Home

Xuuraa Baf

                                                              Dhoodaan

 

 

 

 

 

 

  • Baadiye raggii joogi jiray, balad markuu aaday
  • Hargaysana u baysala-dhawdiyo, taa Baandiraba
  • Boqolaal waxay igu tageen, been iskaga noole
 
  • Budhcad suuqa maraysatoo, badan kuwii raacay
  • Ilbaxnimadii lagu baaqyeey, baro yidhaahdeene
  • Bandarada asluubta leh iyagoon, wali la baashaalin
  • Hal bootaalaa jiita iyo, koox ba’naano ahe
 
  • Badh saaqida iyo tuug miidhan bay, baasha ka ordeene
  • Badhaysaha warkii lagu qubay, barako moodeene
  • Barbarkii xumaa bay ileen uga bilaabeene
 
  • Wixii edebta lagu beelayee, bi’in lahaa ruuxa
  • Loo baratan waxay moodayaan, buro la dheeraaye
  • Basarxumo magaaloo dhan baa, u biirta dabadeede
 
  • Beryo iyo kolkay bilo jireen, baarqab la ismoodye
  • Markaasay qalbiga buuxisaa, inay wax boobaane
  • Babaw bay noqdaan iyo markaa, xuurta baalka lehe
 
  • Kuwii baabadaa lagu ride, booca dheer lulina
  • Isma bixiso booraan libaax, inay ka baydhaane
  • Bahalay sidaa kaga dhigeen, beer walaal cuniye
  • Bani-aadminimadii wakaa, loo badalayaaye
  • Berri garasho uma dhaafsaniyo, uurta buuxsada e
  • Barkhad iyo balaayana ma oga, kii bishaaro lehe
 
  • Midkii boolaxooftiyo la kaca, baanis iyo guuxba
  • Durba waa ka baybaysadiyo, camal barooreede
  • Marna waa ka booboodayee, soo batarin dheele
  • Isagoo rag kala baayacday buu, boqor ismoodaaye
 
  • Baguu odhan hadduu badhi liqana, baarri buu noqone
  • Haddii nacabkii baabi’in lahaa, beesada u dhiibo
  • Ballan qaadna loo raaciyiyo, biro dhalaalaaya
  • Ujeedada ma baadhiyo inay, boogi daba taalle
  • Ma baaldhigo xuduudka babcan een, laga dul boodayne
  • Farxad iyo bislaysaa gashoo, wuuba bararaaye
 
  • Shir bilaada laysaga wiciyo, talo la baandheeyay
  • Hadba baalna laysula rogoyoo, buuqii lagu daalay
  • Barta laysku raacee wanaag, badi la doormoodo
  • War waa taa in lagu beegsadiyo, xaajo loo bogaye
 
  • Arrinse buug lahayd oo ma jirin, gaadhay beeshanuye
  • Dhulkan fadhato baahnayd sidii, loogu galay bowdka
  • Dal bannaan u yaallay heleen, deedna boolyada e
  • Baabsiguna taasuu ku yimid, uma badheedheene
 
  • Innagoon baraarugin kuwii, buunka noo tumayey
  • Intay diratay niman buufinno ah, ooy barjaha siiso
  • Ooy baagamuudiyo gurteen, wiilal baadiyaba
  • Ooy baaxadsooriyo dhigeen, badaha xeebtooda
  • Buntukh iyo banbaanadii dhulkiyo, waliba baasuuke
  • Baas iyo balaayaba intay, badaw usoo dhiibtay
  • Is burburiya waa waxay ku tiri, oo is baacsada e
 
  • Innagoose dad weynuhu badqabo, bulannay laakiinse
  • Budda waxaa na dhigay weerarkay, nagu butaacsheene
  • Iyo baaqigii lagu dirqiyey, Bii-Emkii gubaye
  • Ama baylahsigii xoolahay, bililiqaysteene
 
  • Markay baqatay xuuraa baftii, ina baduugaysay
  • Barbaar fulaya baayacmushtari, boorso jiidanaya
  • Oday boxosh ah balabaadka iyo, baanda jaahilaba
  • Nacas buunshe leef ah iyo hangool, ay billado siisay
  • Oo balanbal reeraha bada oo, ba’an ma waayaane
 
  • War birmadkay isagu sheegiyee, lagu bilkaydaayo
  • Iyo cadowga booriniye shacbiga, baygagshoo dila e
  • Ballidu qaadi maayaan kollay, beelahaa idile
  • Adhyo badan lo’dii balaqsigiyo, boqolka geel dhaafay
  • Iska daa barmiil loo gadiyo, baaldi loo horiye
  • Birqodkoo bilaashayba qaar, balalo gaystaane
 
  • Biyo ceel barwaaqaqda dhulkiyo, meel bur iyo doog leh
  • Barkad lacag ah kii uga raree, beecso yidhi jaalle
  • U bakhtii buktiyo xaaluf iyo, oon busaarad ahe
 
  • Kuwaasaa shacbigii baaba’shoo, waa bas taladoode
  • Baqoolahay xaggaa uga rareen, bacadkii jiilaale
  • Biji dheer hangool lagaga xidhay, bawdadiyo qoorta
  • Baagada wakaa loogu qoray, boqon dhawgoodiiye
 
  • Inkastoo bur-ciid lama madhshee, saa naloo buriyey
  • Dhagaxa buuraha kama yaree, waa bidhbidhateene
  • Mana baraad la ee way barteen, kii boqnaha goyne
  • Billowgeeda qolihii leheey, godobtan baahaysa
  • Rag badheedh xumaan ugu tabcooy, buubsataa jira e
  • Ummaddii badbaada jarteen, nabad u baahnayna
  • Waxba booqan maayan iyana, baan ma sugayaane
  • Bulshadii abuurtte colaad, baaji laga waayey
  • Is bariinta diidee cidday, buurato aan dhawro
 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.