Home

Xog Waran (October 1979)

                                                                      Eebo-Cadow   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Xirfad maqan xuruuf la isku daray, iyo xarafyo aan muuqan
  • Xariiq jeexan xaalado qarsoon, xaashi kula taala
  • Xusuus qorid xisaabo aan lahayn, xaajo oday dooni
  • Xayn diratay xardhimaale iyo, xuufle daba taagan
  • Xumaan dalab xariif jaamici ah, xeel nin kula gaadi
  • Xoogsade af-miinshaar ah, oo xero-bilaash ootay
  • Xaaraanta kama caagane iyo, xoogsade iyo boobe
  • Xidh libaax dad-qaad ahi galo iyo, xuunsho laba baad leh
  • Xayndaab la ii dhigay, sidaan ugu xambaarooday
  • Xanaaqii sidaan ula gagabay, amaan u xayraamay
  • Xigmadaydii wali Baashiyow, sooma xaadirine
  • Xalay ka horba suugaantu, way iga xijaabnayde
  •  
  • Xinjir bururtay xudun dooxantay, iyo xidido naafoobay
  • Xabadihii ku dhacay geesigaan, xubin fayow haysan
  • Ee xagasha looxu ugu jiro, xoogguna curyaamay
  • Dhaawaca sidii uu yahay xashiish, meel walba xooray??
  • Een helin xanaano iyo cunto, ee xalay qadee ooyi
  • Xanuunkiyo rafaadkuu qabiyo, gaajo la xabeebtay
  • Xusni iyo xiqdi iyo ciil dartiina, xoodhin timahiisa
  • Xafaarahan bugtaamay ee dibtii, xaaduna cadaatay??
  • Iyo xaas ninkii qabay dhintiyo, xilo agoontoobay
  • Dumarkuu xishoodku u sugmay, iyo xaawaley jilicsan
  • Odayaashan xaabsaamay, ee xoosh cadaadigan ah
  • Xaqa culimadii fidin jirtiyo, xaafidul qur’aanka  
  • Xertuu waday iyo sheekhii cilmiga, lagu xurmaynaayey
  • Xarfadaha il-duug meel kaluu, xadhig ku yeeshaaye
  • Xariirtiyo nimankii dharkaan, xidhano keenaayey
  • Xeer li’i hiddiyo dhaqankii, ee xadda u yiilay
  • Xagar hoostii odayaashayadii, xukunka qaadaayey
  • Xabashida qaxootigii ka yimid, xamagtii caydhowday
  • Xaqiraada joogtada ah iyo, xumaha loo gaysan
  • Xishmad li’ida iyo dafiir, dhawr xasaradoode??
  • Xidhayga iyo xatow-gooyadiyo, xeer islaam gudubka
  • Xabaal qarinta xamag qabashadiyo, waliba xuub saarka
  • Ku xadgudka xangaruufadkiyo, xanan ku jeexjeexa
  • Dawlada xuquuqda u qortay, iyo xoolihii qaranka
  • Xoxob galinta kala xeeriddiyo, xeedho madhan siinta
  • Xunbo dhaydii laga nuugay iyo, xoor goh u reebka
  • Midmidkii sidaa ka xantadana, gee xabsiga dheerka
  • Xasuuqii gumaystaha ka daran, xaaladay mariye
  • Xaqa inaan caddeeyaana, waa xaajo ii furane
  • Xumaantaasi waxay noogu dhici, xididka beeraaya
  • Xammaasadahan badan ee ku furan, xinkii Hargaysa
  • Ama xamaasadaha badan ee jira, ee xulaya Soomaali
  • Xasadka iyo xinkiyo cayda iyo, xulufo sheegsheega
  • Xukuumadda bulshada laysku diri, xiisado abuurka
  • Xamar iyo Waqooyiga Galbeed, kala xujayntooda
  • Taasaay xaqiiqada runta ah, ka xabdhabaysaaye
  •  
  • Xorayntii Soomalida Galbeed iyo, xaqaa duudsan
  • Xafiisyadii wakiil looga dhigay, xidho dagaalkiiye
  • Xilka madaxdii loo dhiibay iyo, xarumihii qaybta
  • Xidigle iyo gaashaamayaal, Xoogga laga keenay
  • Xadayaasha boonada Jigjiga, xadhiyihii saadka??
  • Iyo xoghayihii baw kordhiyo Xaashi Cumar Nuure??
  • ………… xeegaan biyo ah xagagaf aan buuxin
  • Xuud oomay xayawaankii kale, xal u hanbayn waaye
  • Xaabsaday xafiiskanay ku xalinaayaane??
  • Xabbad-joojintaa nagu dhacday iyo, xarakadaa taagan
  • Waa xaafado u kala madhki iyo, xumahay beereene
  • Iyo xaabaday ololiyeen, xiinka ka baxayaaye
  •  
  • Xakamaha fidaa’igii la sudhay, Xabashi laynaayey
  • Xiniiyaha dib loo soo dhuftay, ee xiidmuhu ordaayo
  • Xaalkii gumaystaha, qabyaalado xusuusinta
  • Xarbo galin dhexdoodana falka, iyo ha isku xaaqmeenta
  • Xasadkiyo xigaal gawraciyo, gaar u xarakadaynta
  • Anigoo si xog-ogaalnimo ah, u xabad qaadaaya
  • War xaaladdu waxay daaran tahay, lala xudhlaynaayo
  • Xad ku sheegan inuu soo dagaa, Xaylo Maryama e
  • Xero Cadan dhexdeeda ahna, Ruush kala xidhiidhaaye
  •  
  • Hayeeshee xaqiiqadu ka weyn, shay la xadayaaye
  • Xayaatada Soomaalidu markii, ay xasili wayday
  • Xisbi Yurubku Baarliin, shirkuu xin ugu qeyb qeybshay
  • Xaskuu galiyey umaaddaan ka hadhin, ee u wada xaytay
  • Xeel iyo siyaasaba dadkii, xoog dabka u jiidhay
  • Xaajooyinkoodii markii, xaakimku u eegay
  • Xaqbaa calankan lagu siiyey, iyo xukun Ilaahaye
  • Xisbiguu Kacaanku u dhisay, iyo xoogan barakaysan
  • Inta ay xalaal ula wadaan, xaajiga hogaamin
  • Xagga Eebahay buu ka yahay, xaraman aaminan e
  •  
  • Ninkastoo xumee lihina wuu, ku xayirmaayaaye
  • Ximri-dhiigu ragguu saaran yahay, xuurtuna ilaashan
  • Iyo xaasidow maanta waa, xero ba’aagiiye
  • Xudhxudha iyo xamxamtaada iyo, hoos u xamashlaynta
  • Xaafado wareegaysadkiyo xeel, u socodkaaga
  • Xirib-jabinta boqon xaabintiyo, dabin xidhayntaada
  • Xafiisyihiyo suuqyaha madow, xan iyo been sheegga
  • Carrabkaaga xanaf weynida iyo, xiiri ogidaada
  • Goortaad xaglaha dhaansatana, xor isku sheegaaga
  • Xalaalnimo ku faanka iyo qalbiga……
  • ……

Nasiib daro gabaygan dhamaadkiisii ma hayno.  Haddii aad dhamaystiri karto nala soo xidhiidh.
   

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.