Home

Uneexo (1962)

                                                 Dhoodaan

 

 

 

Uneexo wuxuu soo baxay bishii Noofeember 1962kii, waa Hargaysa.  Kadib markii Xisbigii Nasrullaahi ee gobolka Soomaali Galbeed ka halgamayey ay afgambiday dawladii Soomaaliya iyadoo isticmaalaysa miisaaniyadii Jamhuuriyadda adeegsanaysana rag laga soo abaabulay Muqdisho Cabdullaahi Dhoodaan oo xubin firfircoon ka ahaa Nasrullaahi waa kii ka gilgishay aad uga dagaalamay.  xumaaday majarahabaabinta iyo wahanka ay madaxdii Jamhuuriyaddu ku rideen halgankii xalaasha ahaa ee gobolka ka taabagalay.  Kolkii afgenbigii Nasrullaahi hirgalay, magac cusubna ururkii loo bixiyey ayuu Cabdullaahi Dhoodaan ku mujaahidiin jabhad ahaa oo tababar ciidan loo u doontay Soomaaliya. 

 

Wuxuu Dhoodaan aad uga cadhaysnaa af-genbi ay ku samaysay dawladii Soomaaliya xisbigii xornimo doonka ahaa ee Nasrullahi ee gobolka Ogaadeenya ka halgamayey.  Af-genbigaas oo ku riday ururkii iyo madaxdiisiiba kala biiq biiq iyo wahan ay kasoo kaban waayeen.  Dhoodaan isaga oo canaanaya ragii madaxda ahaa ee siyaasadii ururka ee xilligaa u cirbixin waayey, qaddiyadda guud iyo halgamaayashana guubaabinaya ayuu gabaygan tiriyey. 

Waxaa kale oo uu abwaanku ku hanjabayaa in haddii arinta sida loo dhaami waayo uu meel hor leh ka bus kicin doono, midda uu dhigana mar dhagaha faraha la galin doono.  Wuxuu dulqaataba, markii uu xaqiiqsaday inaan dawladihii kala dambeeyey ee Soomaaliya inna wax naruuro ah u haynin halgankii Soomaali Galbeed ayuu ka dhabeeyey hanjabaadiisii.  Lix iyo toban sano ka dib gabaygan, bishii Maajo 1978kii ayuu Macallinku ka uruursaday Xamar oo tagay magaalda Herar, mucaaradna ku noqday xukuumadii Maxamed Siyaad gadhwadeenka ka ahaa.  Gabaygu ma dhamma, inta aan haatan helay, wuxuu yidhi: 

  • Amxaaraa dhacaysoo inagaa dawlad dhalin doona
  • War Soomaalibuu soo dhaw yahay dhamacdii ay haysay
  • Idinkuna dhexdiinaa xumaan aad isaga dhawra
  • Sidaasoo aan dhiidhiya ku daray tii aan dhaadhiciyey
  • Kolba wiilashii loo dhisiyo madaxdii loo dhiibo
  • Hadday tuug-dhurwaaliyo noqdaan reerka mid u dhaansha
  • Inta dhawranaysaana soow kala dhaqaaq ma aha
  • Oo Dhoodaan khasaaroobay soow layga dhigi maayo
 
  • Dhaaxaan cabiid qaatay oo dhiba i gaadheene
  • Dhegebsiyo in dooraan lahaa dhagaha sii daaye
  • Idinkuna raggaan dhawrayoow nama dhaqaysaane
  • Nin waliba dharaar sawd macaan weyga dhamayaaye
  • Dabadeedna meeshaan dhisnaa kay iskaga dhaafye
  • Sidaan gabay ku dheerayn lahaa dhuganba meysaane
  • Kolaan Xabashi Dheemiyo Hawaas dheefta kula quuto
  • Oon dhibi-shaxleeyo oon markaa hadal xun soo dhiibo
  • Oon dawladeena oo dhan iyo duni ku dhoobaysto
  • Dhabbayoow kalaan doonayaa inaan ku dhoofaaye
  • Dhayal laygu haasaawo iyo maanso loo dhidido
  • Iyo qoorta soo dhiibidii hayga dhawrina e
 
  • Dhay baan lisaayee haddaan dhoobo qodayaaye
  • Dhalinyaradii rooreeysay baan dhaca odhan geele
  • Labadii is dhuun goyn lahayd waa isagu dhiibe
  • Kolba dhagar ninkii doonibaan dhaan u rarayaaye
  • Kusoo dhowra ceebtaan dhigaa waa mid loo dhimane
 
  • Dhanqaryada walaalkeenba waw dhidid kulayl laaye
  • …………………………………………………….

Haddii aad heli karto ama aad og tahay meel laga raad goobi karo fadlan nala soo socodsii.  Mahadsanid.

  

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of  Somali poetry.  All rights reserved.