-
Dhankaan ka
hadlay waakaa Qamaan dhaafay hadalkiiye
-
Dhex-xidhka
hayska gooyaan lahaa dhuugga loo tolaye
-
Haddii dhaxal
adoogaa la cuno waad dhadhamisaaye
-
Waxaan cunaha
ii dhaafin iyo dhaashin baa jira'e
-
Naagahaan
dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne
-
Dheddigaanshahaa lagu arkiyo dhiigga caadada'e
-
Haddayan
dhiilka caanaha lahayn laguma dhaarteene
-
Wax ka dhigan
gobtii dhawrsataan ceeb ka dhiidhiyine
-
Dhirfal buu
Isaaq marin intuu dhaco Ogaadeene
-
Karuur dhuumay
dhaydana ka jecel oo ay dhamayaane
-
Dhoobada
Hargeysiyo Berbera waa dhito u taalle
-
Dharka kama
macaasheen hadday dhuunta jarayaane
-
Waa dhego
la'yahay Reer Subeer dhoohan weligiise
-
Dhibta gaadha
waa moog yihiin, iyo dhaliishoode
-
Anuun baa
dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane