Home

Uguma Maadayn

                                                              Dhoodaan

 

 

 


 

 
  • Markay macanjileeys yeelatay, marin haboowdaaye
  • Markii mudanayaal iyo marwaba, taa la maqashiiyo
  • Soo maca dadaalkii markaa, looma mucurtoonin
 
  • Dagaal lays maqiiqiyo colaad, maato doox noqotay
  • Mir cawaysin mootaha digliyo, miino qarax weynta
  • Mindiyo magliga laysku dilo, ama magaageeda
  • Wax la midoo ka meecaano culus, maanso dirireede
 
  • Manfac kuma leh midho loo badshiyo, kays marjinayaaye
  • Anigoo malkadii kaa tusayoon, gabayga miisaamin
  • Hadal lagu mashquulaba anoon, idinku miidhaynin
  • Menad dufa tuduc ahna waan, soo magaa’imayee
  • Maawelo kii sugahayoow, waa masalo dheere
  • Ummad lagama meehaahi karo, kii madcuulna ahe
  • Murtadkiyo ma kafaaruhu way, wada dhexmaaxaane
  • Malaanmali af-miinshaar ahaa, idin muqlaysiine
  • Managaduhu waa muush ciidda, mirishdhabaayaaye
 
  • Xornimana wax kala muuno roon, inaad macsuuntaaye
  • Naftii-hure mintidyaan arkiyo, xuud mushkiladayne
  • Maduud yare maragtii baqdayoo, meehanoow filaye
  • Marmarsiinyo doonkii cabsaday, malag ha qaateene
  • Malafsadaha maaxdumi ha dhuro, miida beenta ahe
  • Baq maacuudi buu taabici, oo masayrsane
  • Mur haynoo walaaqeen kuwaan, malabka siinaaye
  • Muluhmalahdaa laynagu makalay, haba la meereene
  • Minja-xaabinteenii basaas, haw mir-kaco fiide
  • Mas’uulkii canaadtami jiriyo, macangag yeelkoode
  • Kolkay miirdillaacina Allaa, maamulkeed garane
  • Miraa Maxamed saa u galay, ama labays maagtay
  • Maamuus dhac weeyaan haddii, madal la joogaaye
  • Waa waxaan afkaygana marayn, moogga haatan ahe
  • Mutuxaadna uma baahanee, waan maldahayaaye
  • Mucyilka u leeb waa midho berdiyo, maro hagoogaase
 
  • Makaytana wuxuu yidhi kolkuu, berigii maansooday
  • Maleegiyo Amxaarkii diroow, waaba noo mahade
  • Oo mooraalka weeyaan hubkuye, Ruush ha moodine e
  • Isna sheeg run aan midhif lahayn, Eebahay magane
  • Shantu inay midoobaan kuwii, loogu muctisooday
  • Muqdishiyo Hargaysaba dantii, lagu mataaneeyey
  • Madaxtooyadeediyo shacbigoo, midig na siinaaya
  • Haddaan beenna loo kala maqnaan, soo midh bixinteeda
  • Waa inaan ma kala maaranee, meel isugu gayno
 
  • Mabda’ eena guud waa ta saa, lagu muddaysnaaye
  • Musuqiyo madhoodhaday wataan, macallin shaydaanku
  • Madmadoow xilla igula jiriyo, maandhoow talo seege
  • Kuwa macandideenii ku manay, Mooskana u yeedhay
  • Maamuustii Soomaalinimo, inay na maydhaamin
  • Mayalqabe kadeed baan rabniyo, hawl masaafo lehe
  • Milayganina yuuc buu ka yahay, inaan milkownaaye
  • Marxal dhaafay baan taaganahay, goor aad murantaane
  • Naf meeqaan xun baa nooga daran, mootanaanshaha e
  • La meerayso ciil waxaa karoon, mayd inaan nahaye
 
  • Midna wuxuu jeer fog yidhi, laguna maahmaahay
  • War ma dhabannadaydaa wajiga, lagu murmaayaaye
  • Iddinna manaamadin marooree, maalintii Axadda
  • Adduunyada mardabo waa jirtiyo, boob muquunsiguye
  • Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maaqashiyo ciil leh
  • Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liitay
  • Markuu adiga sharaftaad lahayd, kaa maroorsado e
 
  • Malow bee mayrigii aadmigaa, maan wareer dhaliyo
  • Markii lays mahoobiyo wataa, mawd ka xoogsadaye
  • Maxmaxaysatadii Cawke yidhi, teer ku miidhaniba
  • Mar kastaba dhac muuqdiyo hadday, maya la fiicnaatay
  • Ooy magacii Soomaalidaan, kaa maldihi joogto
  • Sidii loox aad maydheen iyadoon, loo masixin teeda
 
  • Haddaad moobarayn kale gashaan, madhasho yeelkeede
  • Markhay wayga duuf iyo xarrago, inaan mushaaxaaye
  • Majaraar-dillaac baan warqado, maalmo sii qoriye
  • Saddexdii markhaatiga noqday ee, magac rag uu yeelay
  • Mindi xanaf leh baan qaadanoo, meeshii kaga goyne
  • Maxaa yeelay ceeb maaxatay baan, ugu jiraa moole
  • Madadaalo waxaan looga dhigan, maansadaan tiriyey
  • Inay muusonow tahay waxaan, kaaga marag yeeshay
  • Madluun baan ahaye sidan mujtamac, uguma maadeyne
  • Maroor baan arkaye sidan mujtamac, uguma maadayne

Tixraac: Garnaqsi:  Maansadii C.M.A Dhoodaan.  Qore: Maxamed C. Gurxan

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.