|
The largest
online collection of Somali poetry
Bal dayaay
- Aarkaba haddii wiilal dili laysu daba joojo
- Marka horre sidduu deyrka jabin ways
dalliciyaaye
- Dabadeed ninkuu dili naftay kala dardaarmaane
- Markuu duubi-weynoo indhaha dibada soo joojo
- Oo door ka laayoo ilkaha darib ku haanfiiro
- Bal dayaay ninkii dalash ahaa sooma daakhilo e
-
- Laba dibi dinaahayn ka siman jeeray dirireene
- Daafaha intay kala jiraan wax isma doorshaane
- Doc ka dhugadka daymada danbaa mid is
daleenshaaye
- Haddii daawad deyr loo dhigoo baarqab lagu daayo
- Oo dabar lasoo dhaco midkay kabadu diifaysay
- Bal dayaay markuu doobta rido wuu durduriyaaye
-
- Orgi door ah oo naag dir badan adhi kusii daysay
- Hadduu qabad dan galo oo riyaha qaylo kaga
daadsho
- Bal dayaay markuu geeska daro waa durduriyaaye
-
- Afartaasi waa gabayga dadan dadabdhigiisii dheh
- Warsangaliga cadho daalisee dibinta ruugaaya
- Dirir haddii uu maagana arliga dumuq ka siinaaya
- Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
-
- Suldaan duub leh daaraha khatiman badaha
duunkooda
- Hawiyuhu dabkiisii sitee dooni amarkiisa
- Bal dayaay dad buu ii xigaa waana daraftaye
-
- Mareexaan haddaan wiil u diro laysu soo durugye
- Ogaadeen dal dheer iyo wuxuu wabiga daanshoodo
- Hadduu dirir xigaalkii og yahay igama daaheene
- Damta iyo dinnaagada harruu kaa dul baxayaaye
- Haddii dalandal kaa fiigo waa dooxanahayaane
- Allay lehe inaan daynahayn duunka kaa hadha e
- Intaas oo kun dawladi anooy dunidan ii joogto
- Markaan Dabacayuunoow arliga nabad ku daaqsiiyey
- Allay lehe inuu daawo furo waa gun dalabkeede
|
|
|
|