Home

Uusduugad

                                                              Dhoodaan

 

 

 


 

 
  • Dirqi gabaygu kuma fiicaniyo, waan darooryamiye
  • Kaga dayasho door kumanoqdiyo, xaraf la doodoone
  • Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe
 
  • Dardarsiintu waw darantahaye, marindaygaw uroone
  • Darsi ma aha la is baro xigmadi,  way da' weyn tahaye
  • War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe
 
  • Sidii hees la daran-dooriyiyo, koox la dananaysa
  • Dad markuu darbuugado murtida, kuugu daadihiya
  • Durbaan muusik ima daahiyiyo, duul xafida wiige
  • Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasad loo tumo e
 
  • Dusha iyo haddan saari jiray, duud guradeeda
  • Daldalaadii hore haatan waa, inaan ka daayaaye
  • Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye
 
  •  Maansada haddan soo dajoon, kaa dallici waayo
  • Doqontiyo intuu ruux damani, noo qabsado daalac
  • Dambigooda yey nagu dacweyn, garasho deel-qaafe
 
  • Yaanan arartii kugu daalin waan, dooxi maansada e
  • Afduub lagu raryaa iyo dirqiyo, xeel ku didiyaaba
  • Duleedada Hargaysiyo kuwii, Xamar u daaduumay
  • Durqun iyo dagaag uma kaxayn, umana dooleene
  • Dacay iyo dulmiyo xoog raray, deyr ku galiyeene
  • Dantase loo xaraystiyo macnuhu, nagama daahnayne
 
  • Ujeedada aan soo daadajee, waxaan inoo doortay
  • Su’aalaan daruuriyo xubnaan, meel ka daabiciye
  • Jawaabaha diyaar ma u tihiin, soo dallicidooda?
 
  • Dadkanaga dal kale qaar xukumo, dawladnimadiisa
  • Duul shisheeye iyo qaarna waa, laaji dibadeede
  • Hadday magacyadii kala duween, labada kee daw ah?
 
  • Danoo iyo daleen soo qaxdiyo, caydh is daba liicda
  • Dildillaacintiyo faalladaan, kuugu sii dariye
  • Dun cas janana layliga dabliyo, darawal gadiidka
  • Shibil daakhil rooriyo danjire, dibad wasiir aada
  • Inta darajo wiil leh iyo kornayl, duuliye ah taagan
 
  • Shaqaalaha wadani daacadnimo, loo dirdiranaayo
  • Duqaydii dhashoo laajiyey, dacalla joogaane
  • Wixii aabahood kala duwiyo, dulucudii yaa sheega?
 
  • Sarkaal Danab ah madax doobisoo, dhibida daydaylan
  • Dadkoodoo ajnabi duukhaya ah, kama diqoodaane
  • Inay laba dariiq kala maraan, daw sidaw noqotay?
  • Magacooda see u kala duween, duq iyo wiilkiisa?
  •  Dhalinyarada diirdiiraneey, taa ma laga dooday?
 
  • Dibjir oday noqdoo lagu digtiyo, gacalka diifaysan
  • Dumarkiyo darxumaday qabaan, daaman-ku-ciroole
  • Dilka fudud dhalaan dabargu’iyo, jeel ku damug siinta
  • Danqashiyo dareen iyo haddaan, doocba laga haynin
  • Isma daboosha kaasaay dallicin, oon dugsanayaaye
 
  • Daaqiyo dulaha ceelashiyo, doogga iyo rayska
  • Wax kuu diidan oo durug leh, oo dibadda kuu saari
  • Waxa kaaga daran eed og tahay, eed la dirirayso
 
  • Adigoon dagaalamin haddaad, dood wax kaga weyday
  • Daliil saas ah ruuxii hayow, kaa dafiri mayno
  • Intuuse daallin baas kaa dalbaday, dumi arooskaaga
  • Kol haddaadan suu kaa damciyo, danaha guud eegin
  • Dawo ma lihid shaydaana wuu, kuu dabbaal-degaye
  • Waxaad deydayeysaana waa, duunyo aan lumini
  • Dadka iyo dalkiisaba maxaa, lagaga uusduugan
 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.