Home

Dabuub Gabay:  Qamaan Bulxan

                                        

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygii 2aad ee Silsiladdii Rayad ahna gabaygii 1aad ee Qamaan Bulxan

 

Gabaygii Diradiraale ee Cali-dhuux ayaa dhinac walba u dabayshaday.  Qamaan Bulxan oo Cali or iyo jiib yaqaanay ayaa u jawaabay oo Silsiladdii Rayad soo galay.  Gabayga Qamaan mar waa xaajo, mar waa garaabid, mar waa goodi,  mar  garashada iyo garaadka Cali-dhuux ayuu la yaaban yahay marna diradiraalaha Cali-dhuux ayuu farta ku fiiqayaa.  Mar kale Qamaan wuxuu sheegay haddii aan Ingiriis baardaajinaynin inaan Isaaq Ogaadeen la ekeekameen. 

 

Qamaan wuxuu Cali-dhuux ku gawriyey inuu diradiraalaha dhaafo haddiise uu cagta u dhigiwaayo in isaga uun ay la ciiri doonto.  Wuxuu caddeeyey in Ogaadeen siijeedkiisa  dad badani ku dagmi doono iyo in Cali-dhuux doqonimo awgeed uu Isaaq guddoonsiiyey guulo badan oo aysan soo hoyinin.

 

Wuxuu ku dooday in Isaaq xididnimo, asluub iyo daris wanaag ku degan yahay Doollo deyrna u yahay habar dugaag iyo Harti, dhul ay qaateen ama durugsadeenna uusan jirin.  Haddiise Ogaadeen iyo Isaaq dagaalamo waxa aad Caliyow ka helayso ayaan garan waayey, ayuu sii raaciyey.

 

Duullaankii Hagoogane la baxay ee Ingiriis iyo cawaamkiisba ku saareen Ogaadeen iyo Daraawiish iyo geelii duulaanka lagu soo qaaday inay Habar Yoonis iyo Dhulbahantihii Ingiriiska la socdayba, sida Reer Hagar iyo Cali-geri qaarkii, ahaayeen kuwii ka qayb qaatay dakanadaasina meel u taalo, gabaygiisuna uu daacadda ka fog yahay, ayuu ku dooday.  “Gacantii wax qaadka taqaan gumudkaa dhaqdhaqaaqa” oo waad naga cabsanaysaa ee haddii sidaad sheegtay xaalku yahay adiguba nama aadan dayseen ayuu ku gujiyey.  Wuxuu xusay in geesiyadii ugu magac dheera Dhulbahante Isaaq laayey, Dhulbahantena dhulkoodii ay Habar Jeclo ka faramaroojisay, maganna ay aqalkoodii ku yihiin. 

 

Wuxuu ku goodiyey in Ogaadeen oodda soo jabiyey, adduunna rogi doono.  Wuxuu ku ceebiyey Cali-dhuux inuu yahay nin Daarood kalagurkii iyo Dhulbahante dakanadii ku caanbaxay sida marka Qamaan leeyahay “dalkaad ina adeerkaa dhigtaad, wali degaysaaye.” Iyo inaan Qamaan hadalka loo dusinkarin, Cali iyo isbihinbihintiisana uu aad u yaqaano kana aragti dheeryahay. 

 

Caynaba maad soo dhicisid haddaad tabar hayso ama maad tolkaa gabayga ku guubaabisid haddaad raganimo leedahay ayuu ku dacwiyey.  Ingiriis haddii uu i dilay saw Isaaq iyo Dhulbahanteha Ingiriiskaa la socda iska kay daliilaysan mahayaan, sida aarku kolkuu raqda ka noolaado ay dawacada iyo haaddu u feenfeentaan wixii meesha ku hadhay. 

 

Qamaan wuxuu isticmaalay luuqad aad u saraysa oo maahmaah iyo murti leh. Halqabsiyo badan oo gees walba Soomaaliya laga isticmaalo ayaa gabaygan kasoo jeeda.   Wuxuu yidhi:

 

  • Caliyoow dabuubtaadi gabay, daayinkaa wadaye

  • Dabaylaha xagaagee dafliyo, daafigaa sidaye

  • Noo dooji doogiyo sidii, dararta xolaadde  

 

  • Diirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax daaweyne

  • Dadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye

  • Anna waan ku diirsaday, Ilaah derajo siiyoowe

 

  • Daaraan garbaha qoon hulaad, damaqday Dhuuxoowe

  • Dibirrooti buu dhacay, raggaad dabaqadayseen  

  • Waa gobol dillaacid iyo ciil, dibinta ruugaaya

  • Iyo gobol runduda oo fadhiya, dagada weeyaane

 

  • Dulkaa  jooji  waan kula dacwiyi, doodna waan odhane

  • Dabbaad ololisaa kumana gubo, daa'in abidkaaye

  • Intaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaane

  • Daaskaad fadhido saw gubee, degelkan qiiqaabi

 

  • Haddayse daacad xaajadu tahoon, lagu denbaabaynin

  • Danbaaburada naareeed haddaan, dhinacu doonaynin

  • Seeddoow maxaad noogu digan, dakharku waa kiinne

 

  • Goormayse degmadu noo miyeen, dawgalbaa jira e

  • Daldhacsiga danaasaca la mood, dawr inaan ahaye

  • Is dalleemintaydaa ninkii, dagani eedaaye

 

  • Dubihii ku dhacay Ina Barwaaq, dagi aad maysaane

  • Daaduunka caydheed raggaa, dibbadda meeraaya

  • Docmo[1] iyo Hartaa[2] lagu ogaa, dalawadoodiiye

 

  • Cali-gerigaa daadhiib shalay, naga durduurteene

  • Waa kaa darfiyey caanihii, dagiyo heemaale

  • Anna waxan dibiray waa dagaag, dayrar soo xulaye

 

  • Nimay gacantu daabulo tiqiin, beri hadduu daayo

  • Uu yara dalleensado intii, ducasan loo yeelo

  • Dambanmahayo waagay xubnuhu, yara dubaaxshaane  

  • Inaad deysid beel dagan adoon, dani ku seetaynin

  • Dabcigeedba yaa kugu yiqiin, digasho mooyaane?

 

  • Hadday debecdo waw hiiliyaa, doqon walaalkeede

  • Diiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane

  • Dunna haddaadan  ii tarin maxaad, iigu dana sheegan?

 

  • Dooyaha fardaha  maalintaad, deleb ku qaadaysey

  • sidii duul Amxaara ah markaad, nagu dabraynaysey

  • Intaad haatan ii laba dublayn, muu damqado jiidhku?

  • Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu diiro?

 

  • Toorida ninkii kuu dadbee,  daabku uu celiyey

  • Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane

  • Dakanadayda yaa kaa xigood, igu danayn haatan?

  • Aar soo dibjirey neef hadduu, daacuftii geliyo

  • Uu kaga digsiiyuu ilkaha, dhiigga kaga daadsho

  • Dugaaggaa yaryari saw ka cuna, duufka hadhay maaha?[3]

 

  • Aday dilaye goormaa Isaaq, Doollo iga qaaday?

  • Maxaa godobtii Daarood lahaa, dabacayuun siiyey?

 

  • Hadday Dibbixul[4]  uga heesayaan, Daharba[5]  waan siine

  • Miyey haatan daab iyo ul iyo, kaga cabbaan dawlis?

  • Bulsho  daalis oo dibi dhaloon, loo danbarinaynin

  • Oo kii lahaa diidey bay, sidigtii  doontaaye

 

  • Kuwan derisnay dooxeer haddaan, sebenka daaduunsho

  • Waxa adiga duug kaaga noqon, yayga degi waayey!

 

  • Gabdhaha doonnan dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqaynta

  • Kuwaan dihannay diricay dhaleen, waa dareeemada e

  • Muslinka hayga didin yaan Ibleeys, dawyo kaa ridine

 

  • Darka jabay dillaalkiyo dhulkuu, dabadku meeraayo

  • Deeqii Illaahay halkuu, xuliyey daadkiisa

  • Ii daa dugaagiyo Hartay, igaga deyraanne

 

  • Iidoor Dir weeyee hadduu, duulan soo kiciyo

  • Dunji Habar Magaadluhu[7] hadduu, dabarka soo qaato

  • Dunbuq iyo rasaastana hadduu, debecsanuhu siiyo

  • Horta yaa la da'a wayla yaab, dawyadaad xuliye?

 

  • Ogaadeen ka daan iyo ka daan, Doollo soo gudubye

  • Diinkaan akhriyey way iman, Dooy raggii jiraye

  • Dunji  maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirinne

  • Ma demmaniye deynkayga, waan dabagelaayaaye

 

  • Idinkuba darkii Caynabaad,[8] deris ku taalliine

  • Dagaallama rag doorkii la laa, duubcaddii Hagare

  • Ama na daaya waan  wada qabnaa, daawashiyo ceebe

 

  • Caliyoow da'daan ahay waqaa, looma duurxulo e

  • Duq gaboobey iyo wiil yarbaa, loo dedaa hadale

  • Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene

 

  • Ma dumaalo naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaane

  • Dayib[9] uma yidhaahdaan jeeroo, hawli daashado e

  • Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye

  • Dalkaad Ina-adeerkaa dhigtaad, weli degeysaaye[10]

 

  • Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane

  • Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

  • Dadkuna moodi duul wada dhashoon, wax u dahsoonayne

  • Dallo malaha aakhiro haddii, loo kitaab dayaye

  • Adna gabayga waad nagu danqiye, daacaddii maqane

  • Dubkaa nagaga kaa yaal, haddii lagugu deyrshaaye

 

  • Dilaal iyo malaal wuxuba waa, carabta deynkoode

  • Dibnihiinna uunbaan galoo, way dudubiseene

  • Allay diliye Iidoor adaa, iiga sii darane


 


[1] Docmo: Ceel Koonfur Bari Laascaanood kaga aadan, haatanse degmo ah

[2] Harti: Harti Koombe. Laf lafaha Daarood ka mid ah

[3] Saddexdaa meeris ee kore wuxuu Qamaan ujeedaa haddii Daraawiish oo mar ah iyo Ingiriis oo mar kale ah Ogaadeen galay oo dhacay Habar Yoonis iyo Dhulbahante oo uu ku tilmaamay dugaag yaryar sow ka faa’iidaysan mahayaan oo Ogaadeen iska fadhataysan mahayaan

[4] Dibixul: Balli waqooyi bari magaalada Qabridahare kaga aadan

[5] Dahar:  Qabridahar, xarunta gobolka Qorraxey ayuu ujeedaa

[[7] Habar Magaadley: Isaaq badhkii ayuu magacaasi kulmiyaa.  Habar Yoonis iyo Habar Awalba waa ka mid

[8] Caynaba:  Ceelka ugu caansan uguna biyo badan ceelasha degaanka Cayn loo yaqaano.  Degmo ayuu gadaal ka noqday.  Degaanka Dhulbahante ayuu ugu hodansanaa dhulkaasi, maantase Habar Jeclo ayaa danbaabta

[9] Dayib: eray asalakiisu Af Carabi yahay oo la macne ah ‘hagaag’ ama ‘waayahay’

[10] Colaadii Reer Hagar iyo Cali-geri u dhaxaysay ayuu ujeedaa

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002  Doollo.com. All rights reserved.