Home

Takartii Maroodiga Liqday

                                                 Dhoodaan 

 

 

 
  • Caqli gacalkii toosaa fakara nolosha toolmoone        

  • Maskax tacajibkeedii batayoo tamani ooyeysa

  • Oo cadha la tiicdaaba waa taydan oo kale

  • Tafantoof dadkeenuba siddii loo tafaafulayee

  • Tahantooge oo waa tabtay ii tawaliyeene

  • Ragbay wali tabaysaa hadday soo tircinayaane

  • Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa

  • Siddii tiixa roobka ah waxay iiga tibiq laysay

  • Owr taabadiyoo daaqi jiray tooma doog bixiyey

  • Jirri inay taftaaftay baan arkaa dhiiga tey kalehee

  • Jirri inay taftaaftaan arkaa dhiiga tayga ahee

  • Tafta dhuuga miirtiyo huryada garabka tuutaysay

  • Wali dhabarkii kuma teedsanee shaarubteey timidee

  • Afka muu u kala taakiyoo timir sideed ruugo

  • Labadaba, aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

  • Aheey way ka talantaalidee lama tahdiideene

  • Talalkiyo catowgiyo ilmadan iga tiflaynaysa

  • Balaayadan I taabo leh miyaan toosin  kari waayey

  • Taariikhda Nuur Jiir siddii looga soo tabiyey

  • Mar uu taakhirkaaygaa galay buu ciil tawaawacayee

  • Tanaa taxadka uga sii dhow oo tahan ka sii dheere

  • Inkastoo taxgalin ay rabtayoo tooxna lagu sheego

  • Tabar xoogu ma ahee ileen garashadaa taag leh

  • Tanfaraaraq mooyee hadday dhimato towfiiqdu

  • Tashi qeyro waydaa ileen taaba galin mayso

  • Rag hal taa ah toodii ka dhiga ama takooraaya

  • Tilmaantiyo markhaatiga ileen kuguma taageero

  • Tab uu laasahaaga u dhurtiyo tuugo nin  u jeeda

  • Hurduu kugu talaaliye ileen toos ku odhan maayo

  • Maska iligta kugu tiifayee kaa turquday dhiigu

  • Tashaq micida kaa tidhi ileen kaaga turi maayo

  • Nimaan teerigaagiyo jeclayn toori aad xidhato

  • Tunbukh iyo ileen kuma yidhaa tobanle yaal iibso

  • Tukashada iblays kaa duwiyo toobadkeenimadu

  • Ma taqaanid mooyee ileen kheyr ma taban taabsho

  • Indha lagu turbaayaa ileen tuug iskama dhowrin

  • Tuxsadaada shiishaa ileen toogti lama seego

  • Taraan geel irmaan kii carrada igu tiraabaayey

  • Tuluda u tarmaysiyo ileen tooyad ma iloobin

  • Dadkii maal turaabta ah laheen taajirba ismoodin

  • Caydhuu ii tagaabee ileen kuma tabiinaysoo

  • War maansadu tastuur bay heshayee kuma taraarsiine

  • Waxaan toobiyeyniyo halkay gacan toglaynayso

  • Tuduc gabay ah uma taawiloon ama tix geeraare

  • Indhawaydba hadalkaan tidcaa waa tabaantabisee

  • Kana looma tixin saad hortii igu taqiineene

  • Tirtirsana tawaan uma hayee waan tartaarsiyeye ee

  • Siday haatan iga taagan tahay waa tol la’ayeeye

  • Oo takartaa maroodiga liqday baan soo tuf leeyahay

  • Anna tiriyey maansee kuwaan ugu tayaagooday

  • Agoow tuubadii lagu jaqiyo talaxtagii moogee

  • Tatab iyo laxaadoow hadaad ii tukubi wayday

  • Taageeradadaan Allow tiigsan waligeyee

  • Taladay Arbaca toomantayoo taar Allaan diranee

  • Tubta nolosha loo sii mariyo toorahaan damacnay

  • Tugtug rooni ma ahee Allow noogu tali guusha

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.