Home

Ha lays galo

                                                  Qamaan Bulxan

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waxaa la yidhi Ugaas Xaashi oo ahaa ugaas Qorraxeey ka talin jiray ayaa Qamaan ku yidhi: ‘Qamaan, Reer Xandulle sadada kasoo uruuri.’  Reer Xandulle waa jilibka hoose ee Qamaan ka dhashay, sadaduna waa xoolo canshuurta oo kale ah oo ugaaska iyo boqortooyadiisa lagu dhaqaaleeyo.  Qamaan wuxuu ku jawaabay ‘Ugaas qaybtaydii waa tan, Reer Xandullena adaa ugaas u ah ee ciidan sadada kasoo uruuriya u dir.’ Ugaas Xaashi wuxuu u qaatay in hadalkaa cudur ku jiro, xabsiga ayuuna Qamaan u taxaabay.  Qamaan isagoo arintaa qaadan la’a ayuu gabaygan soo socda mariyey.  Waa gabay colaadeed aadse u murti badan.  Colaadda faraha ka qaad oo murtida gabayga ku xasil.  Wuxuu yidhi: 

 

            Gartay weeye inaan Maxamedow, galangalceeyaaye

            Garanmaayo gegidaan hurdee, gogol la’aaneede

            Goor iyo ayaan waxaan jiraa, gooxa dibadeede

            Gankii Caamir baan ahay asaan, go’inin waagiiye

            Waxaa ila gudboon ciil inaan, gag u idhaahdaaye

 

            Sidii goodir guul ooman iyo, gebogebow jooga

            Ama giiryar oo labo qaddoo, gamashi kaynaana

            Ama guuto soo bixitintoo cido, ku guuraysa

            Ama roob gudgude oo saqdhexe, galo biyeynaaya

            Ama goray gabnihii laga qabtoo, ganid ka yaabaaya

            Ama naag ninkeedii go’oo, gocosha ooyeysa

            Ama aar intuu reer gondolay, miciyo weyn geystay

            Ama faras mirtuu goosan jiray, xadhiga loo gaabshay

            Ama gaadhkii laga hayn jiriyo, gaardigii Maxamed[2]

            Ama ceel galloobey oo qodada, lagu garaacaayo

            Arrin igu gardaadaan jifida, gawda ku hayaaye

            Birtay iga gasheen bay minjuhu, ila gariiraane

            Mase gaasa-bixin oo ninkaa, gaambin baan ahaye

            Galaal xoorka way ila qabaan, gebi Bah Gaalaade[3]

 

            Kuwii boqorka gaafa u lahaa ima, gol dhaamaane

            Geed iyo guddooniyo gambare, waw gudboonahaye

            Anoo madiya libintaan gasbado, way garaad li’iye

 

            Haddayse gacani waa jeer dambee, godob walaal raadin

            Barkhadleba gubney wada dhasheen, guul ku odhan waaye

            Arbow Caafi galabbaan ciyaar, guduri hiigeene

            Gaashaanna waad wada qabtaan, gaaska Reer Cumare

            Cabdi Kaahin gaar kama noqdeen, guudka xaajada e

            Gar ma marinin guuyana ma siin, mana garaabayne

            Goodaado dhexe bay baryeen, gaankii Reer Dalale

            Kuwaasaana iila giir adkaa, garashadaydiiye

            Bal maxay la gabangaabsadeen waa, hal gudo weyne?

 

            Haddoon laba galloobiyo anoo, gabana oo wiila

            Intaasaan xaqood gudi lahaa, gooshigii da’a e

            Eeggana gadhkiyo xaaddu way, galayaxoobeene

            Farow gaabta wixii bataa, geel bariis noqoye???

 

            Reer Magan ha kala geed hadhsado, layla garan waaye

            Ha gadooto oo yaan shamsadu, giirka ka caddaanin

            Gabbal yuusan dhicin waana baryin, gooriyo ayaane

            Ha lays galo ninbaa gudin la dhacay, geed qudhaanjo lehe

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.