Home

Waran Xaq

                                                                                  Maxamed Cabdullaahi Gandaal

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey horraantii 90aadkii, wuxuuna joogay magaalada Kismaayo markii uu tiriyey.  Wuxuu ka hadlayaa dagaaladii qabaliga ahaa ee dalka ka jiray xilligaa.  Wuxuu yidhi:
  • Shir wareegay ooy wada idlayd, wadarba Soomaali

  • Isweydiin waldaafayma guud, dood la wada yeeshay

  • Soomaaliya wajaafkii ku dhacay, wiiqatadii gaadhay

  • Wixii ugu wacnaa oo la yidhi, wadhafka yaa tuuray

  • Taariikh waa horeetiyo haddeer, waalalahan taagan

  • Markii laysu wada geeyey buu, wawgii soo baxaye

  • Warrafkiyo dad waabeeyahaa, wadhida beeraaya

  • Waxaa laysku wada waafaqayoo, laysku wada raacay

  • Majeerteen inaad wade ka tahay, doonta waalida e

  • Waa la qiray inaad weheshataan, waliyo shaydaane

  • Waa la qiray inaad wagar tihiin, talo wadaagtaane??

  • Waa la qiray inuu kuu sawiro, wax is lahaysiine

  • Waa la qiray inay waranwaryadu, weyso kuu tahaye

  • Waa la qiray inaad been wardiya, walamta haysaane

  • Waa la qiray wanaaguba, inuu yahay wadkiiniiye

  • Waa la qiray inaan loo wanqalin, wiilashiiniiye

  • Waagii Darwiish iyo Gurey, horuwadkii Leego

  • Waa la qiray inaad wiiqayaal, wadar ahaydeene

  • Wanaagsane Rashiid walamdayahow, waydinkii dilaye

  • Waa la qiray inaad wada cunteen, wabaradiiniiye

  • Waa la qiray inaad waa dembaba, aamin waa tahaye

  • Waa la qiray gumeysiga inaad, wiidihii tahaye

  • Waa la qiray talyaanigu inuu, kuu wadaad yahay

  • Waa la qiray inaad weer qabtaan, sharafna weydeene

  • Waa la qiray inaad weyrax iyo, wahan ku noolayde

  • Waa la qiray inaad khaa’inimo, koobihii wadato

  • Waa la qiray inaad sixir waxshi ah, wada xabaashaane

  • Waa la qiray wax kuu daran inaad, yeesho waligaaye

  • Waa la qiray waddood garabmartood, widinwid roortaane

  • Waa la qiray wareentiyo qardiyo, guray wadkiiniiye
     

  • Waa la qiray markaad xumo wadici, walasaqeyntaaye

  • Waa la qiray wajaaf inaad tihiin, waa na soo galaye

  • Inaad walad shadeediin tihiin, laysku wada raacye

  • Khalqi waa horeeto rogmaday oo, walaha jiidhay

  • Iimaan wabadaroo ooman baad, wabax la doontaane

  • Kol haddaadse wixi qaadid iyo, wiririgtii weydo

  • Waxaan kuu qabtaba weygu khalad, iyo denbaab weyne

  • Daaroodna waa wada ogyahay, magac la waalkiiye

  • Walidkiin wasiir iyo haddaan, kuu walcamo sheego

  • Waqdabkiin wuxuu yahay Falaash,

  • Winiqdaani baa idin dhashaye, weydaan garanayne

  • Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye

  • Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye

  • Dhulbahantuhu waqii waa tiih, waali agaheede

  • Nimanbaan ka weecweecanayn, run iyo waygeede

  • Warsangali warsada wuu ogyahay, wadashadiiniiye

  • Intaasoo waxyeelo iyo sun iyo, noqotay waabeeyo

  • Markii laysu wada geeyey eey, Waamo ka ahaatay

  • Maxkamad wood caddaali ahbaa jirtoo, wadar la qiimeeyey

  • Go’aan waafi loo gaadhayoo, waara noqon doona

  • Wareegtadii caddayd baan haddaba, kuu sakaar wadhiye

  • Murti kalana waa tay ahayd, weedh abwaan yidhiye

  • Wixii aadan lahayn wiilkayoow, laguma weynaado

  • Waxaad waayo maashaba nin laa, weel isugu geysta

  • Waxaa taa ka dhigan waa Waamoline, oon wareegsado e

  • Waad ka guuri ama waad ku dili, wixi Majeerteene

  • Waligayna waa saa ma odhan, been la waaridiye

  • Wax la hubo wixii aan ahayn, wayga caaridiye

  • Hadalkaa wareegtada ka daya, qodobka waa kow e

  • Waa la qoray Wajeerteen inaad tahay, waslaataaye

  • Waa la qiray inaad waadi Bari, wada tagaysaane

  • Oo waajibkiin yahay ku laad, keebka waalida e

  • Walwal iyo shalaytaad waqiin, weheshan doontaane

  • Wax dhanbaad xaglaha wiifisood, waaday walaxdiiye

  • Wax dhanbaad wajiijiday dhurwaa, weyd cunoo kale e

  • Wahab iyo waxaad wada tihiin, weysar gooni ahe

  • Siddii weer halaaqoo naflaha, laga wiraynaayey

  • Wid qofkaan ku odhan waa hubaal, inaad walaaqdaane

  • Wajigoodu gubay waad rogteen, beesha waligeede

  • Soomaaliya wareerkaa ku jira, weydinkoo qudhehe

  • War bal daya wuxuu Moorgan wado, waad wadarideene

  • Waraabihii fakaday baad haddana, qudhac u waabteene

  • Walaaxawlahaa laga qabsaday, saad u walafteene

  • Wasiirkii Siyaad ee ahaa, wiilka gabadhiisa

  • Rag waxaad lahaydeen intuu, weerar soo geliyo

  • Markii wadar la laayee nag iyo, wirixda loo gooyo

  • Wadna weyne waa Cabdi Billoo, wuu wisiisiyiye

  • Orodkuu waljaafii ku iman, waab dhexdiina ahe

  • Wakab ururiskii baad haddana, wada tidhaahdaane

  • Kenya hubkii ugu wacnaa, way usoo diriye

  • Is wadhaamintaasuu mar kale, Waamo soo galiye

  • Markaasuu wadkoodii helaa, lana wajeefaaye

  • Wayaakiyo waxaad lacag gurteen, baan wakaa dhigane

  • Wiilal iyo markuu xoolahaba, waaridee madhiyey

  • Inuu yahay wakiilkii Siyaad, waad taqaanaane

  • Su’aal waafigeed iyo haddaan, hal idin weydiiyo

  • Wixii dhacay wareegii horiyo, kaa waqtiga jooga

  • Waa in laga xisaabtamo siduu, waajibkii yahaye

  • Wada rogane diin laa wahaa, wayba idin seejay

  • Wiida dumarka weer iyo asay, aafo wada liita

  • Ma waxbuu idiin taray mise, waydin wada toogtay

  • Caqligii cawaam waa sidaa iyo, wax xun sheege

  • Mar kalaan wareegtadii caddayde, kuu sakaar wadhiye

  • Waa la qoray Ogaadeen inuu, way ku dili doono??

  • Waa la qoray inaan waran xaglaha, kaaga wagab siine

  • Markay wiriq tidhaahdee naftii, waayirka istaagto

  • Waa la qoray inaan waax kastaba, widhifyo kuu goyne

  • Waa la qoray waraajiyo inaad, naxashba weydaane

  • Waa la qoray inaan waalidii, webi ku yaacsiine

  • Waxaa taa ku wacan waad galabsateen, inaan ku wiidaaye

  • Waligiinba waagii beryaba, waydin weerariye

  • Hayga suginna waanwaan dambiyo, inaan walaalowno

  • Itoobiya dadkii waa dhaweyd, laga walwaalaayey

  • Israa’iilna waa annaga lahayd, wax isma dhaantaane

  • Iyagaad waalaaliyo tihiin, waalid iyo wiile

  • Waa la qoray inaan kuu waddaco, wadan Yuhuudeede

  • Waxay wadajir Soomaaliduna, wadar usoo saartay

  • Murtiduna wajaah leedahoo, waan khatimayaaye

  • Warka hoo waxaan kuu qaddimi, waa wareegtada e

  • Wax la yidhi ninkii waalana ah, waabiyaa hela e

  • Wiyil gama’san kii toosiyuu,, galay wadkiisiiye

  • Cagtii wiririglaysaa xumay, walam tidhaahdaaye

  • Wan illaa la gawraco indhuhu, koru ma weecdaane

  • Dhagihii Illaah waaniyaa, yeela wax u roone

  • Wiyeer malab ah waabeeyo sun ah, waasha laba ceel ah

  • Ninba tuu wadaan hoorsadaa, laga waraabsiine

  • Cirjiidh iyo mariikh way hanteen, xeradii weyneyde

  • Sugruhuna wakaa wuu rabaa, inuu la waageero

  • Beenta wararafkeedii gu’iyo, gola warfaadkiiye

  • Wakhtigii khayaaligu tag iyo, waali horarkiiye

  • Kitaabkii watiin iyo wagluhu, wariyey diinteenna

  • Run waxaan ahayn wuu xarimay, wuuna noo digaye

  • Idinkuna waqiin ........................., way ka dhigateene

  • Wax ku qaata waa Waran Xaqiyo, waa kas iyo maage

  

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.