Home

Waa la mulkiyey

                                                              Macallin Dhoodaan

 

 

 

The largest online collection of Somali poetry  

1960kii bishii June ayuu abwaanku tiriyey gabaygan wuxuuna ka tiriyey madashii calan saarka ee gobolada Waqooyiga ee Soomaaliyeed.  Codsi ayey usoo direen Cabdullaahi qabanqaabiyayaashii shirka, siyaasiyiin Reer Waqooyi ah, iyo salaadiin Ogaden ah oo wada jira ay kaga codsanayaan inuu ka soo qeyb galo xaflada calan-saarka oo ka dhacaysay Laan-mulaaxo.  Siddii buu yeelay abwaanku gabayo badana ka tiriyey halkaa.  Waxaa gabayadaa ka mid ahaa kan hoose oo aan intan uu hadda ka hayno.  Wuxuu yidhi:

  • Nimanyahow muraad gabay haddaan madal ka sheegaayo

  • Hadalkii muctaad aan u noqdeen muhindisoonaayo

  • Horta inaan ka maansoodo waa laygu maleeyaaye

  • Mugga horase taan mooday baan magac u sheegaaye

  • Qodob waliba waa ii mubaax kanise waa miine

  • Kollay reer miyaad baan ahoo waan malaasnahaye

  • Magaalana waxay ii ahayd maalin arageede

  • Makaahiila jeer baan ahaa mini Abraahiine

  • Ina Macallin baa la i yidhaa nin u muraad loowe

  • Hadda midh SNL aan noqdee waa markii hore e

  • Waxaan mnuhindisoon een haatan saa ugu muraaqooday

  • Ee maanta mooyee ku jiray milicda Doolloode

  • Mustacmaar xunbaa joogayoo la isku maandhaafye

  • Oo waliba minanaaradaa muruqyo roonaaye

  • Makhluuqaadkii maashaasi waa murugadaysnaaye

  • Qalbigaa madoobaa oo laftay miridh ku yeesheene

  • Muggood bay qabeen ciilse waa lala madluumaaye

  • Mushtar oo dhan waa laga muxsaday maalkii uu wadaye

  • Macatabyo hooya oo ka taga Maxamed diintiina

  • Muslinimana sii daaya bay maya ka taagnayde

  • Siddii kalase waa loo mulkiyey meheradeediiye

  • Aniguna middaasaan jeclaa inaan ka muudaaye

  • Dadku nolosha miigan hadduu maad u garanaayo

  • Qof waliba middiisuu mindhaa maaradeed qabane

  • ...

Soo raadi inta maqan.

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.