- …
- Tartiib laguma karo duul
hadduu tiif u yuurure e
- ...
- Tusbax baa la qaataa haddaad
toobad keen tahaye
- Tiixaba waxaa lagu sugaa
roobka tooxda lehe
- Tooruhu wuxuu kugu ridaa
tubaha waaweyne
- Way taajiraayaan dadkii tacab
badnaadaaye
- Talaabada yar baa lagu bartaa
tawda boodada e
- War toosoo kacaay Xabashi waa
lagatamaynaaye
- Talo san iyo beel ayatiin loo
jitaabinayo
- Tastuur iyo waxaa lagu dhaqaa
marinka toosoone
- Qofba waa in lagu toosiyaa
takhasuskiisiiye
- Ku qabiil tikhraar ugu jiraan
lagu tanaadayne
- Tafwareemadkii iyo kufsigu ina
tahluukeeye
- Tartan madaxnimaan eednay iyo
maamul tuugo ahe
- Khasaaruuna tiinbaday raggii
taakulee yidhiye
- Kolkaasaan tacliintiyo cilmiga
lagu tanaadayne
- Tu kaleeto oon uga tagaan idin
tusaayaaye
- Tiilaal habad ah waa taan
noqdoo la iska tuugsado e
- War tood laga samriyo
haatanaan toojo soo bixiye
- …
- Isla taasintiina wada oo hoos
u tamashleeya
- Kolba teembo joogsada haddana
taako socodsiiya
- Si’aad taashka Xayle u ridaan
ugu tartiibeeya
- Tabca sudha tumaatina la dhaca
oo tafaha xayta
- Oo Xabashi baa ina toshee
tuulimada siiba
- Oo toosoo kacaay nolosha waa
lagu tanaadaaye
- Su’aal meel idiin taagan baa
tan ahe
- Jawaabteedi oo togan haddaad
garato soo tuura
- Turqin iyo nin taxaliishi iyo
boogo lala taaho
- Tawi iyo tuf dhiigroora iyo
barar la tiiftiifo
- Wax tirtir iyo tuutuujin baad
kula tacaashaaye
- Kob la taabto ama lays tusaad
tab u dawaysaaye
- Sidee loo tadaawali karaa tows
cagliga haysta?
- Kuguma aanan tiiqtiiqsan oo
waaban kuu turaye
- Meeshay ku toosnayd macnaha
ugu tantoomeeya
- Haddii kale waan kala tagnaye
aniga hay tooyan
- …………..
Gabaygani aad ayuu u dheeraa xilligii uu soo
baxayna siddii Daadkii Xaabaale ayuu mar qudha ugu faafay dhamaan dhulalka ay
Soomaalidu degto. Bal soo dayday oo haddii aad hesho isagoo dhan fadlan
noo soo gudbi.
|