Home

Muxumed Kooshin Warfaa iyo Saahid Qamaan iyo ...

                                                                              Gabayo isu jawaab ah           

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Muxumed Kooshin Warfaa geel uu kasoo qaaday Reer Dalal kadibna loogu soo ergeeyey in la celiyo ayuu gabaygan ka tiriyey.  Muxumed wuxuu wacad ku marayaa inaan hal qudheetihi dib uga noqonaynin.  Saahid jawaabtiisii hoos ka eeg.  Wuxuu yidhi:

·         Haddii dhalasho laysugu dabcoo hilib wax daaweeyo

·         Ama dawlad laga yaabi iyo dab iyo laandheere

·         Hashaan daalaneey Dalal Ugaas shalay u deyn waayey

 

·         Een duubigii iyo ku diley doorkii Bah Xawaadle

·         Een daba-xidhkii maali jirey dib uga sii luudshay 

·         Dawac Reer Shirshoori hashuu iga dul nuunaasay

·         Dalba-Goroyo leyeey nin lihi deeq u bixin  waaye

·         Duulkii lahaayoon baryaa ima daweeyeene

·         Xaq ku dooni maayee hashuu damacu ii geeyey

 

·         Allow darajo hay siin hadday dib u xawaareyso

·         Waa kaan duqeygii ku xidhay dogabkii Baarjeexe

·         Waa kaan ka soo degay intaan dhaar ku sii daraye

·         Dibna inaanan uga laabanayn riday dalaaqdiiye

·         Anigiyo Ilxaan baw darayn dirir galkeediiye

·         Durkiyaay markuu Aadan Qaash nagu danuukhyeeyey

·         Maxaad Roobku waa damman yahee hadalka deeqsiiya

·         ...

 

Saahid Qamaan ayaa dakanadii laga hayey dabagalay oo soo dhacdasay, markaa kadib

ayuu gabaygii Muxumed ka jawaabay oo wuxuu yidhi:

 

  • Abbaan duulaha colkii, ubaxa lay saaray
  • Odolkaan la kacay wiilaashaan, aaladda u qaaday
  • Godob lama ilaawee haddaan, uunka kale dhaafay
  • Sow kuma abbirin reerahaan, horay u eedawnay
 
  • Axmed awlaaddiisii sidkaha, uma aloosaane
  • Af-fur looma shubo wayso, oo caana  ka abaadye
  • Afka buurigii kakaga ingagay, yuu Ilxaan dhigiye
  • Ha afuufo buunshaha waa, addoon dhacane
 
  • Eedoolihii bay ka cabtaa, dararkii ooyoodo
  • Afmeerkii Bankaan dagniyo, ilihii Ceel-Xaare
  • Waxaa ayro lagu foofiyaa, oogadii sibiye
  • Arlo aysan ka baqanaynin bay, ku umulaysaaye
 
  • Waakaa ardaaga noo asturay, era-dhawgeediiye
  • Waakaa alaylkii laxigi ????
  • Waakaa abeerkiyo laqalay, oofa waynaha e
  • Ugaaska iyo arbaha Faatula ah, iyo aaqilka Xuseena
  • Islow Cumar Islaankii Carte, aarka Maxamuuda
  • Amakaarka gamaadii iyo, Ururta reer Boona
  • Arinka masoo Xaajadii abb  iyo, wiil gaadhay
  • …………. aradkuu fadhiyo dawlo ka idlaatay
  • Intaasoo islow nahay, ul iyo diirkeeda
  • Oo igu ardaayayn anoo, ila-xidh wayn jiifa
  • Oo Adari kuu wada fadhiya, maalintaad imane
  • Ashkatiyo Ararsaba anaa, kaaga oday roone

·        Asiiryahow waxaan kugu ajali, oodda kula taale

  • Inaad addoon dhaba tihiin, haatan ma ogaatay?

Biixi Aw-Cumar ayaan ka helay gabaygan kore.

Dhacdadan waxaa kaloo ka gabyey rag kale oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Aadan Cidhibeey, Maxamed Cumar Qoobane, iyo Babayad Muxumad Kooshin, wiilkii curad ee Muxumed Kooshin Warfaa oo maalintuu 17 jirsaday gabyey maadaama oo aabihii xilligaa ka hor geeryooday. 

Maxamed Aadan Cidhibeey oo geel laga soo dhacay wax kasoo dhiciyey ammaanduulihii ragga geela soo dhacayna lagu dilay waa kii lahaa:

  • Bahyarawda waad heli kartiin, Ina Bah Gaalaaade

  • Baas idin ma heleen hadaad, shalayto beydhaane

  • Bah Sheekhaashta oo wada fadhida, Ban iyo Ceel Weyne

  • Oo buurihii Yabaru iyo, banka daaqeeysa

  • Banaankii Alaabaad markay, baarax olollayso

  • Beeshay ahaayeen kuwii, bahalka loo oogay

  • ...

Maxamed Cumar Qoobane isna waa kii soo faray isagoo muujinaya inuu dakanada maqan iyo geela laga soo qaadayba ka aargoosan doono:

  • Adigaa dhulkii iyo u kici, Dhuxun hareetiiye

  • Dhicis iyo Cabdi iyo Muxumad baan, dhawr hal kuu fariye

  • Dhamaantood u gee waa fariin, dhagax ka waaweeyne

  • Dharcastii bari yaan kale iman, dhude yar maadhiine

  • Dhalinyarada habaryoonis, yaa ila dhawaateeyne

  • Dhugad iyo Makaahiilna waa, is dhinac dagaynaaye

  • Haaruun dhegadlana reeruhuu, dhaaxa buuxsamay

  • Ee geelii inuu dhaadhaco oo, wabiga uu dhaafo

  • Iyo in aan kaa dhaco oo aan, dhudina kuu cayman,

  • labadaa mid uun dhawr nabsaa, dhiisha kuu galaye

  • ...

Gabaygaasi markuu yimid, Muxumed Kooshin Warfaa oo Reer Amaadinka af-hayeen u ahaa wuu mootanaa waxaa jawaabay wiilkiisii curad Babayad oo wuxuu ku bilaabay:

  • Bahyar ninkii lagu maqlay yay, barigii aadeene

  • Sidii bawiyo ooman oo, mayeygu soo buuxshay

  • Ama ceel birqod ah oo aroor, maaxda laga boobay

  • Ama aar intuu neef barkaday, beerka ka higooday

  • Ama budhun maqaareey ah oo, bidhaha loo qaaday

  • Ama bowlihii saarka oo, lagu bilaashqooqi

  • Boodaanka ii yeedhay yay, bu’atay laabtiiye

  • Afka beenta laga sheegay, yaan baaji leeyahaye

  • aan badalo hadalkii Maxamed yaan, baadi doon ahaye

  • Buur guduudyo iyo saalumo yay, bila ka fooftaaye

  • Banaankii Gilaad yay Cillaan, barawax daaqdaaye

  • Baacdeeda lama soo qabto  oo, tiigtu waa u buro’e

  • Ban jiifweeye oo laguma dayo, xero bidhaanteede

  • Iyo baatirteedii candhada, boog isugu yeeshay

  • Nin baahaniba wuu ogyahay, baylahday tahaye

  • Bilaash looma daynine horaa, looga baalmaraye

  • Boodhkaad arkaysaana waa, booqashadeediiye,

  • Birqodkii Halowyaan rabaa, in aan u baadhaaye

  • Baarjeex in lagu soo horo yaa, beesha loo raraye
  • ...

Waxaan ka cudurdaaranaynaa inaan qisadan si tuuro-goys ah uga helnay dhawr ilood oo kala duwan sidaa daraadeed ay suuroobi karto inaysan sax wada ahayn.  Haddii aad nagu dhaanto ama aad ku dhaanto akhyaarta kale een ka helnay waxaan filaynaa inaad noo soo saxdo iyadoo qasadkaagu yahay taariikh dhawr iyo suugaan xifdin oo kaliya. 

Haddii aynaan diiwaan galin suugaanta noocan ah bari kamaalin waxaad arki doontaa iyadoo la boolyaday oo gabaygii aad hebel ku ogayd mid kale oo kumanyaal meyl degaan jira ka yimid loo saariyey.  Mahadsanid.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.