Home

Buraale Cali Seexde

                                                             Ogaadeen

 

VII: Gabayagii Buraale Cali Ubaxle ee Silsiladdii Rayad

Hordhaciigabaygu wuu soo socdaa:  Wuxuu yidhi

  • Dacwigii Qamaan yidhi anaan danabku ii keenin
  • Ma doonayn inaan gabayo diro amase diiqaaye
  • Markaanse daa idhaahdaba rag baa dawga jiifsada'e
  • Waa iga da'weyn yahay ninkaa dirirta oogaaya,
  • Cali Dhuux sidaasuu damcaye diida hadalkiisa
  • Haddii aqal dab galo aan ninkii daaha laga saarin
  • Dherigaan dalooshimo lahayn baa dubkii hariye
  • Cali Dhuux sidaasuu damcaye diida hadalkiisa
  •  
  • Da'day maaha reer nabad ahoo diradireeyaaye
  • Hadday nimanku soo wada degeen nabad ha loo daayo
  • Ilma-Dacarka duufkiyo bakhtiga dibad u meeraaya
  • Hurre Raabbigaan dunidatan aan diric u dhaafaynnin
  • Maxaa derejo simay waa afkaan daab ku leeyahaye?
  • Ninkii Dubuxul geeliisu yimid dumarku soo qaadye,
  • Ogaadeen maxaa doqon ka dhigay dawgal baa jira'e?

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.