Home

Maxamuud Oomaar (Ogaadeen)

                                                                                  Dubbuur                                           

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii 10aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 1aad ee Maxamuud Oomaar

Maxamuud Oomaar ayaa kusoo booday Silsiladdii Rayad oo, sida la wariyey, isaga oo aan wali maqal gabaygii Bidhiidh isna deelleey cusub tiriyey.  Maxamuud wuxuu soo qaddimayaa dacwi sare oo haddii hadal wax daaweynayo ay ahayd inuu silsiladda halkaa ku afjaro. 

Wuxuu bayaamiyey in dhibaatadu tahay Ingiriis iyo gumaysi qoysaska qaarkood si gooni ah u hubeeyey.  Wuxuu gabayaagu sheegay in Cali-dhuux dabadhoon u yahay Isaaq, gabaygana ay iyagu ku kalifeen inuu tiriyo doqonimana ay arintaasi tahay.  Wuxuu kaloo sheegay in Cali-dhuux ku farxayo dhibaatada Ingiriis gaysanayo, dakano uusan galinna dusha saaranayo.  In Harti waa hore Cayn laga riixay kana samray, hadal haynta dhulkaa iyo Cartaneey halkaa ayaan biyo kaaga keeniduna ay Cali gef ku tahay.  Iyo inaan Dhulbahante ka maarmin Ogaadeen iyo dhulka uu deganyahay midna haddiise Cali-dhuux qadafka deyn waayey inay dagaajin doonaan. 

Wuxuu kaloo xusay sida gumeystayaasha Reer Yurub ay si gooni ah colaad iyo dagaalo ba’an oo joogto ah ugu hayaan qaabaa’ilka qaarkood, halka ay kuwa kale taageero joogto ah u fidiyaan.  Arintaasi oo keentay, ayuu ku dooday, in qaabaa’il aan Ogaadeen agtiisa ka hadli jirin ay isku dhereriyaan.  Waxaa la wariyey in Maxamuud Oomaar gabayaanimada ay u wehelisay gar yaqaanimo iyo geed ka hadal uu caan ku ahaa.  Wuxuu ku billaabay:   

·         Awal nooma doobyeyn markuu, daaciga[1] ahaaye

·         Anna gabay diyaar uma ahayn, way dirqiyayaane

·         Dubcad labada doofaaradiyo, diimanka u qalaya

·         Dirkaa xun[2] iyo daanyeer la jira, oo u dabadhoon ah[3]

·         Dagayada kufrigu daajin ee, soo danuukhadisay

·         Farenjigu dabkuu nagu shidiyo, danabaduu laayey

·         Inaad farax la daandaanisaan,  waa dun xumadiine

 

·         Ma dabrine mid kale aan ku daro, kuma dafaysaane

·         Markaad soo dagaagtaan kolkay, deyri idin seegto

·         Dalleenimada adigoo durji ah, nagula  daaduunto

·         Cid ku daadahaysaan nahayoon,  kuu darraan jirine

·         Annagu Kaafiriin daw darayd, waan la diriraaye

·         Orobada na dabargoyn unbaad, deeq ka dhigataane

 

·         Kuwa dhabarka aad u daacin ee, darida kuu yeelay

·         Duqsi meel u raaciyo waxaad, noqotay dooryaane

·         Doqonimada taasaa u xun iyo, dabagal Iidoore

 

·         Wax ka daran hanagu kaa direen, fool dugaagluhuye

·         Damdamliyo inaad dawdar tahay, duluqsan oo waashay

·         Oo dumar wixii kuu dhisaa, duufle yahay mootan

·         Intii kuu dadaalaysay ee, diifta kaa bi’isay

·         Iidoorkii docdii aad gashaa, cay ku daadi lehe

·         Mana jiro dameeryahow Isaaq, waxaad ka diidaaye

 

·         Dad Rabbi leh ma dabargoyn karaan,, kaa ku daajinuye

·         Farenjiga markaan daalino ee, damac ku beenoobo

·         Ogaadeen hurduu wada dakh yidhi, Caliyow waad dayne

·         Durba waxaad kusoo doorin waa, niman dareen dheere

 

·         Dalqaday kasoo yeedhi iyo, ka u dalxaynowba

·         Dad baan toosin iyo haygu dirin, dooda murankiina

·         Daandaansi foodhiga cabsidu, kula dakaamayso

·         Ingiriis durkaayaad ogtahay, noose kiin dilaye

·         Haddii gaalkii idin soo degsaday ee, na dabay guuro

·         Darandoori baan kuula dhici, jeedal daba dheere

 

·         Dad Alle leh ma dabargoyn karaan, Gaalo diir caduye

·         Dareen saas ah baa idinku jira, oon daniyayaaye

·         Darbadayda iman baa cabsida, loo dardhanayaaye

 

·         Diihaalka cadhadeen qabniyo, diilalyada ciilka

·         Iyo daalinimadaad fashaan, kuu dardarayaaye

·         Saadembiyo dorraad kiinu waa, been darooryanehe

 

·         Anigaan ku doocdoocinayn, sidan daraadeede

·         Ingiriis rag uu deyn gashuu, uga dusaayaaye

·         Gef baad igu darfiday ood hadhaw, dabac sugaysaaye

 

·         Adoo daaci taag yar ah sidaan, kuu daryeelahayey

·         Dabcigaan ku baray hays odhan, wuu ku daadihine

·         Cabsi daan kudhkudh ah waa waxaad, salaw u daacdeene

·         Caddaankaa na duminaaya, waad nala dilaysaane

·         Markaasaad inaan kuu danqado, iga dalbaysaa

 

·         Dango dhalan ah ruuxii dugsada, dagan abaalkiise

·         Idinkoo la daaliga Kufriga, kana damiir liita

·         Inaynaan dagaalami karayn, baa daliil cadahee

·         Dakanadii caddaankaasu galay, ka is dul saaraaya

·         Inuu duufle baadiya yahaan, la isu diidayne

 

·         Dubbahaan shisheeyaha la dhaco, daabtay warankiiye

·         Doofaarka nimankaa qalee, duhurka weysaysta

·         Adoo sheekhii daakiri ogaa,[4] kii daldalay raacay

·         Kana dida wadaadkii digriya, goor habeen dumayba

·         Isna saamax buu nagaga dayi, diin Islaanimo e

·         Erayada dariiqiyo sharciga, yaan ka daabacay leh

·         Maxay dalalag naar ugu dafsiin, jaahil waa damuge

 

·         Danbaaburada aad sheegi iyo, waxa finiin duulay

·         Wuxuu saanac kuu diran jiraad, dib u xusaysaaye

·         Kama dheera nooc laba dubliyo, xuus abaal daraye

·         Taasina dubbuuryahow aday, kugu dareertaaye

·          

·         In kastood la dabandeebi waan, lagugu daynayne

·         Kol hadday nasoo daba degtii, damacan kuu geysay

·         Inuu digasho Cali daaranyahay, amuu baroor diiqay

·         Caydaa xun inuu soo dindimo, yaan ka door bidiye

 

·         Mar darsugine aan laba ku daro, kuma dafaysaane

·         Markaanse daahno Doollo iyo Wardheer, deeq ku sheeg Caliye

·         Hashuu diiday Faacuul biyaha, inuu kusii daayo

·         Dacda fuuqso lama yaabin iyo, neefka daayacane

·         Isagoo hortii laga didsaday, darar Nugaaleedba

·         Hasha oon la dubayawday buu, beenku dagayaaye

·         Hartigii durkee Cayn ka tagay, soona dayi waayey

·         Cartaneey dib baan kuugu celin, Caliyow maad dayside!

 

·         Isagoo dagaag iyo baqo ahoo, Bari ka daaduumay

·         Cali baa dorraad qiray inuu, Doollo soo galaye

·         Markay dunida joogeen raggii, kaa durduurahayey

·         Ingiriis markii uu dubtee, aaska lagu duugay

·         Waadiga sidaa ugu daldali, sheeko qaab darane

 

·         Rag aan kuu darrayn waadigaa, cay ku dawdabaye

·         Fule duur ku dhuuntiyo markaad, doqon ku sheegaysid

·         Calow dawdarnimadaa unbaa, kuu dabeecad ahe

 

·         Duunyadaada Faacuul biyaha, inuu ku sii daayo

·         Iyo waligii inuu kuu dabcaa, dawba ma ahayne

·         Maxaa yeelay waan duuli oon, dili sidaydiiye

·         Sida nimankii Doollood intaad, cayda ugu diiqdo

·         Saw sheeko duufliyo dhareer, kala ma daalaysid?

 

·         Danbi ma laha kaad leedahee, dhaarta ugu duugtay

·         Iidoorku daa kuma yidhaa waa, wax kaa darane

·         Mudabdab aan cilmiba hoos u dayin, kheyr ma daalacanne

·         A’daliiludaa kama yaqaan, duray candhuufeede

·         Ciddii idin daryeeshaa kolkay, yara dalleemowdo

·         Ama geeri loo doho waqiin, waad ku digataane

 

·         Hartiguna afxumo daacid, bay dir u lahaayeene

·         Dixiraa dibnaha loogu tiray, diliq ahaantiiye

·         Diintiyo caqiidada run ta ah, yaad ka durugtaane

 

·         Dureerta hagaastiyo fir luma, dayrintaa gaya e

·         Hulka deexda duulkii horree, kugu daboolaayey

·         Iyagaa ducaysnaa Allow, darajo gaadhsiiye

·         Dacfaruuradiinaa la jira, doofilaha gaalka

·         Isku duubi maynee haddaan, kala duweynaaye

 

·         Inkastoo Hartiba daani yahay, dacawo suureeya

·         Majeerteen kolluu xaar digaag, doonyo ku cabaysto

·         Amuu xabag danbiil lagu ritoo, caws ku dadan qaato

·         Duudkana u buuxshoo ilaa, Cadan dabaalsiiyo

·         Qabaalkiiba koluu dagooy, dabar go’aan maalin

·         Amay dagal ruqaan ooy dumaan, waaba ii dahabe

 

·         Amuu dushaa Carab ka raro, ammuu dukaan miiso

·         Amuu yahay dilaal adhi qaloo, waayo naga daaho

·         Amuu maro duqsi leh soo xidhoon, duurarka u erino

·         Amuu gaalka doofaaradiyo, rootiga u dubayo

·         Si unbuu mindhaa uga dib jiri, meel tolkay dago e

·         Dabatadaa qurjigu diidayaa, noqotay daagdaage


 

[1] Daaci:  Baraarka kolkii ay hooyadii dhimato ayaa waxaa la yidhaahdaa daaci.  Heecayna waa la odhan karaa.  Wuxuu ujeedaa Cali-dhuux kolkii uu miskiinka tabarta daran ee i mudan ahaa waxan oo hadal xumo ah ma lahayn

[2] Dirkaa xun:  wuxuu u jeedaa Isaaq

[3] Daanyeer la jira oo u dabadhoon ah: wuxuu ujeedaa Cali-dhuux Aadan oo uu u arkaa inuu Isaaq dabadhoon u yahay

[4] Sheekhii daakiri ogaa: Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayuu ujeedaa

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.