Home

Soo Miilo Gaabsada

                                                  Qamaan Bulxan

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qamaan Bulxan oo ay Xabashiyi Herar ku xidhay xilliggii Giri-Girida la odhan jiray ayaa fariin faray Maxamuud Ciye oo ahaa nin Reer Ciideed ah Qamaanna ay isku raas ahaayeen.  Qamaan wuxuu tolkii u sheegaya inay isu soo ururaan cadaawad badan o jirta awgeed.  Gabaygan isagoo wada dhan ma hayno wuxuuse yidhi inta eega naga soo gaadhay:

 

1.  Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane

2.  Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone

3.  Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye

4.  Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede

5.  Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e

6.  Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye

 

8.  Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye

9.  Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode

10. Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne

 

12. Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene

13. Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede

14. Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye

15. Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye

16. Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode

17. Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye

 

18. Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibada mayd yaale

19. Mashaqowde maatida hadaad, midigta jiidaane

20. Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele

21. Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye

 

Soo dhamaystir haddii aad nagu dhaanto.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.