Home

Jibin Cir (July 1979)

                                                                      Eebo-Cadow   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Si looga sii digniin qaato cadowgu siyaasadaha uu dalka Soomaaliya kusoo gurayo, siyaadahaas oo uu ku curyaaminayey halgankii gobonimodoonka ahaa ee Soomaali Galbeed, qaranimada Jamhuuriyada Soomaaliyeedna inuu ku baabi’iyo uu damacsanaa, loona garto khayaamadiisa iyo daba dhilifyada u shaqeeya cadowga ayuu abwaankuu u tiriyey gabaygan isagoo jooga degmada Wajaale:  Wuxuu yidhi: 

  • Jeerahanba gabay maanan tirinin, Jaalle Gurayow e
  • Jidbay doontay suugaanta aad, jiibi leedahaye
  • Anna kuma jacsani maanso aan, jaa’iso lahayne
  • Haddaadse wax jira sheegidii, iga jalleecayso
  • War ‘ja’ ka qabo jawaab shaafi ah ood, jamato weeyaane
  •  
  • Jidkan cadowgu noo jiray ee, jaadku soo marayo
  • Ee awrta lagu soo jinbici, joonyado cabaysan
  • Jaajuuskan soo guri intuu, jaaniska u haysto
  • Jin ha dago Wajaale e intuu, joogtada u keeni
  • Jarraaqato markuu soo galo, uu juu yidhaa ritiga
  • Kumanyaal jibaysani intay, jaraha boobayso
  • Waa jaadlihiiyey intay, jinow u heesayso
  • Jiingadiyo jaajuur dhismaha, Alla kasii jeed ah
  • Oon jaha albeebkeedu xigo, jeer la garanaynin
  • Jiidhjiidhka looma ogole, jago yar oo geed ah
  • Joodariyo cid sii dhigtay, iyo jaadba jaad gogosha
  • Jaandaarankiyo nabadsugidii, jiri lahayd howsha
  • Iyo Janan-xigeen miidhan, oo jeegada cabaystay
  • Jalanqaha intay kula barjayn, jaallenimo hoose
  • Amay lacagta oo jeeb mugii ah, jookarka u qaadan
  • Ee juuq ninkii yidhaa, jeelka loo dirayo
  • Jigjiga iyo intay shurkad yihiin, jeeblaha Hargaysa
  • Jabuuti iyo doolaarka mara, jeexdintaa Carabta
  • Jidda wiilal loo dhigay intay, jeegaga u keeni
  • Janaalahan siyaasiga ah, ee loo jidbixinaayo
  • Intaan jaamicigan howsha fulin, cidi kusoo jeedin
  • Horta aniga waa iga jirdacan, jaallayaal gabay e
  • Kii horaanba jeel ugu sigtay, iyo jeebbo lay sudho e
  • Ha yeeshee jeeraartadan, waxaan caawa uga jeedo
  •  
  • Jawgii xidhnaa waxa furfuray, kuma jalaadeene
  • Hadbuu jiidku aaminay nafbaas, kuma jujuubeene??
  • War waa madaxda joogta iyo, qorshaha jira fogayntiiye
  • Inkastoo jar tuurta la isu dagay, jaqafka loo goynin??
  • Oo jiir cadkii galay, carada wali jibaaxaayo
  • Amuu kii jinsiyadiisii cunay, jowhartii gurayo
  • Haddii jahawareerkii badnaa, la iska joofjoofay
  • Jawaab bixini iisoo martaye, Jilib-Cir aan sheego
  •  
  • Jugta hore nin Eebahay la jiro, yey jano u taale
  • Jahanabana waxaa gaalka la leh, jiidh Islaam qaba e
  • Rugna lagama joogsado hadday, jaan khadhaadh tahaye
  • Jaliilkaan ku dhaartay iyo Alle, iyo jaahi nabigiiye
  • Igu waa kitaab jaamac ahee, jaranjartay fuushay
  • Ujeereey jabkay soo wado, iyo jaha xumaanteeda
  • Jalfistuu shihseeyuhu dhigay, ee jiiftada u taala
  • Jaallow Siyaad iyo haddaan, janano soo gaadhin
  • Jabhad iyada hadalkeed danbaba, joogi mahayaane
  • Jamhuuriyadan khatar bawgu sugan, jiritinkeedaase
  •  
  • Jetkan xabashiyeed weerarkeer, bari usii jeeda
  • Iyo keenan jeedaran, bayloodada is jiidhaaya??
  • Jiddi kaama qariyo ee, haddaad jiriso raadeerka
  • Jeeraha Hargaysuu, ninkii joogay ka arkaaye
  • Koonfur oo jihaadkaa la hubo, jilib dhiga u haysa
  • Tan inuu xidhiidhkii la jaray, jaadle soo celiyo
  • Oo Adari kii xalay ku jiray, caawa Xamar joogo
  • Oo laba jibaar nagu dhacaa, waa jin kuu taliye
  •  
  • Jaallooyin Soomaaliyey, cadowgan jaarkeen ah
  • Jaajuuska u shaqaynayaa, kula jidh weeyaane
  • Jamhuuriyada qaar ka mid ah, oo jooga heer madax ah
  • Oo jagooyin waa weyn haya, ood jeceshihiin maanta
  • Oo idinla joogaa jira, oo dhiiga kaa jaqiye
  • War inta jaahii-gubaygaa khariban, joofka laga laaci
  • Ee isaga oo jeeba qaba, jeelka lagu toogan
  • Iska jira jawaasiistu, way idinla joogaane
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.