Home

Guriga Hay Geynin:  Qamaan Bulxan

                                                

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan wuxuu tiriyey abwaanku mar uu aad uga walbahaarsan Barni iyo xaalkeedu sida uu ku dambayn doono, iyo in ay mar uun gurigiisa ku soo noqon doonto iyo in kale.  Haybe Cabdille Axmed  nin la odhan jidhay ayaa arkay Qamaan oo fadhiya meel duleedka reerka ah hoosna u foorara dhulkana gudub iyo qotan kolba u jeexaya.  Markaasuu yidhi war Qamaan hoos unbaad u foorartaa ood gorosaysaaye bal ina keen aan tagnee aqalka oon halkaa ku yara sheekaysanee.  Wuxuu haddaba Qamaan ugu jawaabay Haybe tix gabay ah oon filayno inay inta ka badanayd eegase aanu ka hayno dhowr iyo tobankan meeris oo kaliya.  Wuxuu yidhi:

  • Gartay weeye Heyboow inaan, gorrodda laadshaaye
  • Waxba gaar ha ii dhigin huradada, gama' la ii diidye
  • Rag wax gaadhay naagtii uu qabay, guurna lagu sheegay
  • Iyo gabas mariid ah oo ku dhacay, goojigaa hilibka
  • U gudboone labadaa halbuu, ga'ma la diidaaye
  • Guska iyo xinniiyaha ninkii, laga garaaxyeeyey
  • Aniguna gaddii baan ahaye, guriga hay gaynin
  • Nimay qaaxo feedhaha gashay ooy, malaxi gaashaysay
  • Gig hadduu yidhaa maydhaqaan, gocosho daynayne
  • Wad gudoonsay saadkanaa ninkaa, guraya weeyaane
  • Aniguna gaddii baan ehee, guriga hay gaynin
  • Geenyada bakhtiday kii arkaye, gudub u raadgooyey
  • Ee goobay madaxeeda yaa, iga garaad roone
  • Aniguna gaddii baan ahaye, guriha hay gaynin
  • ...

Soo dhamaystir...

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.