Home

(IV) Maxamed Fiin

                                                                                 Isaaq

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii Maxamed Fiin ee Silsiladdii Rayad

 

  • Calow gugakan gabaygaad tidhi gocasho weyn reebye

  • Wixii gacal ahaa uumiyaa waa mid kala geyne

  • Gabadh iyo walaalkeedba waa kala geddoomeene

  • Gardarriyo isyeelyeel mar buu gubey bilaadkiiye

  • Nin garaad leh baan kugu ogaa gaban ahaantiiye

  • Maantaad gu'yaal badan jirtoo guudku ku caddaaday

  • Bal garwaaqso warankaad gantiyo gedaha aad joogtid

  • Guntigii wadaadkii la eed gebagabayntiise

  • Galow baa ka ciyey ceelashaad geesi ku ahayde

  • Buuhoodle geel looma horin goorti dabadeede

  • Gammaankii badnaa ugama fulo labada geesoode

  • Garmaaddii shubaysiyo la waa garabyo weyntiiye

  • Geedaha ka baxay laga ma cuno godobyo dhowdhoowe

  • God abaaday waakaa noqdiyo guri madoobaade

  • Waxa guuldarrada ugu wacnaa geli colaadeede

  • Waa gaasir Reer-Cali wuxuu wada gudboonaaye

  • Ma gu' yaree see Cali tashigu uga gulaallaaday?

  • Guhaad laguma falo ruux hadday gogoshu kuu taalle

  • Gaadiid ku qaadiyo haddaad gelin lixaad weydo

  • Gurgur lama shiraystiyo hashii geela ka irmaane

  • Guntana laga ma jaro geed hadduu kuu gabbaad yahaye

  • Afartaa gammuuraye sidii leebka ma u gooyey

  • Gobo' kalena waa erey yar aan godob ka faalleeyey

  • Gondaggooye nimankii dhigaad gacal ahaydeene

  • Cabdi Muxumud gabannuu ka tegey goloshkii dheeraaye

  • Geydh iyo waxay cadho qabaan garanba maysaane

  • Aar soo gendoodsaday wuxuu gaadho waa diliye

  • Goonyaha haddii lagaga ciyo guuldarraa dhiciye

  • Geelii Ogaadeen ninkii goofiyaa tahaye

  • Giddiga Reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye

  • Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye

  • Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye

  • Gaal iyo Islaam nabaddu waw gogol nasteexaade

  • Marse haddii colaad loo guntado Goray ma laacdeene

  • Cid uun baa rasaas kugu gambiyi Giibba ma lahayne

  • Ogaadeenku waa gama'san yahee gamasyo haw dhiibin

  • Godobta ha ogeysiin rag waa garacyo Sheyddaane

  • Gacalow ka joog meelahaad gacantogaalaysay

  • Haddii kale aduun baw go'iye gabayga aashaada

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.