|
The largest
online collection of Somali poetry
- Adduunyada haddaan nabadi jirin, lama nagaadeene
- Nal barwaaqo iyo dawladnimo, laguma naaxeene
- Ninna naallo raaxo leh hurdada,
nuxudh ma seexdeene
- Meel nacabku dili ruux majiro, dib ugu noolaane
- Naxdin iyo haddii ay cabsidu, kuu nasiib noqoto
- Naftu waxay u carartaa kobtaan, nabar ku gaadhayne
- Nawnawle shaydaan hadduu, naarta kula doono
- Waa lays nabaa yaan iblays, nawle kuu tumine
- Aadamaha adduunyada ku nool, nin iyo naagtiisa
- Nabbi Aadam baa wada dhaliyo, nudaygii Xaawaade
- Nugliyeer iyo hubkoo laysku riday, naafac noqon waaye
- Naato iyo Waarsaba dagaal, nooge waayadan e
- Nuur Ilaah iyo xaqaan, naawilahayaaye
- Nolosha iyo neecawdu waa, duni nagaataaye
- War hooy nabadda xoogeeya, waa nuxudhkii diimeede
- Oo kale nastaaqanida iyo ka baxa, naafa kala jeedka
|
|
|
|
|
|
|
|
|