Home

Garaad:  Raage Ugaas

                                                                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waxaa la wariyey in Raage Ugaas ay martiqaadeen qoys ay qoyskiisa daris ahaayeen oo ay hayb sare wadaagaan.  Abwaanku martiqaadkaa wuu u bogi waayey wuxuuna tuhmay in ujeedada laga lee yahay ay dhaafsiisan tahay daacadnimo iyo niyad-samaan tolnimo ku dheehan tahay.  Hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu ka gabyo, ileen raggii horre wax walba kama gabyi jirin oo gabaygoodu muhiimad weyn inuu haysto mooyee, meel iyo majaal walba kama aysan faaloon jirinee.

Isla qoyskii ayaa mar kale marti qaaday Ugaas abwaanka walaalkii ahaa dabadeed ayuu Raage ku taliyey in Ugaasku uusan aqbalin martiqaadkaa oo isaga joogo.  Ugaaskii taladii Raage ma yeelin, ileen qofkii masuul ahi waa inuu mararka qaarkood u badheedhaa arimo tuhun ku jiro oo qofka caadiga ahi iska diidi karo ee.   Raage sidii uu ka digay ayey noqotay oo Ugaaskii si fiican loolama dhaqmin oo wuxuu kusoo noqday bahdiisii isagoo faraskii uu watay la dhaawacay isagana in loogu guduudiyo ku sigtay.  Raage ayaa haddaba gabay ka tiriyey arintaa isagoo walaalkii ugu duurxulaya inuu isagu ka aragti dheer yahay haddii uu taladiisa qaadan lahaana taniba aysan tii ahaateen.  Gabaygu wuu dheeraa waxaanse ka haynaa oo kaliya beydadkan hoose. 

Wuxuu yidhi: 

  • Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo
  • Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo
  • Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya
  • Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo
  • Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo
  • God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo
  • Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo

Waxaa ku deeqay Deeq Sayid Kaariye.  Inta ka maqan bal soo raadi

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.