Home

Qaydaraan Sudhad

                                                                              Dhoodaan

 

 

 

Hoos waxaad ka helaysaa gabaygii qaaliga ahaa ee Cabdullaahi Dhoodaan ee magaciisu ahaa Qaydaraan- sudhad.  Gabaygu wuxuu ka mid yahay kuwo dhawr ahaa oo uu Dhoodaan ugu jawaabay niman dawladdii Maxamed Siyaad dirtay si ay bulshada u marinhabaabinyaan, Dhoodaana gabayo wax ka sheeg ah ay ugu diraan.  Halabuur badan oo Jamhuuriyadda ku noolaa ayaa xilligan u dhardhigtay inay codbaahiye (microphone) u noqdaan xukuumaddii Siyaad Barre sandareero ay ku qabeen hawlwadeenadii Kacaanka awgeed.  Ragga noocaa ahaa, kuwa ugu boodhka badnaa waxaa ka mid ahaa Cabdi Iidaan Faarax. 

Sahal waxaad ka dhigataa gadaal wuu ku sababaa ayuu Maxamed Cumar Dage yidhi.  Cabdi Iidaan isagoo ay gabayo ka tageen, aragtidii uu Kacaanka ka qabayna ay is badashay, ayuu mar dambe niman Isaaq ah oo kale la qayilay.  Dhawr marduuf oo Herari ah iyo dhawr dhalo oo biyo kululi ku jiraan ka dib waa la yar mirqaamay oo la yar walaaqmay.  Dabadeed nimankii waxay Cabdi Iidaan ku yidhaahdeen "waar Cabdow, waar ninkaa waliga ah ee Dhoodaan ee Af-weyne ka hor yimi maxaad ugu gabayday oo aad afka ula doonatay?"  Kalkaasuu ku jawaabay "waar waan sarkhaansanaa dee" Waxay nimankii ku heshiiyeen in Cabdi Iidaan maxkamad la saaro.  Guddibaa loo saaray isla habeenkiiba.  Maxkamad mutakaamil ah ayey habeeyeen.  Xaakim ayey nimankii sarkhaansanaa iska dhex doorteen, dabadeed dacwo ayaa lagu soo oogay Cabdi Iidaan.  Dood ka dib, wuxuu xaakimkii riday xukun ah 'dil iyo in dacaskiisa lala wareego'  Way isu qabteen ileen waa niman maandoorsanee oo ay Cabdi Iidaan qadaadka ka bireeyeen. 

Halkaa ayuu ku nafwaayey ninkaasi.  Kolkii la ogaaday waxa meesha ka dhacay ayuu maamulkii degmada Hargaysa qabqabtay raggii guriga fadhiyey ee dulmigaa gaystay iyo haweenaydii guriga lahaydba.  Nimankii midkiiba waxaa lagu xukumay 5 sano oo xadhig ah, ileen ma ayna dhammayn ee, haweenaydiina labo sano.  Waxaa xusid mudan in dadka qaarkii ay tuhmeen in Nabadsugidii Hargaysa ay dishay Cabdi Iidaan.  Laakiin tuhunkaas wax xaqiijiya lama hayo.

Qaydaraan-shudhad wuxuu ahaa sidan: 

  • Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey

  • Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane

  • Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne

  • Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane

  • Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban

  • Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay

  • In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo

  • Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene

  • Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto

  • Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane

  • Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin

  • Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin

  • Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane

  •  In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba

  • Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo

  • Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe

  • Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay

  • Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan

  • Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay

  • Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene

  • Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye

  • Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay

  • Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay

  • Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane

  • Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede

  • Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo

  • Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey

  • Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay

  • Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey

  • War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene

  • Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane

  • Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego

  • Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday

  • Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado

  • Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe

  • Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye

  • War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene

  • Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba

  • SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e

  • Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay

  • Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e

  • Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka

  • SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene

  • Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede

  • Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh

  • Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane

  • Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye

  • Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa

  • Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye

  • Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay

  • Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye

  • Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane

  • Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye

  • Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede

  • War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene

  • Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine

  • Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye

  • Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene

  • Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne

  • Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa aragtay

  • Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye

  • Labada is qalatee is qadin kii qareensadana

  • Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye

  • Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh

  • Kuwuu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane

  • Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha

  • ...

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.