Home

Yaa Dirsaday

                                                              Dhoodaan

 

 

 

 

 

Haddii aad gabygan taariikhdiisa hayso ama meel laga heli karo aad og tahay fadlan nala soo xidhiidh, mail@doollo.com
 

  • Damiin macalinkiisiyo isagii ha is dacweeyeene

  • Ninba dowgu leeyahay kolkii dooda aan u dhowro

  • Ardaygii da' loo yeedhiyee diminta miim saaray

  • Kol hadduu tacliin doonayayoo deel xafidi waayey

  • Garta haddaan la daahayn isaga sow danbigu ma aha

 

·         Aniguna mudada doorka een ciidho diriraynay

·         Ogaadeenya cadawgii dafiyo daadufkii sirayey

·         Midna kama dabooline dirkaba wawga digay dhaaxe

·         Dabaalsiiyey hadal diiriyiyo sheekho duur xul ahe

·         Mar u daday baryana daahay oo dooxay maansada

·         Daraf iyo dhawaaqii anoo dacalba gaadhsiiyey

·         Tix aan sogordihiyo faallo dheer miday durduurtaanba

·         Danaaniga la garay muusanoow inuu ku duubnaaye

 

·         Nin dalluunshay baaq inaan ahayoo qaylo dananayso

·         Dusha guud naxwaha sidaa ha u dareemeene

·         Darxumadaan ka qaylyaayey iyo dulucdii hoosaysay

·         Ujeedadu halkay daaranayd baal ka daawade

 

·         Mid ka dude ee tii kale macnaha looma daadagine

·         Aan ku daalo taagay amaan seego danahaye

·         Faqna durugsadoo ruuxba ruux laysku wada daarye

·         Warar laga danqado duulba duul ha u dawaafsheene

·         Dadku badi sidaa iyo darteed haba dadaaleene

 

·         Dacdarada badhkeed iyo wixii dilay Ogaadeenya

·         Duleystiyo daldalihii xaggaa ugu dammaan leeyay

·         Oon laba dugaag idhi mid bay daaqad ka arkeene

·         Waligoodba dabarkii hore oo duuga bay garane

·         Inkastooy dakano taa ahayd oo dulkaba tiilay

·         Wax soo degay ammuur nooga daran tii darraatabe

 

·         War daabaana qaadka ay matali dawlada Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Rag ninkii ku daandaansda ee durqin u jeeda

·         Dood iyo dagaal baa mid uun lagaga duufaaye

·         Danqashiyo waxaa murugo kulul dibirta qaarkeede

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Duumiyo xanuuniyo adooy diifi kugu raagtay

·         Dugduglay ha joogtee adoon wali kasoo duudsan

·         Oo deyr-xumaad yahay waqtigu ama diraac dheerba

·         Hadduu gaas col waa dumi jiree lagugu soo duulo

·         Kuray daqaqamoo tagay halkuu daaqi jiray geelu

·         Galabuu kaaga soo digay inay doonyo ka carrawday

·         Makhrib dabadii goor ay ahayd waa cawaw darane

·         Ooy damug kusiiyeen xeryaha diricyo soo dheelmay

·         Ku soo daaya adigoo leh oo doobke uuminaya

·         Colkii doomanaysaa hadduu weerar kugu daacsho

·         Geelaagii oo dihin haddii lala dawaareeyo

 

·         Deris nimaad ahaydeen adigoon qaylabaw diranin

·         Durba hadduu kusoo gaadhoo doodi kugu dhaafo

·         Digdigtiisa orodkaad tidhaa wuu ku daaficiye

·         Isagoo dalleen weyd ah iyo daaci kugu sheegay

·         Oo daali maayo leh kolkaad aayar daba liicdo

 

·         Gudcur damug ah goor ay ahayd oon dayaxu muuqan

·         Waddadaba hadduu kaa duwoo duur fog kula aado

·         Dariiqaba intuu kaa lunshoo dogob ku jiidhsiiyo

·         Markuu dalawyo baas kaa ridoo dawgii kaa lumiyo

·         Intuu darafta xanan kuugu maro ama du’ soo leexdo

·         Dabragoyn intuu ugu dhuftoo dadab u sii baydho

·         Duulkii geela loo waday hadduu diilintaa u jeedsho

 

·         Damaacina hadduu galo si uu kaaga darib quuto

·         Dilaal iyo haddii uu malaal kuu diyaarsanayo

·         Daldalooladaadoo batiyo dabacsanaantaadu

·         Dabiib uu ku naaxiyo markay daawadii noqoto

·         Dallada iyo guushaadu waa dabar gu'iisiiye

·         War duunyada raggii kaa dhacayee dawrshay xeradaada

·         Ogow daalinkaad aamintay baa kaaga sii darane

·         Dingaraaraduu kugu ladhi tii dagaagnimo e

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Haddaanse reerka deyrku u adkay dagagar mooyaane

·         Libaaxii dinaahshee ciyaa waaba kuu digay

·         Markaasaad duddada oodataa ood dab shidataaye

·         Marse hadduu duleedkaaga yimid diilalyana hayso

·         Isagoo dibnaha kaa xidhayoon maalka didinaynin

·         Hurdo-dakharta leylkii ahiyo duhurkii mooyaane

·         Intaad dibadda jogtaba hadduu soo daf odhan waayo

·         Oo duunyadii eber ka dhigo amuu dad kaa laayo

·         Labada aar ka dalandoolayee aamusaa darane

·         Soomaaliya dabcigu waa tabtaa daacad ay bidiye

·         War daabaana-qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Daruur curashii maagan iyo daad arlada buuxsha

·         Markay di'is diyaarka u tahayee qayo udgoon daacdo

·         Tiixa diliqle mooyee intaan dhibicdu soo duulin

·         Qaanso-roob daliigani hadday baal iskaga duugto

·         Unkadkiyo daryaankeeda baxa amase dawdaw leh

·         Danabkiyo hillaaciyo waxay dununucaysoo dhan

·         Allaaba waa dix ay soo rogtiyo doox waraabsama e

·         Hufo iyo dabayl bay noqdaan diririgteediiye

·         Ha ku daalin waa duuf xareed laga durduurtaaye

·         Daadufnimada Soomaaliyee durugsiga u jeeday

·         Dubaaqa iyo ra'yiga keen ah buu saa u dumiyaaye

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Annagoo dalkaa weyn leh oo dad iyo maal buuxna

·         Ninka yidhi duq weyn baan ahayoo raba daryeelkiina

·         Ee daakhilkiinaa ma jiro laba ka doodaa leh

·         Waa shay dantiisa wuxuu noo dirqiyayaaye

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Dux ay nagu qabaan bay darteed noo dalfinayaane

·         Kolba taladii door noo ah bay daaf ku ridayaane

·         Indho-duubka saasay wax badan nagu duduubteene

·         Waxay dacayda nagu jiidayaan dawlis xoog badane

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·          Dubaax shiilan bay naga heleen oo dalaal tubane

·         Beryo inay na darandooriyeen oon usii dararay

·         Dawarsiga carbeed inaanu nahay daasad lagu qaato

·         Dalbashiyo in magaceer baryada dibada loo haysto

·         Daabaqad in laynagu dhuftayoo doofil nagu heesay

·         Ninka yidhi duq weyn baa ahayoo raba daryeelkiina

·         Adna dalandalkii baa tahayoo weydin daadihin leh

·         Xagna dabinka saan ugu galloo noogu rido daanka

·         Iyo si uu cadkeena u dubtiyo daabax nala maagan

·         Kaba dacar khadhaadh ka i dafaye ka i dagaa ba'ane

·         Dirgashaduuba naga dhawrayaa digatir mooyaane

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

·         Dagdagluhu darbadahoodu way sii dalacayeene

·         Kuwa sharaftideenii dafiray amase noo diidan

·         Dugsan mayno inaan daa'inkood diriro mooyaane

·         Qof aan doocba hayn iyo ma oga kii damiin ahuye

·         Damiir laawe iyo dawdar iyo doqonna yeelkoode

·         Danbi kuguma haasaawin iyo been dacaayad ahe

·         Runta inaan ku diirdiiray taa waxaa u daliilkii ah

·         War daabaana qaadka ay matali dawladda Af-weyne

·         Ogaadeen damiin kama dhigtee yaw dirsaday hawsha?

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.