Home

Xaawo iyo Aadan

                                                 Macallin Dhoodaan

 

 

 

Gabaygan lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan, dadka qaarkiina laga yaabo inuu u maqlay Abuuristii Aadmiga, wuxuu ka mid yahay gabayada Dhoodaan oo ay runtii adag tahay in la kala jeclaysto kuwa loogu jecel yahay, xilligii uu soo baxayna loogu dhagaysi badnaa.  Sida caadada gabayada Macallinka oo dhan ah, waxaa dhex yuururta gabayga xikmad gaamurtay.

Xaawo iyo Aadan waa gabaygii Cabdullaahi Dhoodaan uu ku hantiyey billadda gabayga Soomaaliyeed mar halabuurka Soomaaliyeed oo dhan Mogadishu lagu tartansiiyey.  Kaalinta labaad markaa waxaa galay Cadhays Ciise Kaasrshe.

Taariikhda gabayga iyo maqalkiisiiba haddii aad hayso fadlan nagala soo xidhiidh mail@doollo.com

 Wuxuu yidhi Macallinku:   

1.  Ilaahay markuu dunidan godey, ees giraangiriyey

2.  Isagoo quruumana gadiyey oo, gab kaga siiyey

3.  Sow Aadan oon gacal lahayn, gegi masoo taagin

4.  Sow Xaawo feedha godan, ugama soo goynin

5.  ………………………………………………

6.  Ninba sow geyiga Eebbahay, geesta kama raacin

7.  Goosan waliba meeshii uu tegey, sow rag kama guulin

8.  Oo Geeska Afrikaad sow annaga, Guulle nama keenin

 

9.  Adhiyo geel gammaan iyo lo'iyo, geedo kala jaad ah

10. Biciid gees leh garannuugtiyo, goodirkiyo cawsha

11. Geriga iyo deeriyo gunburi, goray hadaafaaya

12. Golcastiyo dabataagta iyo, guunyo dananaysa

13. Gabbadow shabeel gaatamiyo, haramcad guuxaaya

14. Maroodiga gollaha daaqayee, wada gaboodyeystay

15. Afka laguma wada gaadhiyo, gaar u kala sheege

16. Waxaan godollo waxaan gowracniyo, qaar an gadannayno

17. Iyo gurada qaar laga koroo, orodka gawsiiya

18. Iyo dhul aan gasiirado lahayn, gu'guna seegeynin

19. Oon dabeyli guri kaa rideyn, dahabna guurtaas ah

20. Durdur aan go'ayn goof birqod ah, webi gufaacaaya

21. Iyo beer dhaqsaba kuu go'doo, godadka loo jeexdo

22. Sow gorodda Eebbahay waxaa, nooma soo geline

 

23. Guud ahaan Soomaalidii sow, gees isuma raacin

24. Diintuba gallade sow Furqaan, laguma gowriirsan

25. Gaban iyo gabow sow qur’aan, gawda kama saarin

26. Waqti gudub waqtina gaadh waxay, goortu noqotaaba

27. Barwaaqadii gadhoodhiyo nimcadoo, gililicdaa haysa

28. Shayddaan giblani waysagii, xeebta soo galaye

 

29. Gardarriyo waxay suubiyeen, caado gogoldhaafe

30. Rag bay inay gadh qaataan rabeen, amay gumeystaane

31. Geedaafadaana Soomaaliyey, waan ka gubanaaye

 

32. Axmed Gurey intuu subax guntaday, sow shir uma guulin

33. Sow gulufku qaylada dhulkii, guure kuma jiidhin

34. Sow Gal iyo Caameer farduhu, gaasas kama keennin

 

35. Geeridu xaq weeye sow cabbaar, laysma guubaabin

36. Gamuun dhoobe leeb iyo gantaal, xadhigga loo giijo

37. Garmaqaate gaalleef mindiya, gudimmo xiireysa

38. Gamas waran billaawaha gayaxan, seef gal laga jiito

39. Iyagoo hubkaa gacanta iyo, geesinnimo haysta

40. Sow gaashaandhig weeye dagaal, uma garwaaxeedsan

 

41. Nacabkii garbuhu sow ma jabin, way gaggabiyeene

42. Gorgorkoo cuniyo sow darxumo, goobtii kama raacin

43. Sow gaardaymoode ee cabsiyu, kama gariirsiinin

44. Guryihii faqriga sow kolkaa, dani ma gaadhsiinin

 

45. Kama gudose geed baa la yidhi, neef la gowracaye

46. Goommane dugaagguba ma karo, goobis kala jiife

47. Intii wiil gaboobaa nimani, way gabbanayeene

48. Goonyaha dhulkeenniyo waxay, badaha gaaftaanba

49. Illayn tuug dadkoo gama'san, waa soo galbanayaaye

50. Gasadeenna iyo sow ma iman, ciidda gudaheeda

 

51. Sayid Maxamed sow kama gilgilan, xumihii loo geystay

52. Sow gabayadiisii nafluhu, kama galiilyoonnin

53. Gurmadka iyo sow qaylo dheer, lama galaayuusin

54. Kolkaa sow fardaha gaamuriyo, geenyo lama fuulin

 

55. Af-gumaas Shanlaha goyska iyo, Giirre Labammaar ah

56. Jigre-gaab hilqadlaha gadhka leh, godane Maadhiinka

57. Wajaf gowso weyniyo rasaas, gumucu qiiqaayo

58. Iyagoo gunaanaday naftoo, weliba gaadiid leh

59. Geydh kulul Daraawiishtu sow, uma gadaan-saarin.

 

60. Cadaawihii galdaasayey sow, lama gawaanraacin

61. Ha galgalato sow laguma dhigin, way gasbanayeene

62. Sow guduri xuurti ihi ma cunin, waa geddii hore e

 

63. Kolkay taladu gow joogsatayoo, ciiddan laga giigay

64. Gafuurro-cadde sow Reer Galbeed, ficil ma soo goohin

65. Giddigoodba sow maalintaa, nooma gacanqaadin

 

66. Dusha guudka xarunteenii sow, lagama soo gaadin

67. Dayuurado garnayl tuuri sow, weerar kuma gaacin

68. Taleex sow gelgelintaa ma noqon, ama gabaaddiirta

 

69. Gambo xidho ma yeelaan kolbay, gobise liicdaaye

70. Gujo qudha xornimo kuu jirtana, waad u geyllamiye

71. Inaan gibisha tuurnoo caqligu, naga galoofoobin

72. Sow rag is galaalaa mar kale, uma gallaydhyeynnin

 

73. Guhaad baan qabnaye sow indhaha, looma guruxsiinnin

74. Ha Noolaato geeraarkii sow, laguma soo gaabin

75. Galabtii caddaankii ogaa, goobta Dhagaxtuur ah

76. Galow ciyey haddii ay maqlaan, ama galool foodhyey

77. Sidii gaban carruureed ilmadu sow, ma gobo'leynnin

78. Hashiise dhowrka jeer gaaggaxdee, layga gudhinaayey

79. Lixdankii anoo gool ah sow, gaaxdii kama maalin

80. …………………………………………..

 

Soo dhammaystir saaxiib. 

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.