Home

Maxamud Maxamed Fidhin

                                                    Ha is Weheshato                

Cayni-Qabad
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 Gabay gabayada dib-u-heshiinta ee abwaanka ka mid ah oo uu Soomaalida ugu sheegayo in ay Rabbi u noqdaan si ay uga baxaan collaada ku habsatay.  Wuxuu yidhi:

  • Waagii wanaagiyo la nacay, weheshigii kheyrka

  • Waaciidsigii walaalnimo markii, laga walaahoobay

  • Waaguu wareerkiyo na galay, waaladiyo tiihu

  • Waagii wadiifada la jaray een, wadnaha goynay

  • Waagaan is wada weerarnee, la is wareenteeyey

  • Waagay walaaladu noqdeen, nin iyo waabtiisa

  • Waagii wallaahida la maray, wacadna beenoobey

  • Alla maxaan waryaadhaay ku idhi, oon waramay daacad

  • Alla maxaan warmaha laysla dhici, waali u arkaayey

  • Alla maxaan dad badan oo waxtara, waaberyaba laynay

  • Alla maxaa wadaad iyo duq iyo, walliyo geeryooday

  • Alla maxaa islaamo aan wax qabin, la iska weydaystay

  • Waraqyada intii laga xidhoo, waadi lagu tuuray

  • Sidii waxar mareeg galay maxaan, kaga wajiiqsiinay

  • Alla maxaan wadkiyo geeridiyo, wiiqashada diiday

  • Alla maxaa wadnaha laysku jaray, gumuca wiifleeya

  • Alla muxuu waraabuhu habcaday, hilib walaalkeen ah

  • Alla muxuu wijiiriyey intuu, waayo ku casheeyey

  • Alla maxaan nin weyn oo khaldamay, waaniyoo la hadlay

  • Isna muxuu ka weyraxay sidaan, wax  ugu sheegaayey

  • Anna intaan wisiisiyey maxaan dib, uga soo  waabtay

  • Dhiigga wilic leh waagaan gadneen, qalannay willkeena

  • Waddamada shisheeyaha maxaa, welimo loo doontay

  • Alla maxaan shir laynaga waciyo, gogala weetaynay

  • Alla maxaan wax laynoo qaliyo, weelashii madhinay

  • Wuxu maxay ahaayeen maxaa, laba isweydiisay

  • Alla maxay xumaan waartay iyo wadhi, nasoo gaadhay

  • Muxuu inagu wiirsaday nimaan, hor uga weynaanay

  • Kolleey sharafkii webi buu ku dhacay, waanan aragnaaye

  • Waan-waan haloo raadiyee, talo isweydiiya

  • Haddii kale warjeefkiyo xiqdiga, abid wanaag mooda

  • Warka gabaygu waanuu ahaa iyo, wanaag doone

  • Marna wah iyo ciilbuu ahaa, iyo walaahawe

  • Wadna gooye qaar baa ahaa, wad iyo eedaade

  • Marna ficil wadani buu ahaa, cadhiyo weerreeye

  • Isku wada dar weel qudha ku shubo, waa is waansada

  • Waddadii xaqa ahayd haddii, laga walaahoobay

  • Wadiiqaha la doorbiday hadduu, wey na dhaxalsiiyey  

  • Waxaa ila habboon nabad inaan, uga wareegnaaye

  • Waagii baryaba waxaad heshaan, taliyo waan waane

  • Ummad yahay iswaanssada inaad sharafta weynayso

  • Haddii kale wadkiyo geeridaad, weheshan doontaane

  • Weligiin waxyeeliyo ku jira, weerarkiyo boobka

  • Bal waayahay haddaan soo wadaco, gabayga wawleeya

  • Waxaan idin odhan lahaa haddaan, waaga ka caddeeyo

  • Weydada irmaan iyo ilmaha, daba walaansheeya

  • Adoo wada walwaaliyo bannaan, amase weeraare

  • Waraabuhu hadduu kaa didshiyo, weer hunguriyeeyey

  • Midba meel hadduu orod wajaho, oo la kala weecdo

  • Waa woohabayn iyo duboo, waxaad tidhaahdaaye

  • Soomaaliduna waayahan sidaa, waw ekoon tahaye

  • Waxaa inagu waajib ah inaan, Waaxid barinaaye

  • Wadaad balag u aasiyo intaan, culimo weegaarno

  • Ha isweheshatee Eebeheen, samo aan weydiino

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.