Home

Ismaaciil Mire

                                                                             Dhulbahante

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygii Ismaaciil Mire ku lahaa Guba

Wuxuu yidhi:

  • Dabkaad hurisay Cali Aadanow dogobbadaad oogtay

  • Dambaaburada aad ololisiyo dirirta guusheeda

  • Maandhow Daryarey noogu timid dacawigaagiiye

  • Inkastoo dalkii kala fog yahay hadalku soo duulye

  • Dabaylaha xagaagii dhiciyo dowlahaa sidaye

  • Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne

  • Duunkaaga kuma suubbanayn diradiraaluhuye

  • Allaylehe denbaab lama hadlee kulama doonayne

  • Dalkoo nabad ah baad uumiyaha belo la doontaaye

  • Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo duur la geliyaaye

  • Dooxooyin idil bay xushaa digo hulaaqdaaye

  • Inkastoo diciif yahay naflaha ama la daaduunsho

  • Inta daamankiisu is hayaan anafo daynwaaye

  • Deeq iyo markuu nabad heluu daawo furayaaye

  • Markii aan Daraawiish jirneed nagu duqeyneysey

  • Nama duufsan Shiikh Maxamedkii duubka noo xidhaye

  • Annagaaba diintiyo sharciga daalib ku ahayne

  • Dammanaansho nimankaad biddaye doqon ku sheegeysey

  • Cawlkii la dabay oo middida dabaxda loo waayey

  • Oo qoday birtii lagu dig dhabay kuugu duurxula'e

  • Allaylehe dadkii kugu danniyay waaba kuu digaye

  • Afartaa ma daaldaalinee daw ma ku hagaajay

  • Dadku muranyey wiilyahow miyaan deri-dhaclaysiiyey

  • Dubbahaan la dhacay sow finiin kaga ma duulduulin

  • Dacwad kalena waan odhanayaa bal aan daliigeeyo

  • In Qamaan ka diday waan ognahay diirnixii gabaye

  • Laba dibi midkii baqanayaa ways dalliciyaaye

  • Dinnaahyada horaa laga gartaa deyrka kii jebine

  • Intuu dabada meermeeriyuu dadab u boodaaye

  • Weligiiba dagaal kuma xerayn deleb Ogaadeene

  • Dalkaa nabad ahaan jiray markuu daaddahayn jiraye

  • Duqoodii horaa lagu ogaa inu danqaataaye

  • Iyadoo dildilihii bishiyo dacashi haaneed leh

  • Oo awrku doobbinahayaa Deleb ku qooqaayo

  • Daahyaale geelii la helay dalawadii meertay

  • Markii dabafurkii laysku helay lagu darbaysiiye

  • Daya eeyda iyo qaalmihii soo durdurinaayay

  • Ee doonka laga laynayiyo dumarka ooyaaya

  • Dar ku rogidda goortii horweyn laga durduuraayo

  • Sidii duul goboo shirey markay wada dekeynayso

  • Dig markay tidhaahdee fushaa daya tidhaahdaane

  • Dab rasaas ah iyagoo sitey dacas la jiifaane

  • Dagaag magangelyo ah baannu nahay daa'imaa odhane

  • Xaqoodii hadday dabagalaan kuma dambaabeene

  • Afartaa ma daaldaalinee daw ma ku hagaajay

  • Dadku muranyey wiilyahow miyaan deri-dhaclaysiiyey

  • Dubbahaan la dhacay sow finiin kaga ma duulduulin

  • Dacwad kalena waan odhanayaa bal an daliigeeyo

  • Doqontaa intaad diri lahayd adigu maad duushid

  • Oo didisid geelaa fadhiya Doollo dhinaciisa

  • Oo dumar-la-moodkii lahaa daacad ugu geysid

Waxaa la sheegay in Darwiishku ka qoomameeyay gabaygan oo uu u arkay inuu afxumo iyo dicaayad yahay arin qabyaaladeedna ku salaysan.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.