Home

Geyiga Nooga Taga:  Qamaan Bulxan

                                                 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Gabaygan wuxuu Qamaan sii faray nin Cismaan la odhan jiray oo Habar-Yoonis ahaa, ninkaasoo u kicitimayey 
carro Iidoor.  Abwaanku wuxuu tixdan kaga waramahayay sida xaalka Ciid iyo dhulka la jaaha ahi uu yahay, 
isagoo waliba carab-baabayay sida umuuri haatan isu badashay oo reer tolkii muwaafaqo iyo midnimo u yeeshay 
kol hadday taasi dhacdana aan la loodin karin, nin horay dakano uga qabayna aysan ugu sii maqnaan doonin.  
Gabaygani wuxuu ku aadan yahay abbaaraha xilliyadii gabayadii Rayad la isu marinayay, cid ii xaqiijisase ma helin  
inuu Rarad la olog ahaa.
 
      1.   Cismaanow guddoontaye, haddaad galab caraabeyso
2.   Gaadiyo libaax kuguma helo, guraha Miiroode
3.   Guuraha Ilaah kuguma dhibo, gaanlihii socode
4.   Goobtaydun tiileen markaad, gaadho Habar-Yoonis
5.   Isaxaaq guudkiisa koriyo, guban kuwii yiiley
6.   Gaydh-gaydha reer Sugulliyo, gurarka Reer Jaamac
7.   Seedow adaan kuu gartaye, geli akhbaartayda
 
9.   Galka ceelka daartii inaan, guri ka meegaaray
10. Guddi Reer Warfaa oo tolnnimo, goob u wada yaalla
11. Oo geed intuu soo dhexmaray, nin u guddoon dhiibtay
12. Oo ay guddidu soo fadhido, gebigan hoostiisa
13. Ooy gadanka Baar-Jeex ka fuli, goodirtaan dhaqanay
14. Godobtayda lama qaadi karo, Gaaliyo Islaane
15. Geyiga nooga taga, waxaad qabtaan xaqoo gaada lehe?
16. ...
 

Isha gabayga:  Buuggii Qamaan Bulxaan: (taariikh iyo maanso). Muqdisho: Axmed Cabdi Haybe, 1980.

Ma dhana gabaygani ee soo raadi inta ka maqan oo nala soo socodsii.  Waxaan intan nasoo gaadhsiiyey  Xadiis Axmed Caabi.

 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.