Home

Guuguulayahow

                                                                              Ismaaciil Mire

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

 1) Guuguulayahoow haddaad gu'ga u ooyeysid
 2) Haddaad mooddey keligaa in uu gubayo jiilaalku
 3) Ama aad gabooyaha ku madhan gama' la diidayso
 4) Giddigood addoomaha waxaa gaadhey nabar weyne
 5) Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale e
 6) Gartaa ma aha keligaa indaad gaar u cabataaye
 7) Guumeys cirro leh baan ahee waar aan ku gaadhsiiyo


 8)  Geelii adduunka u adkaa gobo’ la weydowye
 9)  Golihii ka kici waa raggii geydho hayn jiraye
10  Tuuladuu il gabadh-leynayaa gobol barbaarkiiye
11) Hadduuna timirtan goob dhigi lahaa jiingaday geline
12) Nina uma gargaareen haddaan gaadhka laga hayne
13) Gumburigii badhbaa joogsadiyo gorayo-cawshiiye
14) Saryankii garbaha weyn lahaa goob ka kici waaye
15) Waxa goonidaaqii habsaday gubaddadii Hawde
16) Garanuugta iyo deeradii gaag yar baa hadhaye
17) Gobey iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye
18) Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene
19) Kama guuxo aargoonlihii geliga toomoode
20) Shabeelkii gabraar lagu idlee Giiro layn jiraye
21) Oo godadkii kama soo ciyaan gabanadiisiiye
22) Hargihiisa nimankii gataa guuldarra u sidaye
23) Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii madhaye
24) Ahminkii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye
25) Goggii subagga laga dhoobi jirey haatan gorofowye
26) Basaas baa timihii kala go'een gaaridii dumare
27) Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax moodaaye
28) Neef kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde
30) Garoowe iyo Bookh baa qaar harraad u go'ayaane
31) Gocondho iyo daal bay qabaan garow la'aaneede
32) Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye
33) Gubniyaa hareeraha ka galay gaadhiyaal wada e
34) Geedihii sun baa loogu daray geerina u badaye
35) Wax ma galabsannine maalin baa loo guddoonsadaye
36) Galowga iyo fiintii naf bay giida la hayaane
37)  Gurxankiyo cabaadkiyo haddaad gooha demin weydo
38) Adigaaba lagu gaadayaa gooshkan dabadeede
39) Gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.