Home

Waa lagu dhintaa geel ninkii dhaqo yidhaahdow e

                                                                             Maxammed Nuur Fadal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Wuxuu gabaygan abwaanku tiriyey mar uu joogay Nairobi oo loo soo sheegay in dagaal dhex maray laba qoys oo midna Ogaadeen yahay midna Isaaq yahay kadibna kii Isaaq laga adkaaday geel badana laga dhacay.  Isagoo qoyskii Isaaq oo ahaa Sacad Muuse, ceebinaya canaanayana ayuu yidhi:

  • Waa lagu dhintaa geel ninkii, dhaqo yidhaahdow e
  • Waa dheeman iyo luul ku jira, dhib iyo aafaade
  • Dhayal iyo ciyaar laguma helo, dhuug iyo aar laaye
  •  
  • Iyadoo xeryaha looga dhigay, qaydka dhinaciisa
  • Oo ay markaas wada dhashood, dhaan la furey moodo
  • Dhufaankeeda iyo aarankoo, dharabka loolaaye
  • Kolkuu dheelmo kibirkii durduro, dhagac ka soo siiyey
  • Ee uu baarqabkii dhalay nirgaha, dhaafi kari waayey
  • Dhal jaceyl daraadii markuu, dhuunta galinaayey
  • Dhan u heegga laafyaha markuu, dhabal u qaadaayey
  • Dhego loo sameeyiyo tawaad, dhuxul la moodaayo
  • Kolkay dhibidu labadiisa qaar, dhaantay midabkiisa
  • Oo doobtii lama dhawrsanine, galowga dhiilleeyey
  • Ee uu micida dhumacaysatiyo, dhoosha ka ciseeyey
  • Dhirifka iyo cadhadii kolkuu, dhiraha laynaayey
  • Waa dhidibka geelee markuu, dhab u shaxeexaayey
  •  
  • Dhengadaha kolkii dhabiga maran, dhawda laga saarey
  • Dhoobigii Ogaadeen kolkuu, dhaanto dabo qaaday
  • Ay ololka dhacadiidisay baad, dhicin lahaydeene
  • Dharcastii magaalo iyo dilaal, dhuuntay baa wadaye
  •  
  • Haddii Habar-Xabuush laga dhaciyo, dheegga Habar-Yoonis
  • Ama dhalantidii Ciidagale, lama dhaqaajeene
  • Dhiigyacabyadii baan lahayn, dhagartu saarreyde
  • Dhurwaagaa lafaha boobay laa, bil iyo dheeraade
  • Hadday dhuunbirkoodii sitaan, Arab ma dhaafteene
  • Dhammaan Ciise-Muuse yaan nin ogi, sii dhexmariyeene
  • Dhiirida Ayuub kama tagteen, sidigta dhaameele
  •  
  • Idinkaa markii laydin dhacay, soo dhanbuuqsadaye
  • Abidkiinba dhoomaha Isaaq, dheg uma noolayne
  • Dhankaad naga xigtaan yey wadnaha, dhooli mood tahaye
  • Dhalool yahay xaggiinaa warxumi, nooga soo dhacaye
  • Hadduun baydin dhaar xoog leh, iyo dhiirri barateene
  • Irbad dhuub ma galisaan afkuna, waydin dheer yahaye
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.