Home

Qamaan Bulxan

                                                                                             

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Markii aan maqlo odhaahda Soomaaliyeed ee ah rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi waxaa maskaxdayda kusoo degdega magaca Qamaan Bulxan Yuusuf.  Qamaan wuxuu ahaa geesi aan ishiisa mudac marin, Aftahan geed ka hadal ah oo aan la’aantii xaajo Qorraxeey ka gu’in, maalqabeen shaarubaha xoori caddaysay, siyaasi iyo hoggaamiye in badan ka horreeyey xilliggii iyo dadkii uu ku dhex noolaa, gabayaa aad is odhanayso gabaygu abxad furaheeda kaligii uu hayso ayuu ugu qufulan yahay iyo waayo-arag aad ku dhaaranayso inuu dunida oo dhan cagta mariyey wallow uusan degaankiisa iyo inta dariska la ah dhaafin. 

 

Intaa aan Qamaan ku tilmaamay iyo dheeriba waxaad ka fahmi kartaa gabayadiisa 60ka kor u dhaafay ee Soomaali idilkeed ku baahay, gabayadaa oo ay gebiyada kore hayso murti iyo halqabsi.  Bal waxaad u fiirsataa gabayadan aan dhammayn ee Qamaan naga soo gaadhay. 

 

Midka hore, Sayid Maxamed oo Ingiriis iyo Xabashi u salab uruursanaya ayaa wafdi usoo diray Qorraxeey si ay tolalkaa hub iyo cudud kaleba uga helaan.  Rag baa soo dhaweeyey wafdigii Sayid Maxamed ka yimid kuna taliyey in Daraawiish la garab istaago.  Qamaan waxay ugu muuqatay in go’aankaa lagu degdegay, gorfayn iyo fiirsasho dheeri ah in xaalku mudan yahay ayuuna muujiyey.  Dadka qaarbaa waxay wariyeen inaan Sayidka iyo Qamaan xilligaa aad isugu fiicanayn.  Si kastaba ha ahaatee, Qamaan wuxuu soo jeediyey inaan wax cudud ah xagga Daraawiish tolkii ka aadin.  Isagoo aragtida noocaa ah gabay kusoo gudbinaya, haddii taladiisa la khilaafana cidhib xumada ka dhalan karta ka digaya ayuu wuxuu yidhi:    

 

            Hadday sababi geli maanka waa, la iska suushaaye

            Sinbiidh gaban ah yaa laga dhigaa, saacadaad dhimane

            Solina maysid taladii Illaah, seeg ku leeyahaye

 

            Sirqiyo mawdka wuu ka hor dhintaa, bahal sanuun mooge

            Maashaan la sarin waa dambay, sara kacaantaaye

            Sakaarkaan la rogin kaa qarsoon, sabarradiisiiye

            So’du waxay ka qudhuntaa halkaan, hilibku saafnayne

            Hadalkaan saxnayn wuxuu taraa, sun iyo waabaye

 

            Libaax iyo waxaa seertay meel, sogob dameeraade

            Wuxuu yidhi samaan aan u cabnee, suruq ka dhawr miirta

            Waxay tidhi sedkaygaan ba’sane, ha ina sooyaamin

            Wuxuu yidhi si kastood falaysaba, biyaha hayna wada seejin

            Waxay tidhi armaad sibir qaskaa, sir ula jeeddaaba

            Wuxuu yidhi haddaad sidatan tidhi, sahay ka qaadoo tag

            Waxay tidhi inkastood sidaa tidhi, sayndhow dayn maayo

            Dabadeedna suluftii lugtiyo, gelisay suulkiiba

            Isaguna ku sarajoogsayoo, madax saydhyoo dil  

 

            Dumarkaa sabaalo iyo been, sahal la taabaaye

            Oo lagu siraa waxaan ku siin, Soobir iyo liige

            Oon saarsanayn waxaad ku fali, kaana sarar weyne

            Dabadeedna saamaxa intay, meher ku saartaane

            Sokeeyaha demani waa la cayn, laguna saaweeye

 

            Sida bahalka siig iyo ugaadh, sool aan kala joogno

            Surka aynu keenoo miskaha, kala sintoolayno

            Hadhow baa anuu sixir i helay, saarsi loo odhane

            Dadow kala sibreey waxaan ka baqi, sulufkii xayskiiye

            Haddii kalese goor salal dhiciyo, saadembe i sheega

 

Mar kale ayaa waxaa la yidhi niman Qamaan ay is xiggaan oo boqol kor u dhaafay ayaa iyagoo aad u hubaysan ku biiray Daraawiish oo markaa meel Dhababe la yidhaahdo degan.  Qamaan arintaa wuu ka xumaaday.  Intii aanay wali nimankaasi ambabixin ayuu Qamaan wuxuu yidhi “ilma adeerayaalow waynu is naqaanaa oo waad madaxnimo jeceshihiin, Sayid Maxamedna cid ka hortimaadda idinkaa u horrayn doona ee hubkiina iyo ciidankiina haysta.” Nimankaasi taladaa ma qaadanin sidii uu sheegayey ayeyna noqotay oo muddo gaaban ka dibba khilaaf ayaa soo baxay.  Khilaafkaasi isaga oo uu jiro, welina Gondo Gooye uusan dhicin ayey niman wafdi ahi Sayid Maxamed gaadheen.  Maxay tolow ka dooneen isagoo is leh ayuu wuxuu mariyey gabay ay ku jirtay:

 

            Nimankii dhabbaha qaadi jiray, dhawr ninbaa tagaye

            Way u dhuuman meelay bideen, dhogorta xoolaade

            Rabbi dhuunta goo waa waxay, Dhabab sameeyeene[1]

            Dhifbaa wadaye dharag way qabeen, amase dheeraade

            Dhiil Eebbehay buuxiyey, dhoorayaan waliye

            Gus dhallaan ku yaaleey noqdeen, dhimashadoodiiye

            Dhanna uma ogola reer tolkood, dhimiyo noolowe

            Dhafoor layska toogtiyo dilbaa, niman ku dhiitaane

            Nabadda way dharaar furi colkana, kama dhabbeeyaane

 

Gabay kale oo aan sheekadaa kore lug ku lahayn ayeynu raacinaynaa.  Waxaa la yidhi Ugaas Xaashi oo ahaa ugaas Qorraxeey ka talin jiray ayaa Qamaan ku yidhi: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada kasoo uruuri.’  Reer Xandulle waa jilibka hoose ee Qamaan ka dhashay, sadaduna waa xoolo canshuurta oo kale ah oo ugaaska iyo boqortooyadiisa lagu dhaqaaleeyo.  Qamaan wuxuu ku jawaabay ‘Ugaas qaybtaydii waa tan, Reer Xandullena adaa ugaas u ah ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’ Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in hadalkaa cudur ku jiro, xabsiga ayuuna Qamaan u taxaabay.  Qamaan isagoo arintaa qaadan la’a ayuu gabaygan soo socda mariyey.  Waa gabay colaadeed aadse u murti badan.  Colaadda faraha ka qaad oo murtida gabayga ku xasil.  Wuxuu yidhi: 

 

            Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye

            Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede

            Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede

            Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye

            Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye

 

            Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga

            Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana

            Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa

            Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya

            Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya

            Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa

            Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay

            Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay

            Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed[2]

            Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo

            Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye

            Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane

            Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye

            Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade[3]

 

            Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane

            Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye

            Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye

 

            Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin

            Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye

            Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene

            Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare

            Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e

            Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne

            Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale

            Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye

            Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?

 

            Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila

            Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e

            Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene

            Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???

 

            Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye

            Ha gudduudatoo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin

            Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane

            Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe


[1] Dhababe: waa dooxo Nusdariiq u dhaw oo caan ah

[2] Maxamed wuxuu ujeedaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan

[3] Bah Gaalaad waxaa la isku yidhaahdaa Reer Cilmi iyo Reer Magan oo Reer Cabdile, Ogaadeen ah

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.