The largest
online collection of Somali poetry

Arintu kolkay maansada joogto waxaa is
hal-xidhaaleeya laba nin ama laba kooxood oo collaad maanso ka dhaxayso.
Collad maanso kolkaan lee yahay waxaan ujeedaa laba nin oo kol horre si uun u
colloobay dabadeedna ay doodii la gaadhay in ay isu gabyaan oo uu mid waliba kan
kale gantaalaha maansada naxariis la'aan ugu gamuuneeyo. Labadaa nin ama
labadaa kooxood waxay isu gabyaan oo maskaxda ay tuujiyaanba, waxaa la gaadhi
jiray heer dhinac waliba kan kale aqoontiisa maanso iyo tan garaadkiisa uu shaki
galiyo. Markaa ayey fariimaha hal-xidhaaluhu bilaaban jireen, garsoore
waxaa ka ahaan jiray bulshadii dhagaysanaysay ee ahayd ra'yul caamkii
kasbidiisa dhinac waliba uu u halgamayey.
Gabayaagii inta la hal-xidhaaleeyo furi waaya wuxuu
mudan jiray quudhsiga bulshada, kii hal-xidhaalahaa lahaana wuxuu u muuqan jiray
nin libaystay oo guuxa ragga iyo mashxarada dumarkaba mudan. Laga yaabe
hal-xidhaaluhu waayadii horre in uu ku ekaa amaba looga dan lahaa qiimaynta
xawliga garasho ee qofka loo jeedinayey. Hayeeshee, qaybaha maansada
kolkuu ka mid noqday ayaa waxaa gadaalkii ul iyo diirkeed ama dun iyo lifaaqeed
laga dhigay laba awoodood oo kala duwan. Waa awooda tirinta maansada iyo
awooda furidda hal-xidhaalaha.
Malaha waxaa la qiyaasayey hal-abuurku dadka
intiisa kale in uu ka duwan yahay kuna tilmaaman yahay dareen soofaysan iyo
degdeg wax u garasho heerkeedu sareeyo oo aan laga wada sinayn inta badanna lala
wadaagin. Xeer adad oo la deg saday ayaa wuxuu ahaa aan gabayaa dhab ah
hkuu aqoonsadee tilmaamahaasi ma kugu duugan yihiin oo intaa iyaga kaashato ma
furfurtaa dabinada hal-xidhaalaha ee asaagaa kuu maleegay? Haddii kale
xirib sii ridan ma lihid oo caamo oo kale ayaa tahaye dhagaha bulshada ka bax
hal-abuurna ha sheegan.
Siday ila tahay, dhagayste, kaasi wuxuu ahaa xeer
aan cadaaladu ku weyneyn, maxaa yeelay wuxuu i horseeday rag badan oo maleegga
hal-xidhaalaha iyi furidiisa mooyee qeybo kale oo maanso ku fiicnaan lahaa in ay
goobta ka baxaan ooy in yari ku kaliyeysato.
Tusaale Seyid Maxamed iyo Gooni:
Seyid Maxamed oo ahaa hogaamiyihii halgankii
Daraawiishta iyo gabayaagii la odhan jiray Gooni kana tirsanaa dadkii Hobyo looga
talinayey halgankaa iyo Seyidkana kasoo horjeeday ayaa waxaa dhexmaray colaad
maanso oo gadaalkii hal-xidhaale isu rogtay. Collaadooda maanso waxaa
saldhig u ahaa collaadii siyaasadeed ee u dhaxaysay Seyidka iyo intii
jihaadkiisa ku gacan saydhay ee uu Gooni ka mid ahaa. Gooni wuxuu tiriyey
gabay dheer oo hal-xidhaale ah kana kooban 16 qodob kuna wada dhamaada "waa
cajabee sheega?" Seyidku markuu tixdaa helay mid mid ayuu u furay isagoo
waliba cambaarayn iyo ceebayn jawaab kasta ku ladhaya. 16kii qodon in
aan wada sheegno waqti u heli mayno ee saddex qudh ah iyo jawaabtii Seyidku ka
bixiyey aan isku soo koobo.
Wuxuu yidhi Gooni:
- Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
- Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye
- Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
- Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka
higaadsho
-
- Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
- Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
- Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega?
-
- Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
- Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh
waayeynin
- Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega?
-
- Cir unkaday hilaac laga cabsaday karadh
cabaadaysa
- Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee
sheega?
Seyidkaa furay oo wuxuu yidhi:
- Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
- Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
- Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
- Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega
- Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
- Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi?
-
- Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
- Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh
waayeynin
- Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine
- Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e
- War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay?
-
- Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
- Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
- Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe
- Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare
- Dhiigii carada qooyey waa cadar di'iisiiye
- Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta
maan saarin?!
Seyid Maxamed ayaa markaa,, markuu tii Gooni furay
ayuu wuxuu tiriyey tix hal-xidhaale ah oo uu dhextaal uga dhigay "cara ee yaa
sheega" kana kooban dhowr iyo toban qodob iyaduna. Tixdaa waxaa wada furay
Gooni. Shan hal-xidhaale iyo jawaabihii Gooni ka bixiyey shantaa ayaan
isku soo koobayaa.
Wuxuu Seyid Maxamed yidhi:
- Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e
- Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka
higaadsho
- Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?
-
- Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin
- Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
- Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega?
-
- Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka
gaabnayne
- Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
- Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
-
- Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa
eegin
- Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya
- Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
-
- Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
- Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka
ahaaday
- Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
Shantaa qodob jawaabihii Gooni ka bixiyey waxay
ahaayeen:
- Anagaan ciraab li'i ku kicin curuf la'aaneede
- Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka
higaadsho
- Wax cad oo madow sow indhaha ina caroow ma aha
-
- Waxa dunida caadil u ah oon ciddi khilaafaynin
- Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
- Aan calalna oogada ka qabin waa cajab Ilaahe
- Cunno weeye oo waa aqaan caynka ay tahayee
- Caradhoonku waa waxaad kurtiin calalinaysaane
- Maxaad iga cimrayn saa anaa kaa ciraab badane
-
- Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka
gaabnayne
- Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
- Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
- Ma adaan caraabada gudmada ceelasha u qaadin
-
- Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa
eegin
- Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya
- Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
- Cudaarkiyo xidkaha kale miyuu calagu noo sheegi
-
- Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
- Culaysna loogu go'ay oo nafluhu caajis ka
ahaaday
- Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
- Camcamada nafta iyo waa danbiga laysku caajimaye
- Nin cadaab ka baqayaa ma falo camalka qaarkiise
- Cowdiyo bilee Eebe maa laga cabsoonaado
Aw-Axmed Diini:
- Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel
joogta
- Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso
- Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa
- Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala
soocmin
- Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku
sheegaynin
- Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad
garato?
-
- Ceesaamo wada shoob casoo lag iyo shii gaadhay
- Oo sano shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobay
- Aan naaso shaygood la arag wadana sheemaysan
- Oo uunku wada shaabacdoo dharag ku sheebaystay
- Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad
garato?
Nasiib darro, ma aanaan helin mana ogin in ay
jiraan iyo in kale jawaabo uu Maxamuud ka bixiyey labadaa tuduc.
Waxaa mudan in loo fiirsado fikrada meesha ku jirta
ee ah gabayaanimada Maxamuud iyo aayihiisa suugaameed in ay ku xidhan yihiin
kolba siduu u garto jawaabtaa iyada ah ee furaheedu laabta Aw-Axmed Diini uu ku
duugnaa.
Mid kalana waa kii lahaa:
- Gud iyo Yicib gaydhiyo maraa geedo tiro gaadhay
- Haddaad gabay nin shaacir ah ku tahay goynka ka
higaadi?
Wuxuu ku jawaabay:
- Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geed e
- Garaad laawe yahoow ma anagaa garan aqoon
waynay
Barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho
ee uu soo jeedin jiray Axmed Faarax Cali (Idaajaa)
|