

  • Lixdankii xornimaday heshiyo calankan laalaada

  • Soomaaliya intay luuqda dheer noo lalabayeenba

  • Qalbi lulidu waa xeelahay nagu lug gooyaane

  • Lilaahida warkaan moodno way nagu liqaayaane

  • Tabtay nagu lisaan waa anaa laanbad kuu hurine

  • Luflufaaga gaadhigu rartiyo lacagta soo duusha

  • Laboodkeena waxaan dhaafsaniyo lo' iyo geeliiba

  • Lurka iyo dhitaan quudaniyo xoolahaan lumino

  • Waxba kuma lilaynee sidii loofar baan nahaye

  • Soomaaliyey ladnaansho u noqdeen oo ladaab heliye

  • Oo waa kay ladaadyadii nimcada laqanyo daacaane

  • Waxay nagaga liibaanayaan looxa beenta ahe

  • Lohloh iyo mardabaday gashee libinta noo diida

  • Liddinimada taasaa ugu wacan leedda fuulka ahe

  • Markaasaay na looyaamin ooy nagu likaacoone

  • Wax lafteena ruugana iyagaa noogu laad culise

  • Lubbi iyo haddaan sharaf lahayn way libdhinayaane

  • Waxay labac jirjirin baydibay nagaga leefaane

  • War dhaaxay na luuseen siddii laxam baruureede

  • Soomaaliyaay cadkaan laaci waan kaa libdhinayaaye

  • Adaa lahan qabee mooyi saad laalufka u dayne

  • Ku laqwide dadkay hadduu seeftii looshadaye

  • Ligligaanu qaban baydidaad libiqsanayseene

  • Luxluxa ay ku faa'iidayaan Xamar lamaankeedu

  • Lingax adag intaan kaga xidhnoo laama kaga oodno

  • Luqluq kama helaayaan biyood luumashana daaye

  • Lulumayntii horre waanu goyn ee rag laasimaye

  • Waliba soo laayada oo waad laba kaclaysaane

  • War leecaansigii maanta waa lee'ashadiiniiye

  • Mase jirin laxaad kiin ah ood nagu lagdayseene

  • War Xaylaa na loogaye duqii laalufka ahaaye

  • Lowyaha intuu naga xidhuu ciiddan laayacaye

  • Loolida markuu naga ridee laydhkii noo damiyey

  • Dalkanagoo lushaad kiini saa igu lifaaqdaane

  • Kolse hadday lucuumeen qofkii ma ihi luufluufe

  • Dibna nooma leeleelin karo baaq labeebuhuye

  • Soomaalidaa liciinka ah haddan liilin karayaaye

  • Lambarkiyo sharcigii aadmigay laad la dhacayaane

  • Xuduudkan ayse liiliijin waa limitka Baarliine

  • Wixii laydha soo gala xadka ee lugaha soo saara

  • Waa sidii libaax baadi helay inaan u laynaaye

  • Af-weynaa na liicshayoo sidii awr na leylyadaye

  • Isna waw larbaynaa si uu mar u liciifaaye

  • Labxashiyo walaalnimo dhintiyo laxawsigii beere

  • Laamadoodin maynee rag waa liifada u saare

  • Isu lexejecloon maynee waa inaan is laynaaye

  • Leeb sun ah Soomaaliyaay ragaad luuqa kaga saydhay

  • Ma ladaan xigaalooyinkood mana lulmoodaane

  • Casrigii laqmaday baa tolkood liili murugoone

  • Kugu ligan ladhkii aad badiyo laxawga jiifaaye

  • Adigana laqdabo waa ka duuf tooda soo laliye

  • Oo liishaana way kaa badshaan ama lihiin dheere

  • Kugu ligan ladhkaad soo badiyo laxawga jiifaaye

  • Rag leegleegsanahayoo maxaa liinbasho ah taagan

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.