Home

Galow-Kiciye

                                                      Ismaaciil Mire

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

      Anagu gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye
      Gankaa naga xanuunsada waxii, gaadha Reer Hagare'e
      Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode'e


      Uma gabayno maantuu Islaan, gaalku weeraro e

      Adigana ninkii geed mudaa, waa gu' kuu da'aye
      Galow-kiciye maantuu lafaha, ina garaacaayey


      Gulgulaha hinjiinka ah markuu, kaga gig siinaayey

      Gabla yey lahaayeen markuu, inagu guubaabshay
      Gamaasayrankeedii markuu, gooni cararaayey


      Ee maraga goobtii ka dhacay, gerab ekaanaayey

      Galamada iyo eeriga markii, lagu gujeenaayey
      Ee goodirkii dhalay ilmada, gabax ka siinaayey


      Ma geyo ee hilbowluhu markuu, gacan togleynaayey

      Ee lagu gadaanaa marbaan, go' ilahaa ciile
      Ninse god dheer walaalkiis u qoday, gelina mooyaane
      Warsow adiga kugu soo gotaa, gamas colaadeedku

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.