Home

Nuuriye

                                                 Gama'diid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Ma gartoo wixii ila gudboon waan ka gudayaaye
  • Hadba kii i gowracahayaan garab istaagaaye
  • Godkuu cadowgu ii jeexayaan hoos u galayaaye
  • Waxaan gacal wadaagnoo dhanbaan jeel ku gurayaaye
  •  
  • Guduudkiyo salaadaan u kici goor la jiifsadaye
  • .....................................................................
  • Gumaystaaha i baabi'inayaan soo gud lee yahaye
  • Kolba kii i goygoynayaan guri la seexdaaye
  •  
  • In uu guuldaraystaan rabaa geestan ii maqane
  • Gobonimo ma raaraadiyee waan gambinayaaye
  • Oomana gurbaan tumo xornimo inaan gabraartaaye
  • Ha yeeshee garaadkaygiibaa guurayoon dagine
  • Geestayda weer baa fadhiya goodna way mirane
  • Garab maray jidkii aan lahaa o gunbaan ahaye
  • Gunti foolxuntaa liidatee gubaya jiidhkayga
  • Een ii garaabayn mar qudha iguna guud xeeran
  • Ayunbaan intaa ugu garnaqi goboladaydiiye
  •  
  • Nacas gaado weyn baan ahoon ciddi gargaarayne
  • Ray'igana gardoof baan ka ahay goor iyo ayaane
  • Mar haddaan waxaa iga gardaran uba garbaynaayo
  • Sidee baan gantoob ula sinmaa gaabis baan ahaye
  •  
  • Gayigaynu lee nahay intuu nacabku gowriiro
  • Ee uu gumaystuhu fadhiyo godankan aan joogno
  • Anna aan ganaaxnahay waqtigu waa is gurayaaye
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Isticmaarkan gunka ah intuu ii gu' tirinaayo
  • Ee uu goboladaydii nimcada uu ka guranaayo
  • Anna aan guhaadaa qabiyo gaajadiyo oonka
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Galaayuuska qaylada intay go'aydu yeedhayso
  • Ee uu ganboolayda dumar nacasku gaadaayo
  • Anna goodka aan weheshadiyo goodirkiyo cowsha
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Garaadaran amxaaradu intay shacabka guulayso
  • Eey geesigii noo kacaba gowrac marinayso
  • Anna aan galiilyada qabiyo goodigiyo ciilka
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Goojaamo nimankaa ka yimid ee gandiga moodo
  • Gurta bidix intay saydhayaan eey is garab yaaci
  • Anna aan garuun ahay la raro goor iyo ayaanba
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Garbo iyo Godey iyo intay Nogob ka geeraari
  • Gurdamadu intay igu hardiyo Jarar gadaankeeda
  • Anna aan gurbaanada ku tuman Bari gadaashiisa
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Federalka soo galo intay iigu gacan haadin
  • Gumaystahan hayaanka ah intuu joogo gurigayga
  • Anna uu go'aankaygu yahay dowladnimo gaar ah
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Gurdan culus intay igu dhexmari gaalo dabaqlaydu
  • Goonyaha Aawiriyo intay Sagag ka guuxayso
  • Anna geeda aan rogahayiyo goonburkiyo ciidka
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Dhulka ginigu noo yaalo iyo gaaska iyo maalku
  • Inta ay ka gaariminayaan nimankan gaagaaban
  • Anna aan gunbada hoose iyo gabi ka laalaado
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Gacamada iyi jeexa iyo wabiyada guuxa
  • Inta uu galaabixi kufrigan Goondhar laga keenay
  • Anna gaadhku iga saaran yahay een la guban oonka
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta ay gamaarayda baas gogosha ii jiifto
  • Gaaduhu intuu ii hadhsado guriga hooskiisa
  • Anna aan garaaxaa qabiyo garab ku taaglaynta
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Giinbaaradaa naaxay ee ganacu waynaaday
  • Inta ay i guulguulayaan eey i gacan dhaafi
  • Anna goolkii aan laadaba iga gadoomaayo
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • War geelayga ii dhaan intay gudub u haaneedi
  • Eey gorof u aabaynayaan Xabashi gaaflaydu
  • Anna gaawahaygii madhee gudubka loo tuuray
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inata aan galaydaan tabcaday gaalo raranayso
  • Gobol kale intay geysan eey gaadhiyada saari
  • Anna goonka aan qodanayeen gowlalaha ruugo
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta ay garoonshiidka dhigan Faafan gudaheeda
  • Guulaamadaa baas intay igu kor gowriirto
  • Anna aan gacmaha laabatay ee gunudka doonyeystay
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Gabagabo colaadeed intuu galowgu yeedhaayo
  • Gubnigaa hayaanka ah intay xeesha ila gaadi
  • Anna aan gunuunucahayeen goobta madhan joogo
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Guurtaanyada xanuunka leh intaan gocosho ooyaayo
  • Gardararda intay igu hayaan guduridaa waalan
  • Anna gooxa aan yuurureen guudka ka cadhoobay
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Gunagada Galaadiyo intay Gila huleelayso
  • Oo Gaaladu Wardheer iyo intay Caado gocanayso
  • Anna aan ka go'ay goor habeen gogol in aan seexdo
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta aan gubnoodkiyo fadhiyo guri abaaraadka
  • Geedkay intaan leeyahay een gubada siiyo
  • Anna aan godkii aakhiriyo geeri filanaayo
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Godobtayda nimankaa qabee guran alaabtayda
  • Inta ay gamuuntiyo warmaha galabtii soofaysan
  • Anna gudoodiga ku jiro gaadmo waa halise
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta ay gartaydii xaqiri xuunsho guluc dheertu
  • Diyaaraadka guuxiyi intay gaadhiyada fuuli
  • Anna geenyadaydii fadhido waan gulaalnahaye
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Gofanuhu intuu igu cayilay guudka iga saaran
  • Inta uu go'aygii huwado guriga ii yaalay
  • Anna aan golaha jiifo iyo geela xeradiisa
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta ay i igowdhgowdhayaan Xabashi gaagaabtu
  • Gaadiid sidiisii intay gibilka ii yuuqi
  • Anna aan guhaad ciil ka kicin jeelka gudihiisa
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Guutada wax jaajuusta ee gurata laaluushka
  • Inta ay guryaha baadhayaan goor la kala seexday
  • Anna aan gadaafada tirsado godobi waa wiishe
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Inta gabigu igu fooraro iyo gowtigiyo goonku
  • Gocandhadu intay iga mudmudi gogosha hoosteeda
  • Anna garashadaydii luntee geedka lagu laalay
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Xabashidu gun weeyee intay qoolka ila gaadi
  • Eey ii gardaad lulahayaan waaga galacdiisa
  • Anna aan galuubnahay siddii gabadh lasoo dheelmay
  • Gam'i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
  •  
  • Afartaa gadaan doonayiyo garsho waayeel dheh
  • Afar kalana waan gocon hayaaa goor dhow dabadeede
  • Mas galaalan good iyo abees jeer gilgilanaysa
  • Guduudane shabeel gaarin iyo haramacad guuxaysa
  • Wiyil gees la galiyiyo atoor galabtii soo yaacay
  • Iyo aar gabdaaniyahayoo guudka ka cadaaday
  • Oo eel gudiya yaan arkaa goor habeenimo e
  • Afartaa gadaan doonayiyo garsho waayeel dheh
  • Afar kalana waan gocon hayaaa goor dhow dabadeede
  • ................................................................................
  • Geeshyahoow labaxay Jowxa ee goonida u taagan
  • Gobonimo u didir baynu nahay guudku reer yahaye
  • Gaasyahoow lasoo fayliyee goobta wada taagan
  • Gaashaandhigii baa tihinn gaadhka loo diraye
  • Gayigeena gaalada fadhida ee gafka u joogta
  • Waa inaad gumaadaan sidii goosan weer galaye
  • Waa inaad gubtaanyiyo badaan geeri xoog badane
  • Xabashida go'doonka ah markii gacanta loo qaado
  • Gaastariig inay leeftooy gubato weeyaane
  • Gobonimo ilaa aan heloon guudka calan saaroi
  • Gam'a nooma yaaliyo in aan gogol ku jiifnaaye
  •  
  • MA gadmado dhulkaan leenahoo garasho waa caan e
  • Sumad gooni ah buu leeyahoon idin garwaaqsiine
  • Marka horre gabiib weeye iyo guri nugaaleed e
  •  
  • Gabra iyo galool baa ka baxa geedu waa hodane
  • Webi aan go'ayn baa ku yaal gu iyo jiilaale
  • Ciid guduudan buu leeyahoon gogol u baahnayne
  •  
  • Gomoshkiyo xajiintaa ku badan gees la eegaba e
  • Geedaha waxaa lagu wadhwadhay hohob guduudeeye
  • Gaas iyo batrool baa fadhiya goonyahoo idile
  • Gaahaydh iyo caleenbaa ku taal geel unbaa cuniye
  • Meeshaad garaacdaba biyuhu waa gal oo buluq e
  • Geyigaa nimcadu taalo ee guule ina siiyey
  • Ayunbuu gumaystaha lunsani gaadhka ka hayaaye
  • Isticmaarka soo guuray ee nagu kor gowriira
  • Waxa uu go'aankiisu yahay garate shaaleeye
  • Galad kama filayniyi inaan gacal wadaagnaaye
  • Nabad loo gabraartaa ma jiro ood ku gama' daaane
  • Umad yahay wax garadkay lahayd gaaladu idlaysay
  • Umad yahay gumaysigu rartee gibilka loo yuuqay
  • Umad yahay gaftaashii labado aan ka gubanaynin
  • Dalka gu'baa u hooray oo geedsan boow baxaye
  • Afrikadu waxay gudubtayee ay kawada gooshtay
  • Ayunbaad gandoodaa siddii neef la gowracaye
  • Adigaa garaad li'i hadhsada meel gasiira ahee
  • Guurti yahay hortaydiyo fadhida aniga geeskayga
  • Gumaadkuu shacbigu Xabashi gaadhsiisay
  • Goobjoogayaal baan ahayn gugan dhexdiisiiye
  • Inteebaa nin geesi ah la dilay oo god lagu tuuray
  • Meeqaa ganboolayda dumar guudka laga laacay
  • Idinkoon ka guban xaajadaa guudka naga saaran
  • Oo aan Itoobiya ka gu'in gabi ahaanteedba
  • Gobonimo intaad ooha dhahdaan gacashan maysaane
  • Isku guda go'aankaan rabniyo guushu way dhalane
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.