Home

(I) Diradiraale

                                                                             Cali Dhuux Aadan Goroyo (Dhulbahante)

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii 1aad

  • Doqonkii Ogaadeen ahaa Doollo laga qaadye
  • Loo diid Dannood iyo hadduu degi lahaa Ciide
  • Nimanbaa dalkoodiyo xukuma labadi daaroode
  • Darraatoole iyo Faafanoo wada duraabaaya
  • Deegaanta haraday ku tiil daaqi mahayaane
  • Deex kama mareershaan halkay deleb ku beerneyde
  • Markii duraha jiilaal kacee doogga la idlaysto
  • Duurkiyo dayada Hawd markay Debec ku soo oonto
  • Laaskii uu ku dalandooli jiray loogu degi waaye
  • Alla daw guduuddii Wardheer kama durduuraane
  • Dawadeedu waa Jeerinley uga dul geeraare
  • Ceelkii biyaha diirranaa looma dawdabo'e
  • Dixda Qarandi Deeroy Mataan loo dardari waaye
  • Maantana dukaamaa la dhigay degelkii Gaafoowe
  • Darar kagama maalaan Camuud diiqo iyo xoore
  • Dixda Raygaleed iyo Gargaar laysu dacareeye
  • Dayr baaba lagu meeriyoo loo dabbaal degaye
  • Wardheeroon dagaal xumi ka dhicin dig iyo baaruudi
  • Doox iyo Doh iyo Faafanna waa soo dalbanayaane
  • Kuna dalaaqin naagihii inaanay dib uga laabmayne
  • Iiddoorku siduu damacsanaa loo diyaafadiye
  • Hadba dunida duul baw kacoo diin la soo shira'e
  • Dar Illaahay uun baa xaggiis looga soo diraye
  • Sow sida Darwiishkii Isaaq duub cad uma qaadan
  • Makaahiilku doy uma kaceen degeya Hiiraane
  • Daacuunku meeshuu ku leyn uma dalluumeene
  • Daal iyo hadhuudh kuma cuneen degelkii Haarweyne
  • Habar-Yoonis bay uga durkeen degeladoodiiye
  • Dullinimo inay qaayibeen waxaw daliilkiiya
  • Dadba weli ma arag Reer-Subeyr duul ka soo baxaye
  • Dooyiyo dabriyo weerar iyo malaha duullaane
  • Ninnaba uunka kama dawladsana Dir iyo Daaroode
  • Ilaah baa dabkoodiyo nasakhay danabadoodiiye
  • Dadka uguma liitaane wey diriri waayeene
  • Afartaa sidii dalab la riday maysu daba joojay
  • Da'daan kaga bilaabiyo miyaan deelkii ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa Reer Xirsiga halan dareensiiyey
  • Dadka waa la wada laynayee waw darreydeene
  • Dubbihii ku dhacay Bihina Cali doogta weli haysa
  • Waa waxay la dabandeebayaan daqarradeediiye
  • Waxay dalagga beeraha la qodon waa dagaagnimo'e
  • Damal Aboodi Dayr iyo Afmeer dixida Gaaroodi
  • Reerahoodu maantay degeen daawo lagu boobye
  • Sidii galab dawaar loogu rogay Delab ma maalaane
  • Ina Raabbi waa tii la dilay waana Reer-Dalale
  • Dumar kuma sagootiyin kuwii dahay Ugaaskiiye
  • Dan baa tidhiye lama duudsiyeen Dirirkii dheeraaye
  • Aniguba dubkaan uga nixiyo diirka oogada'e
  • Ma damqodo'e kii dad ugu xigay waa durduriyaaye
  • Ilmo Dacarba duul bay indhaha dumuq ka siiyeene
  • Nimankii walaalkood durqumay kama dambaysiine
  • Degdegsiinyo waa tay ciyoon duqaq u laayeene
  • Nimaan aabbihiis danabyo dhalin looma duurxulo'e
  • Dibbaa looga yaabiye iyo inuu kaaga sii daro'e
  • Dagaalkii Killaas ugama rayn duulkii Reer Shalace
  • Dunta boqorka nimankii sitee duubi jiray shaalka
  • Anse kolay duraan waxbana yaanay dillin doorarna u layne
  • Geerida Hurahan diidayey dereja dhaamaane
  •  
  • Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
  • Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelki ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa aniga iyo dan iska sheegayga
  • Maansadan dad wada qoonsadee diradiraha  u qaatay
  • Diin runa dalliilkii sharciga yaan ka daabacaye
  • Denbi inaanu iga raacihayn daacaddaa furiye
  • Daahyaale geelii la helay waakan dayr dhalaye
  • Duudweyn ma jiro Haamo iyo Daba Cadaadeede
  • Derrinkii afkii Daadmareen kama dareershaane
  • Dahab waatan iyo qaalmihii deyrcadka ahaaye
  • Dalba quruxsanleeyeey ma foga dalawadiiniiye
  • Danbarkiisu waydiin uraa waana dabataane
  • Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneedleh
  • Oo wada dunuunucahayuu idin dul joogaaye
  • Dubuxbaaba lagu sii wadaa iyo dararkii Baarjeexe
  • Afartaas sidii dalab la riday maysku daba joojay
  • Da'dii aan ka qaadiyo miyaan deelkii ka habawshay
  • Ma dalleeyay deelqaafku waa kaa dilaa gabaye
  • Dacwad kalana waa aniga iyo duun u hadalkayga
  • Nabsigu waa daruuraha cirkiyo sida dabayleede
  • Dersinkii wax qaatuu la' yahay deynki godobeede
  • Daa'iradu maantay waddaa duulashii galaye
  • Xaqa daguugmay duunyada la dhacay dumarka ooyaya
  • Naagaha ilmada duugayey diilalyadu hayso
  • Daa'imo hadaydaan ahayn dagan xaqiiniiye
  • Dagaal waan jeclaa xaajo aad dib ugu aydaane
  • Doqon yahay ka kaca meeshanaad dacayda laalaadin

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.