Home

Wadaad Eegato

                                                  Qamaan Bulxan

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayada uu Qamaan Bulxan ka mariyey sheekadii jacaylka ahayd ee Barni Sheekh Cabdille waxaa ka mid ah gabaygan hoose. 

Sheekadu waa sheeko dheer, dadka badankiisuna maqal, halkase aynu ujeedno, waxaa la yidhi culimo Reer Sheekh Abbayoonis ah ayaa loo keenay Barni oo la yidhi ka fasaqa Qamaan.  Wadaadadii kutubtii ayey ku noqdeen wax baab ah oo ninka haweenayda ka fasaqayana way waayeen.  Waxay yidhaahdeen wax qiil ah uma hayno, ee na dhaafiya. 

Ka dib, wadaado kale oo Reer Aw Nuux ah (Abasguul) ayaa loo geeyay oo sidii kuwii hore haweenayda inay fasaqaan laga codsaday.  Kutubtoodii ayey u kala rogeen.  Gar iyo gur tay dooniba ha ahaatee way fasaqeen, inay Barni madax bannaan tahay ayeyna u sheegeen.  Qamaan ayaa siday wax u dhaceen looga waramay, kolkaa ayuu wadaado oo dhan la colloobey marka laga reebo kuwa Reer Sheekh Abbayoonis.  Oo muxuu ula colloobi waayey, waxay ku sameeyeeni ma wax aan la collaysanbaa! 

Muddo ka dib, waa tii Barni lasoo dhiciyey, raaskeedii iyo gurigii Qamaan Bulxanna dib ugu soo noqotay.  Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Qamaan yimid gurigiisii oo ay culimo ka hor xadraynayso, kolkaa ayuu warsaday "war wadaadayahow yaad tihiin?”   Wadaada Soomaaliyeed qabiil gooni ah ma ahaan jirin mana sheegin jirin ee waxay sheegan jireen inay yihiin dariiqo, xer, culimo ama ikhwaan kolba kay doonaan, dadkuna sidaa ayuu u yiqiin kuna tixgelin jiray.  Wadaadadii waxay Qamaan ugu jawaabeen “Ikhwaan baanu nahay!” Intaas markii la is dhaafsaday ayuu Qamaan tixdan garnaqsiga ah wadaadadii hortooda ka mariyey.

Gabaygu waa kala maqan yahay, laakiin inta aanu helay wuxuu yidhi:   

  • Ikhwaankiyo ardadu waa kuwaan, eedda lee nahaye

  • Abayoonis mooyee wadaad, eegataan nahaye

  • Kol hadday ubbiyo loox sitaan, waa Allow sahale

  • Abasguulna waan ugu nebcahay, uumiyaha noole

  • Allaa igu og goortaan arkaan, umal wareeraaye

  • Mufti sheekh yaa iga fasaqay ma aligi dhalaye??

  • Waa wada abtiyo seedi iyo, ina adeerowe

  • Asmo iyo caqliyo arrin wuu, ii isxaan falaye

  • Ardaaga iiga kaca naagtu waa, taydun erideene

Tixdaa kore waxaa soo saxay Axmed Cabdi Haybe.  Mahadsanid Axmed.

Gabay kale oo aan saddex beyd ka hayno ayaan halkan raacinaynaa.  Qamaan Bulxan oo Adari ku xidhan oo ay Amxaaro xidhay ayaa waxaa lagu yidhi Seyid Maxamed dhimay.  Sayidku waa noolaa markaa iyada ah ee qolyo u warxumo tashiilaya oo dhibka Sayidka jeclaa ayaa warkaa Qamaan ku yidhi.  Gabay dheer ayuu markaa Qamaan Bulxan xabsiga dhexdiisa ka tiriyey isagoo beeninaya geerida Sayidka kuna faanaya in Sayidku yahay nin isaga la dhashay.

Waxaan ka haynaa:

  • Seyid Maxamed waa dhaqan yahaye, dhimay ninkii keenay

  • Rabbi dhinaca naar ha u sudhee, wuu na dhaan furaye

  • Waa dheega Baahele Hartina, waa dhufaanyihiye

Soo raadi inta maqan gabayadan oo dhan

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.