The largest
online collection of Somali poetry
Cali Jaamac Haabiil oo jihaadkii Daraawiishta iyo Sayid Maxamedba
col la ahaa, Sayidkana ay marar badan maanso isu tiriyeen ayaa
gabaygan hoose mariyey kolkii uu Sayidku jiif iyo joogba u diiday,
Berbera iyo Ingiriiskii uu dabadhilifka u ahaana Daraawiishi kun iyo
konton jeer ka lug-meersatay. Cali intuu Ingiriiskii isku
aamini waayey ayuu mindhaa wuxuu is yidhi Sayid Maxamed iyo
Daraawiish ayaa Berbera kuugu iman doono oo kugu qisaasi doono
danbigii aad ka gashay umadda Soomaaliyeed iyo danahaad u fulisay
Ingiriiskaba. Wuxuu, waa garashadiisa ee, is yidhi Ilaahay bal
u dacwoo oo cidhiidhigan ku haysta inuu kaa faydo danahaaga u sheego.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa
dameertu iyadaana bururuflayn iyadaana geela didisay. Cali
isagaana diintii Alla iyo ehelkeediiba ka tagay oo gaalo huura leh u
galay isagaana Ilaahay ku cabanaya oo leh Ilaahoow faraj ii fur.
Waxaad moodaa danbigii uu isagu xanbaarsanaa inuu ku sheegayo
Daraawiishta iyo Sayidka. Bal u fiirso gabaygiisa. Wuxuu
yidhi:
1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay
keligaaye
2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode
3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane
4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae
5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye
6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane
7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine
8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye
9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane
10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka
11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey
12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin
14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga
15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo
16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta
17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney
18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta
19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba
20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu
daba joogto
21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo
22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye
23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye
24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye
|