|
-
Dan u
baxay Ogaadeen hadduu duudsi qaayibaye
-
Dirirsiiyey diidana inay duul ka nixiyaane
-
Anigii dagaallaminahayey igu dabreeyeene
-
Duullaanna way soo baxsheen sida Daraawiishe
-
Daabaca raggii lagu dhuftee daabka lagu jiiday
-
Daabaqad wajiga baw hadhiyo diillin aan go'ine
-
Ma iyagaan dadkii iyo ahayn duudda Nebi Aadan
-
Iyaguba dab iyo waa sitaan damaq rasaaseede
-
Dumbuqooda liishaanka daran daalib ma ahayne
-
Dawadiisu waxay saaran tahay daacad loo rido'e
-
Waa wuxuu isaga daadsan yahay oon doocna garanayne
-
Dawdii ha darandoorriyeen hana dagaajeene
-
Dushana hawgu soo dhaamiyaan dumarku haantiiye
-
Dabinkii xumaa iyo sibraar ha isku duubteene
-
Dugsi dhaxan leh haw yuururaan diilalyiyo ciile
-
Intay dacarro waaweyn dhigaan dalag ha beerteene
-
Mar haddaanay daaqayn Walwaal nimanku dooggeeda
-
Oo dibinta saarayn Wardheer loona dacareeyay
-
Danwadaag iyaba waannu nahay downa wada naalle
-
Bal Iiddoor maxaa igu diroon, Doollo ugu sheegan
|
|
|